Hordhac: Arsenal v West Brom – Gunners Oo Si Xoogan Isaga Ilaalineysa Guuldaradii Sadexaad Oo Xiriir Ah

0
Monday 26th December 2016 09:08:09 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Arsenal v West Brom – Gunners Oo Si Xoogan Isaga Ilaalineysa Guuldaradii Sadexaad Oo Xiriir Ah

    Hordhac: Arsenal v West Brom – Gunners Oo Si Xoogan Isaga Ilaalineysa Guuldaradii Sadexaad Oo Xiriir Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac: Arsenal v West Brom – Gunners Oo Si Xoogan Isaga Ilaalineysa Guuldaradii Sadexaad Oo Xiriir Ah


Dhanka kale West Brom ayaa laba guuldaro kala kulantay Chelsea iyo Manchester United qudheeda waxey dooneysaa iney kusoo laabato hanaankii fiicnaa ee ay ku socotay baryahii ka horeeyay.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Arsenal vs West Brom

Tartanka: Premier League (Boxing Day)

Garoonka: Emirates Stadium

Garsoore: Neil Swarbrick (England)

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Aaron Ramsey ayaan diyaar u aheyn inuu ciyaaro madama uusan wali si fiican uga kabsan dhaawacii muruqa kasoo gaaray kal h--e, dhanka kale Chamberlain ayaa sidoo kale wali la tacaalaya dhaawacii looga saaray kulankii City, halka Welbeck uu kusoo laabtay tababarka balse uusan u diyaarsaneen ciyaartaan.

Dhanka kale James Morrison ayaa shaki la galinayaa inuu ciyaaro madama uusan tababaran ilaa jimcadii, dhanka kale Jonny Evans ayaa dib ugu soo laaban kara kadib markii uu seegay labadii ciyaar ee ugu dambeysay.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Halka jeer oo ay West Brom kusoo badisay Emirates Stadium waxey dhacday September 2010 markaas oo ay ku adkaatay 3-2, 1-barbaro iyo 8-guuldaro ayey ka qaadatay.

Guuldaradii kasoo gaartay Southampton ee 4-0 ayaa aheyd guushii ugu xumeed ee soo gaartay Gunners kulamada Boxing Day-ga tan iyo 1910 markaas oo ay guuldaro xun kala kulmeen Man United.

Markii ugu dambeysay oo ay Arsenal iyo West Brom ciyaaraan kulan Boxing Day ah waxey aheyd 2002, Gunners ayaa waqtigaas 1-0 hogaanka ku qabatay balse 2-1 looga adkaaday.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

ARSENAL:

Cech; Bellerin, Gabriel Paulista, Koscielny, Monreal; Coquelin, El Neny; Walcott, Ozil, Iwobi; Sanchez

WEST BROM:

Foster; Dawson, McAuley, Evans, Nyom; Fletcher, Yacob; Brunt, Chadli, Phillips; Rondon



sorce:-Laacib



Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS