BOQORKII NAXARIISTA BADNAA IYO XAABOOLIHII MUXUU UGU ABAAL GUDAY?" Qalinkii;Pro;Sulaiman Salah Ibrahem Hargeisa Somaliland.Qaybtii Sadexaad

0
Saturday 24th December 2016 21:57:54 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Guud
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BOQORKII NAXARIISTA BADNAA IYO XAABOOLIHII MUXUU UGU ABAAL GUDAY?" Qalinkii;Pro;Sulaiman Salah Ibrahem Hargeisa Somaliland.Qaybtii Sadexaad

    Miyaanay ahayn kuwii yaqaanay xiligii uu gaajoonayey ee uu maraqlaha ahaa,sideedaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miyaanay ahayn kuwii yaqaanay xiligii uu gaajoonayey ee uu maraqlaha ahaa,sideedaba
Dadku waa qaybo badan mid reerkoodu ladan yahay oo ladnaantii ka baxday oo iskii u
Shaqaysta,mid reerkoodu ladnaantii aanay ka guurin oo nimco iskaga jira,mid tolkii gacan
Qabto,mid reer abtigii gacan qabto,mid seedigii gacan qabto isagoo hooyaddii riyaha raaci jirtay
Walaalkiina baalash leh ahaa, mid iskii isu dabara oo shaqo taga.
M/wayne Axmed-Siilaanyo wuxuu noqday lana mid yahay boqorkaas naxariista badan oo waxaa
Kuu cadaynaya nin neceb iyo mid jecelba xilal ayuu u magacaabay,mid aqoon leh iyo midaan
Lahaynba,mid maangaab ah iyo midaan ahaynba xirsina xaaboolihii kama
Duwanaa ee samaystay dad aad u fara badan ,waxaa la cadaynayaa lacagta uu qaranka ka
dhacay inay gaadhayso 150,000,000 usdollar boqol iyo konton milyan oo dollar
wuxuu magaalo kastaba ka samaystay 20 marfish,labaatanka marfish magaalo kasta waa
lixda gobol merfishkiiba waxaa ku
qayila 30 nin qofkiiba wuxuu maalintii leeyahay 15 dollar,wuxuu bixiyaa guryaha
kiradooda,laydhkooda,biyaha,yaguna waxay merfishyadda kaga caawiyaan inay yidhaahdaan
Wadanka xirsi ayaa ka taliya oo odaygu wuu xanuusanayaa waa tabcaan oo talo wakhti hore
ayaa ugu dambaysay,qofka yidhaahda waar beenta inaga daaya oo wadanka M/wayne Axmed-
Siilaanyo ayaa ka taliyee waxaa laga saarayaa merfishka oo maalin dambe ha noo iman ayaa la
odhanayaa ama waa inaad ka noqotid waxan aad ku hadlaysid,wuxuu kaloo samaystay
dhalinyaro badan oo u dheg ah oo uu u iibiyey gawaadhi indho cadde ah wuxuuna hotelkasta
oo ay tagaanba ku balamiyey maamulaha hotelka oo ay ka cuntaynayaan mar marka ay
hoteladda qaar camiran yihiin si loogu buun buuniyo,inamadda bilaa balwadda ahna yago
Sadexda wakhti hotelkay tagaanba cuntadda iyo sharaabka ayey ku leeyihiin waana loo iibiyey
Gawaadhi indho cadde ah oo ay shidaalkoodana kaalin shidaal loogu balamiyo wuxuuna u
Sameeyey kaadhadh ay ku soo galaan madaxtooyadda oo wixii dhego-dhegayn ahna ay u soo
Gudbiyaan dadka suuqyadda iyo hoteladda ka caayana ay u gudbiyaan magaciisa oo sadexsan,
Xisbiga wadani guulo u soo hoynmaayaan tuug miisaaniyaddii qaranka boobtay.
Waxaan xukuumadda uu M/waynaha ka yahay Mudane:Axmed-Siilaanyo kula talinayaa
Waa in fejignaan adag lagu sameeyo oo ciidamadda sirdoonka,iyo police-kuba ay daba gal
Ku sameeyaan dadka noocaas ah ee xoolihii umadda dhacay ee weliba isla saxsan beri ka
Maalina Al-shabaab,Daacish iyo Al-qaacida ayey qandaraas ka soo qaadanayaan.
Gudoomiyaha Xisbiga Wadanni haddii uu yahay nin aqoon fog leh oo wadanka lexjeclo
Ka hayso muu soo dhowaysteen budhcad qarameed shacabwaynuhu moodayeen dad
masuuliyiina oo Xilka M/wayne Axmed-Siilaanyo u magacaabay si xalaal ah u gudanaya
C/raxmaan cirro waxaa u wanaagsanahayd inuu yidhaahdo marka hore isa soo baraxa oo
Maxkamaddaha ,xeer ilaalinta qaranka iyo M/waynahaba waa inaad waraaqo ceeb ka saliima ka
Soo qaadataan si taageerayaasha xisbiga wadanni iyo shacabwaynaha reer Somaliland
Idiin aaminaan oo xaalkiinu uu noqdo masuuliyiin budhcad qarameed ka nadiifa oo
M/wayne Axmed-Siilaanyo ay isku qabteen dhinaca siyaasadda.
Caalamka iyo afrikaba lagama yaqaano wasiiro lix sano gudahood khasnaddii qaranka
Jabsaday haba kala tuugonimo badnaadaanee weliba ninka ugu tuugonimadda badan ee
Intii ay qaaradda afrika jirtay wasiir 150,000,000 usdollar boqol iyo konton milyan oo dollar
Jeebkiisa ku shubtay waa ex-wasiirkii madaxtooyadda xirsi cali xaaji xasan oo weliba loo tirinayo
Inuu shirkaddo badan sheerku leeyahay sida xawaaladda kaah,gaadiidka bariga iyo galbeedka,
Cagafyo iyo iskurogooyin waawayn oo burco uga shaqeeya,Xawaaladda Dahabshiilna waxay u
noqotay meel uu maaliyaddii qaranka ku qarsado.
Waxaan aan ula yaabay jeegaantan uu leeyahay burburin maayo oo waxaanu u bedelnay
Giraan oo waxaanu doonaynaa inaanu dadka qabyaaladda ka saarno,mid ayaan ku odhan lahaa
Maalintii aad barlamaanka Somaliland ka khudbadaynaysay waa adigii lahaa wasaaradda
Waxbarashaddu waxay scholarship u dirtay 341 arday oo deeq dibadeed ah,barlamaankuna
Waa dad aad u liita haddii ay damiir leeyihiin waxay ku odhan lahaayeen waxaad todobaad gudihii noogu soo gudbisaa shahaadadoodii dugsiga sare si loo eego deegaamadda ay ka soo
Kala jeedaan weliba 330 waxay ahaayeen sacad muuse,11 qofna xirsi ayaa jilibkiisa buraale raage ka dhigtay adigaa qabyaalad ka hadli kara,waxaa kuu wanaagsanahayd inaad wasiir
Zam-Zam ku tidhaahdid waxan aad wadaa waa qabyaalad qaawanee waxaad inoogu qaybisaa
Sadex qaybood 113 waxaad ka dhigataa sacad muuse,113 waxaan ka dhiganayaa H/jeclo oo
Aan ardaa ardaa kastaba wax ka siinayo,115 soo hadhayna qabaailada kale ee reer Somaliland
Ayaan u qaybinayaa,haddii aad caqli iyo aqoon leedahay maskaxda ayaad ka shaqaysiin lahayd
Caqligaagu kuma siiyeen intaad lixda gobolba ka samaysatid marfishyo lagu qayilo sida
Hargaysa,burco,berbera,laascaanood,ceerigaabo oo kharashka qaadka,sigaarka,biyaha
IYO Kiradda guryaha aad adigu bixisid oo aad dadkaas aad mustaqbalkoodii lumisay intaad
Kharashka aad ku qayilsiinaysid ee aad leedahay waxaad tidhaahdaan wadanka xirsi ayaa
Ka taliya,M/waynaha talo lama waydiiyo wuu xanuusanayaa iyo waxyaalo badan oo aan la soo koobi Karin oo aad karaamaddii M/waynaha meel xun kaga dhacday,qofku haddii uu
Yahay M/wayne il iyo ishaaraba waa leeyahay in loo duceeyo mooyaanee dhibaato haddii
Aad istidhaahdid u maleeg adigaa Allaah(Swt) ku kashifayaa oo wakhti wakhtiyadda ka mida
Ayey inkaarku kugu dhacaysaa Insha-Allaah waadna heli doontaa sida ugu dhaqsaha badan
Haddii aanu nahay beelaha Harti xisbiga kulmiye ee gogosha noo dhigay ee saamigayagii
Aanu ka doonayno xisbigaas ayaanu codkayaga siinaynaa xisbiga wadani ee soomaaliwayn
Iyo Tuugtii qaranka boobtay isu bahaysteen codnaga heli maayaan,reer Somaliland
badankoodana ka heli maayaan.



Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS