Real Madrid oo laga khafiifiyay ganaaxii ka saarnaa suuqa kala iibsiga

0
22 December 2016 00:35 in by Head Office
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid oo laga khafiifiyay ganaaxii ka saarnaa suuqa kala iibsiga

    Real Madrid oo laga khafiifiyay ganaaxii ka saarnaa suuqa kala iibsiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid oo laga khafiifiyay ganaaxii ka saarnaa suuqa kala iibsiga

Kooxda Real Madrid ayaa ganaaxii ka saarnaa soo iibsashada ciyaaryahannada lagu soo koobay hal xilli ciyaareed ka dib markii ay racfaan ka qaadatay Maxkamadda Murannada Ciyaaraha ee magaceeda loo soo gaabiyo (Cas).

Hay'adda caalamiga ah ee kubadda cagta aduunka ee Fifa ayaa markii hore kooxdan reer Spain ka mamnuucday labo xilli ciyaareed in ay soo gataan ciyaaryahanno cusub.

Waxaa wali mamnuuc ka ah in ay ciyaaryahanno soo gataan marka uu suuqu furmo bisha koobaad ee sanadka 2017-ka, laakiin waxay hadda awoodi doonaan in ay ciyaaryahanno soo iibsadaan xagaaga soo socda.

Sidoo kale waxaa kooxda laga khafiifiyay ganaaxii lacageed ee horay loo saaray iyada oo hadda lagu soo reebay 188,000 gini.

Kooxda Real Madrid iyo kooxda kale ee Atletico Madrid oo Spain ka wada dhisan ayaa la ganaaaxay ka dib markii ay jabiyeen shuruucda soo iibsiga ciyaaaryahannada ajaaniibta ah ee da'doodu ka hoosayso 18.

Real oo war qoraal ah soo saartay ayaa sheegtay in go'aankani uu toosh ku ifinayo ganaaxii hore ee Fifa ee cadaalad darrada ahaa, inkastoo ay kooxdu ka xuntahay in Maxkamadda Murannada Ciyaarahu aysan ku dhiiranin in ay laasho dacwadda oo dhan.

Maxkamaddu wax war ah kama aysan soo saarin racfaankii kooxda kale ee Atletico.


LATEST NEWS