David Moyes Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Ku Dhawaaday Saxiixa Ronaldo, Bale Iyo Kroos Waqtigiisii Manchester United

0
24 December 2016 09:35 in Wararkii Maanta by Xafiiska Sare
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    David Moyes Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Ku Dhawaaday Saxiixa Ronaldo, Bale Iyo Kroos Waqtigiisii Manchester United

    David Moyes Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Ku Dhawaaday Saxiixa Ronaldo, Bale Iyo Kroos Waqtigiisii Manchester United

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

David Moyes Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Ku Dhawaaday Saxiixa Ronaldo, Bale Iyo Kroos Waqtigiisii Manchester United

Tababarahii h--e Manchester United David Moyes ayaa sharaxay sida uu ugu dhawaaday inuu lasoo saxiixdo xidigaha Cristiano Ronaldo, Gareth Bale iyo Toni Kroos.


Macalinka haatan ee Sunderland ayaa badal u noqday tababarahii hawlgabay ee Sir Alex Ferguson, balse 10-bilood kadib waqtigiisii Old Trafford waa la ceyriyay bishii April 2014.

 

Moyes ayaa qiray inuu ku qanciyay Toni Kroos inuu yimaado Old Trafford balse uu doortay inuu iska sii joogo Bayern Munich inkastoo xili ciyaareedkii xigay uu usoo guuray Real Madrid.

"Toni Kroos wuxuu iga ogolaaday inuu yimaado xagaaga” Ayuu yiri Moyes, "Waxaan la heshiiyay Toni iyo waliba wakiilkiisa”

Dhanka kale David Moyes ayaa isku dayay inuu Gareth Bale ka afduubo Real Madrid inkastoo uu rikoorkii ugu qaalisanaa ebid waqtigaas ku aaday Los Blancos.

"Markii ugu horeysay ee aan imid Old Trafford bartilmaameedkeyga dhabta ah wuxuu ahaa Bale”

Si kastaba Moyes ayaa qiray inuu u dagaalamay saxiixa xidigaan ilaa daqiiqadii ugu dambeysay sidoo kalana ay u bandhigeen dalab ka weyn midka Real Madriid balse isagu uu niyeystay inuu aado kooxda ka dhisan caasimadda.

Ugu dambeyntii Moyes ayaa ka dhawaajiyay inuu doonayay Cristiano Ronaldo iyo Cesc Fabregas inkastoo dhamaan ciyaartoydaan uusan midna ku guuleysan.source:-Laacib


LATEST NEWS