Meelaha ay iska Shabbahaan Sh. Madar iyo Sh. Aadan-siiro, W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Thursday 29th December, 2016 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meelaha ay iska Shabbahaan Sh. Madar iyo Sh. Aadan-siiro, W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Dagaaladaasi oo muddo u soo taagna sh. Madar aakhirkii wuu soo af-jaray, sida ay sheegeen qorayaasha caanka ah ee I.M Lewis iyo Cap Swayne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaaladaasi oo muddo u soo taagna sh. Madar aakhirkii wuu soo af-jaray, sida ay sheegeen qorayaasha caanka ah ee I.M Lewis iyo Cap Swayne.

Sh. Madar iyo nabada:Hargaysa oo ahayd goob cidlo ah oo safarada lagu dhaco ayuu sheekh madar yimid oo uu ka aasaasay magaalo, kadib wuxuu sameeyey xer wadaado ah, oo quraanka dadka barta. Sh. Madar wuxuu dadaal dheer u galay inuu nabad waarta ku soo dabaalo Hargaysa iyo nawaaxigeeda Qaababka uu nabadaynta u mari jirtay waxay ku salaysnayd isqancin, wada hadal iyo dhex dhex-dhexaadin. Marna iskumuu dayi jirin inuu xoog adeegsado waxaana tusaale u soo qaadan doona dagaaladii ka dhex qarxay Axmed nuux iyo Yoonis nuux iyo waliba dagaalkii ka dhex taagna Ciise dhamal iyo Gobdoon oo jilibo Arab ahi la socdaan.

Dagaaladaasi oo



muddo u soo taagna sh. Madar aakhirkii wuu soo af-jaray, sida ay sheegeen qorayaasha caanka ah ee I.M Lewis iyo Cap Swayne.

 

Sh. Aadan-siiro iyo nabada: Sh. Aadan siiro markaad u kuur gashid khudadihiisa salaada jimce ee masaajidka xawaadle ee hargaysa celcelis ahaan wuxuu nabada uu ka hadlaa 80% taaso ina tusaysa inuu nabadayta qayb libaax ka qaato waxaanu tusaale u soo qaadan karnaa xaafada uu ku yaalo masaajidka xawaadle intaanu Sh. Aadan-siiro masuulka ka noqon masaajidka waxa xawli ku socon jiray tuugnimada, Dilka, kufsiga, koox isku laynta, dhalinyarta oo xaafad xaafad isku laysa, sakhraanimo, macsida iyo waliba dadka xun ee guryaha laga kireeyo. Sh.adan-siiro oo lagu yaqaan geesinimo aan hadalka la gaban, ayaa ka badheedhe jiray hadba wixii uu arko. Isagoo farta ku fiiqi jiray cidii wax xumaynaysa.

Kadib markii uu Sh. aadan siiro masaajidka la wareegay wuxuu wada tashi qoto dheer la yeeshay bulshada xaafada sidii arrimahan loo af-jari lahaa iyo isagoo oo wacad ku maray inuu soo gebo-gebayn doono marxalada xun ee xaafada ku jirta isagoo talaabooyin hor leh qaadaya ayuu sameeyey saldhig boolis ah oo isagu gacantiisa kharashaadka ka bixiyey, ka dib booliskii xaruntu waxay markiiba gacanta ku dhigeen tuugtii, dilkii, kufsigii, kooxaysigii iyo dhamaan fasahaadkii xaafada ka socday.

Taariikhda aynu dib u raacno Sh. Aadan siiro wuxuu ka mid ahaa culimadii dalka xasiloonidiisa ka qayb-gashay ee ugu horaysay kadib markii ay ururkii S.N.M ay dalka qabsatay. Wuxuu ka mid ahaa culimadii samaysay distoor islaami ah oo dalka lagu dhaqo marka laga xoreeyey rajiimkii Maxamed Siyaad Barre, laakiin nasiib darro wanaaga lama qaadan.

Sh. Madar iyo Danyar gar-gaarka:xaruuntii Sh.madar ee jameeco weyn waxay iska lahayd dhulweyn oo beero ah oo ay beeran jireen culimadii ku xidhnayd masaajidka jameeco weyn oo ay ku baran jireen culuunta islaamka. Waxa jiray reero ahaa reero-guuraa oo soo caydhoobay, ka dib ayaa warkii wuxu soo gaadhay Sh. Madar ka dibna waxa uu u diray koox culimo ah oo soo qiimaysa baaxada ay leegtahay dhibtu, kadibna culimadii ay soo bandhigtay dhib weyn oo xoolo la’aan iyo cunto la’aan. Sh. Madar waxa uu la shiray culimadii daganayd jameecada oo ka dhaadhiciyey inay soo ururiyaan kaalmo la siiyo dadkan dhibaataysan isla markaana la soo dajiyey meel xeero ah, oo jameecada ka agdhow si loo siiyo cunto, biyo iyo waliba xoolo laga soo ururiyo dadka degan hargaysa hareereheeda. sama falka sh. Madar wuu hirgalay oo dadkii waxa loo qaybiyey kaalmo kala ah cunto, biyo, xoolo, caano iyo subag wakhtigaasi oo ku beegnaa 1869, waxa si fiican u falanqeeyey qoraaga cap.swayne ee qoray buuga {seventeen trip to Somaliland}

Sh. Aadan-siiro iyo danyar gar-gaarka: waxyaabaha uu ka qayb-qaatay sh.adan siiro ee dadka lagu caawiyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan dalka gaar ahaan reer hargaysa lama soo koobi karo balse waxaynu soo qaadan doona qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn mashruuca miskiin caawinta ee xaafada xawaadle oo lagu quudiyo dad gaadhaya 200 qoys ayaa bil kasta la siiya guud ahaan oo uu mashruucani oo uu gacanta uu ku hayo sh. Aadan siiro isla mrkaana 80% bixiyo kharashka ku baxa oo aanay cid kale la bixin markaad u kuurgasho siduu mashruucani u guulaystay waxaad odhan kartaa xaafada xawaadle waxay gaadhay isku filaan dhinaca baahida cuntada ee masaakiinta. Waxa kale oo xusid mudan siduu sh. Aadan siiro u baahi tiray masaajidka xawaadle oo aanad arkayn iyadoo la ururinayo lacag wax lagaga qabto, laakiin wuxuu sh. Aadan siiro gacantiisa ku bixiyaa wixii loo baahdo ee masaajidka ka jira. Waxaan tiro lahayn dadka gar-gaarka ugu tagaya ee u sheeganaya baahi iyago u gaar ah, ee sh. Aadan siiro uu gacan qabto. Waxaa intaasi soo raacda muxaafidiinta ramadaantii tukisa salaada taraawixiid iyo taajudka oo ka farxiyo habeenka 27 ee bisha radamaan, oo u soo ururiyo lacag xaqal-ciid ah.

Sh. Madar iyo wax-u-Qabadka Bulshada: markii si rasmi ah loo degay Hargaysa ee sh. Madar iyo jameecadii la socotey waxa ay xaruun ka dhigteen, ayay kadibna ka fikireen sidii dhulka loo beeran lahaa sh. Madar oo wax ku soo bartay magaalada harar ayaa keenay fikirka ahaa in dhulka la beerta kadib wuxuu sh. Madar faray in la keeno 100 guudmood oo lagu baneeyo dhirta cufan ee ku xeesan jameeco-weyn, si loo beero hadhuudh iyo garaw si dadka ugu noolaadaan. Xirfada dhul-beerista waxay ku cusbayd dhaqanka reer somaliland, waayo waxay ahaayeen reero guura kolba meel u biyo iyo baad doonto, oo aan aqoon u lahayn wax beerista kadib sh. Madar baa soo bandhigay qorshe cad oo dhulka lagu beerayo, isagoo ka faa’idaysanaya khibradii uu ku soo qaatay magaalada harar. Xaruuntii jameeco-weyn waxay gaadhay isku filaansho dhinaca cuntada ah.

Qorshaha dhul-beerista:

Ø Diyaarinta dhul-beerista

Ø Hirgalinta

Ø Tababarihii shaqaalihii beeraha

Ø Ka ganacsigii hadhuudhka iyo galayda

Waxay ka soo maaxdatay maskaxda sh. Madar

Waxa sidaa yidhi "Drake Brockman” ee qoray buuga British Somaliland

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

Calicoomay@hotmail.com

La soco qaybaha dambe.

LATEST NEWS