Xidhiidhka Caalamiga Ah Ee Taariikhda Kubbada Cagta Iyo Tirokoobyada Ee IFFHS Oo Soo Saartay 10-ka Xidig Ee Goolasha Ugu Badan Dhaliyay 2016

0
Thursday 29th December 2016 08:35:04 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhiidhka Caalamiga Ah Ee Taariikhda Kubbada Cagta Iyo Tirokoobyada Ee IFFHS Oo Soo Saartay 10-ka Xidig Ee Goolasha Ugu Badan Dhaliyay 2016

    Iyo Suarez Oo Abaal Marinta Ugu Saraysa Ku Guulaystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyo Suarez Oo Abaal Marinta Ugu Saraysa Ku Guulaystay

Xidhiidhka caalamiga ah ee taariikhda kubbada cagta iyo tirokoobyada ee magacooda loo soo gaabiyo IFFHS ayaa soo saaray liiska tobanka xidig ee xili ciyaareedkii 2015/16 goolasha ugu badan ka dhaliyay horyaalada aduunka oo dhan waxaana kaalinta kowaad ka galay isla markaana abaal marita ugu saraysa markii saddexaad ku guulaystay Luis Suarez.

Maanta ayay International Federation of Football History and Statistics (IFFHS) ku dhawaaqeen liiska tobanka ciyaartoy ee 2015/16 goolasha ugu badan ka dhaliyay horyaalada aduunka iyo mid kastaaba tiradii goolasha ee uu dhaliyay.

Luis Suarez ayaa xili ciyaareedkii h--ehoryaalka La Ligaha oo kaliya ka dhaliyay 40 gool wuxuuna noqday xidiga goolasha ugu badan dhaliyay waxaana kaalinta labaad ku jira Zltan Ibrahimovic oo dhaliyay 38 gool oo iskugu jira horyaalada Ligue 1 iyo Premier Leaque-ga. Suarez ayaa ku soo guulaystay kabta dahabka ah ee Yurub iyo waliba abaal marinta gool dhalinta La Ligaha ee Pichichi.

Luis Suarez ayaa abaal marintan h--e ugu soo guulaystay sanadkii 2010 kii markaas oo uu ka tirsanaa kooxda ree Holland eeAjax Amsterdam halka uu markale soo hantay sanadkii 2014 kii oo Liverpool ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ahaa, waana markii saddexaad ee IFFHS ay abaal mariso gool dhalinta xidiga ree Uruguay. Suarez ayaa sidoo kale xili ciyaareedkii h--e loo aqoonsaday in uu ahaa xidiga aduunka ee La Ligaha ugu fiicnaa.

Cristiano Ronaldo ayaa sanadkan 2016 dhaliyay 35 gool waxaana kaalinta saddexaad ka cidhiidhsaday Gonzalo Higuain oo 36 gool dhaliyay halka Lionel Messi oo xili ciyaareedkii h--e laba bilood seegay kulamadii horyaalka La Liga uu ku jiro kaalinta 10 aad wuxuuna dhaliyay 26 oo La Ligaha ah laakiin xidiga ree Argentina ayaa sanadkan 2016 gool dhalinta tartamada oo dhan ku hogaaminaya 51 gool oo uu ku dhaliyay 51 gool.

Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda goolasha ugu badan ka dhaiyay horyaalada ee xili ciyaareedkii h--e iyada oo liiska tobanka ciyaartoy ay kaalin kaliya ku midaysan yihiin saddex ciyaartoy oo isku goolal ahi:

1 – Luis SUAREZ (FC Barcelona) 40 goals


2 – Zlatan IBRAHIMOVIC (PSG/Man Utd) 38
3 – Gonzalo HIGUAIN (Napoli SSC) 36
4 – Cristiano RONALDO (Real Madrid CF) 35
5 – JONAS (SL Benfica) 32
6 – Eran ZAHAVI (Maccabi Tel Aviv) 31
7 – Robert LEWANDOWSKI (FC Bayern München) 30
8 – Vincent JANSSEN (AZ Alkmaar) 27
8 – Nemanja NIKOLIC ( Legia Varsovie ) 27
10 – Lionel MESSI (FC Barcelona) 26
10 – Islam SLIMANI ( Sporting Portugal) 26
10 – Luuk DE JONG (PSV Eindhoven) 26



Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS