PSG Oo Dhigeeda Arsenal Ku Garaacday Saxiixa Garabka Xulka Germany Ee Julian Draxler

0
Friday 23rd December 2016 09:38:36 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PSG Oo Dhigeeda Arsenal Ku Garaacday Saxiixa Garabka Xulka Germany Ee Julian Draxler

    PSG Oo Dhigeeda Arsenal Ku Garaacday Saxiixa Garabka Xulka Germany Ee Julian Draxler

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

PSG Oo Dhigeeda Arsenal Ku Garaacday Saxiixa Garabka Xulka Germany Ee Julian Draxler

PSG ayaa kooxda ree jarmal ee Wolfsburg kala heshiisay saxiixa garabka kooxdaasi ka falaagoobay ee Julian Draxler, sidaasi waxaa qortay RMC iyo L’Equipe De France.

Draxleroo 23 jir ah ayaa ugu soo dhaqaaqay Wolfsburg sanadii 2015 dhanka kooxda Schalke wuxuuna markaasi u saxiixay heshiis ku heynaya kooxdaasi mudo shan sanadood ah waxaana la fahansan yahay in PSG oo xili ciyaareedkaan ku dhibtooneysa gudaha Lique 1 oo fadhisa kaalinta sadexaad laga aqbalay dalab ku kacaya€45 milyan oo euros oo ay xidigaan ku keenayaa Parc des Princes.

Kooxda ka ciyaarta Bundesliga ayaa haatan heli doonta €35milyan oo euros waxayna dib ka heli doonaan €10 milyan oo euros oo abaalmarino ah taasoo ka dhigeysa iney xidigaan ku heleen fa’ido weyn.

Kooxda ka ciyaarta Premier League ee Arsenal ayaa aad u dooneysa adeegaDraxler laakin wuxuu haatan u dhaqaaqi doonaa Paris in January halkaasoo uu ku saxiixi doono heshiis sadexilaa afar sanadood ah.

PSG ayaa sidoo kale aad u dooneysa saaxiibka kooxda Draxler ee Ricardo Rodriguez oo ay u arkaan badalka waqtiga dheer ee Maxwell iyo ninka booska kula tartami karoLayvin Kurzawa laakin hadii ay la wareegaan,Rodriguez ayaa amaah ku sii joogi doona kooxdiisa Wolfsburglixda bilood ee soo aadan.





Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS