Sicir-Bararka Maxaa Saldhig U Ah, Sidee baana Looga Bixi Karaa?

0
Wednesday 28th December 2016 20:14:17 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sicir-Bararka Maxaa Saldhig U Ah, Sidee baana Looga Bixi Karaa?

    Sicir-Bararka Maxaa Saldhig U Ah, Sidee baana Looga Bixi Karaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sicir-Bararka Maxaa Saldhig U Ah, Sidee baana Looga Bixi Karaa? Marka sicir bararka ama kor u kaca qiimaha la micnayanayo waxa lagu micneeyaa lacag badan oo eryanaysa alaab yar. Tusaale ahaan haddii shan sano ka hor uu $ 20 doolar goyen jireen isku joog dhamays tiran oo dhar ah waxa maanta laga yaabaa in lagu iibsado shaadh ama surwaal. Inta badan sicir bararka marka dhaqaalaha laga hadlayo waxa sal looga dhigaa aragtiyo aynu ka xusi karno aragtida xadiga lacagta (Quantity Theory of Money Model), aragtida isu badalka lacagaha (Currency Exchange Model) iyo aragtida wax soo saarka (Production Model). Aragtiyahaasi waa kuwo sharaxaya meelaha uu ka iman karo sixir bararku, haddaba si in yar aynu dul istaagno oo aynu fahan kooban uga qaadano. Aragtida xadiga lacagta oo ugu mihiimsan waxay xooga saaraysaa (real economy) oo ah alaabta suuqa , qiimaha (Price) iyo wareega lacagta (Velocity of Money) marka saddexdaas laga duulo waxay noqonaysa lacagta la hayo ee suuqa wareegaysaa waxay la mid tahay qiimaha oo lagu dhuftay alaabta iyo adeega wadanka yaal. Haddaba marka aynu aragtidan ka hadlayno sicir bararku wuxuu ka yimaadaa lacagta oo uu dawlada bangiga dhexe masuul ugu yahay oo wax ka badal uu ku sameeyo lacagta wareegaysa suuqa tusaale ahaan isagoo lacag cusub oo uu soo daabaca iyadoo aan alaabtii suuqana waxba iska badalin, taasina waxay dhalinaysaa sicir barar. Tusaale ahaan haddii lacagta wadanka taalaa tahay (M= Money Supply) 100’000 kun oo shilling, alaabta wadanka taala ay iyaduna tahay 100 KG oo ka kooban alaabo kala duwan, markaa qiimuhu (Price) wuxuu noqonayaa isku celcelis ahaan Qiimaha oo Loo Qaybiyay Lacagta Guud iyo xadiga alaabta ( P=M/Y 100’000/100= 1’000 shiling. Taas oo ah in halkii kiloo ee alaab ah qiimihiisu yahay yahay Kun shilling. Dhinaca kale haddaba haddii iyadoo qiimaha halkii kilo suuqa ka joogto intaas uu bangiga dhexe soo daabaco lacag cusub iyadoo alaabta suuqana aanay waxba iska badalin oo lacagtii markii hore suuqa ku jirtay ee ahayd 100’000 kun uu ku kordhiyo in leeg oo ay suuqa lacagta wareegaysaa noqonto 200’000 kun oo shilling, qiimaha rasmiga ah ee halkii kiloo wuxuu noqonayaa 20’000/100= 2’000 kun oo shiling Qodobkan marka aynu wadankeena ku eegno waxaynu ognahay in baanka dhexe uu inta badan iska soo daabaco lacagta isagoo aan u eegin wakhti iyo suuq toona halka aanu sidiisaba baankeenu qaban adeegyadii baanka dhexe wadanka uga masuulka ahaa balse kaliya uun uu ka adag yahay daabacaada lacagta, waxaanan odhan karnaa waa qodob qayb weyn ka ah dhibtaada sicir bararka. Ta labaad ee keeni kartaa waxa weeyaan iyadoo dhaqaalaha wadanku kor u kaco (Economic Overheating) oo shaqada iyo wax soo saarka wadanku bato,dadkana dakhligoogu kor u kaco taasina sababto in baahidooda wax iibsigu badato (Demand ) markaas oo uu yimaada nooca sicir bararka ah ee loo yaqaan (Demand Pull Infilation) noocan oo ay sal u tahay baahida wax iibsi ee dadku maadaama dakhliga dadku batay. Marka aynu kan u eegno wadankeena wax saamayn ah kuma laha waayo wax sugan oo aynu kaga cabir qaadano wadankeenu ma laha. Arrinta saddexaad keeni karta sicir barar waa marka ay qaaliyoobaan alaabta ay warshaduhu wax ku soo saarayaan sida, shiidaalka, mushahaaraayoonka , Iwm, taasina ay keento inay qaaliyeeyaan alaabta shirkaduhu. Taas oo noqonaysa nooca sicir bararka ee loo yaqaan (Cost Push Inflation) aragtidana waxa si faahfaahsan u sharaxaya (Production Model) oo ah in wax soo saarku la mid yahay, shaqalaaha, qalabka dhulka Iwm, waxyaabahaasi aasaaska u ah wax soo saarkuna waxay saldhig u ah kharashka. Arrintana soomaalilnd saamayn kuma laha oo wadanka warshado sidaasi ahi kama jiraan. Waxaase halkaas inoogu jira alaabta aynu dibada ku soo iibsano oo ah wax ugu badan ee aynu isticmaalno taas oo aanay jirin cid ama dawlada si toos ah ula socota heerarka wax is badalayaan iyo heerka ganacsatadeenu isla badalayso. Ta afraad ee aynu xusi karnaa waxa weeyaan isu badalka lacagaha, tusaale ahaan haddii lacagta wadanku hoos u dhacdo iyadoo sababtu tahay lacago cusub oo la soo daabaco taasina waxay sababi karta in ay samayso isu bedelkii lacagta soomaalilaan oo hoos u dhacda oo doolarkiina sare u kaco taas oo micnaheedu yahay in shilling ka qiimihiisu lumo, arrintani waxay sababtaa in baahida doolarka loo qabo ay badato oo ka saro marto lacagta suuqa taala, waxaanay keensanaysaa lacagtii shilling ah ahayd lagu wada doono doolar taas oo saldhig u ah in doolarku kaco. Arrintan isu bedelka lacagaha oo aan wadankeenu siyaasad cad ka yeelan iyo baahida aynu doolarka u qabno inaynu wax ku soo iibsano dabcan door ayay ku leeyihiin dhibaatada jirta. Ugu danbayntii dhawrkaa qodob ee aynu xusnay waa meelaha aasaaska ama saldhiga u ah sicir bararka sidaas oo ay tahay dhawrkaas qodob waxa intooda ugu mihiimsan waxa maamulidooda iyo hagidoodaba leh baanka dhexe iyadoo ay jiraan siyaasado loo raaco oo lagu yareeyo aafada sicir bararka. Marka aynu eegno xanuunka sicir Baraka iyo aafadiisa oo u baahan in si balaadhan loogu baraarugsanaado waxaan tallo ahaan ugu soo jeedin lahaa xukuumaada oo ay shaqo ahaan u idman yihiin arrimaha sicir bararka baanka dhexe iyo wasaaradda maaliyada oo is garabsanaya. Haddaba si loo yareeyo khatarta baahsan ee sicir bararka inay ka shaqaysiiso baanka dhexe isla markaana la dajiyo dhawrkan arrimood ee hoos xusan. in baanka dhexe ka shaqaysiiyo siyaasadda lacagta ee loo yaqaan { Montery Policy} taas laga fikiriyo dhammaan qaybaheeda kala duwan In dib u eegis balaadhan lagu sameeyo siyaasadda cashuuraha ee loo yaqaan { Fisical Policy} iyada oo laga duulayo in cashuurta dadbani ay toos u taabato ascaarta iyo nolosha bulshada, halka cashuurta tooska ee macaashal macaashka iyo musharkuna ay dhaqaalaha u wanaagsan tahay. In dhammaan qandaraasyada, liisamada iyo ganaaxyada lagu qaabto shilinka soomaaliland In si qoto dheer loo daraaseeyo adeegyada zaadka iyo E dahabka isla markaana inta daraasadaas ka horaysa la sameeyo xadig lacageed oo lagu isticmaali karayo. In baanku dib u habayn balaadhan ku sameeyo hanaanka xawaaladeed iyo baanan ee wadanka jira iyada oo la dul istaagayo hanaankooda shaqo iyo saamayntooda dhaqaale isla jeerkaasna baanka dhexe noqdo mid waajibaadkiisa qaran isu diyaariya. Waa in goobaha mihiimka ee jaamacadaha iskuulada iyo haay’adaha dawliga ee addeegyada tooska ah bixiya dhammaan laga dhigo lacagta lagu istcimaalayo shilinka soomaalilaand Wixii la xidhiidhi kala wareejinaha gaadiidka, liisamada, qandaraasyada, ganaaxyada Iwm waa in lagu qabta kaashaka soomaalilaand In la sameeyo waaxda ama haay’ada la socodka heerka korodhka qiimayaasha daruuriyaadka ah taas oo laga ogaan karo heerka kor u kac ama hoos u dhac, taas oo shaqadeedu noqoto inay diyaariso {Consumer price index} wadanka. Waa in la dajiyaa siyaasadii qaranka ee sarifka (Exchange Policy) iyadoo lagu jaangoynayo duruufaha waddanka ku gadaaman. Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyi-galinta Garabka Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye. Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi Email: Liibaanhanad79@gmail.com


Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS