Jamaal Cali Xuseen Nin Guri Quraarad Ah Ku Jira Hadana Shiidkiisu Badan Yahay!!! W/Q: Ahmed Abdi Salah -

0
Thursday 29th December 2016 19:49:35 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaal Cali Xuseen Nin Guri Quraarad Ah Ku Jira Hadana Shiidkiisu Badan Yahay!!! W/Q: Ahmed Abdi Salah -

    Jamaal Cali Xuseen Nin Guri Quraarad Ah Ku Jira Hadana Shiidkiisu Badan Yahay!!! W/Q: Ahmed Abdi Salah -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaal Cali Xuseen Nin Guri Quraarad Ah Ku Jira Hadana Shiidkiisu Badan Yahay!!! W/Q: Ahmed Abdi Salah -

Maan jeclayn inaan qalinka qaato oo aan baryahan wax qoro, waxaan ka adkaysan kari waayey qoraalo maalmahanba lasoo dhigayey Websites aan ogahay inuu fun-gareeyo musharaxii hore ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, kuwaas oo lagu weerarayo Guddoomiyaha Telefishanka HCTV Md Farhan Haji Ali.

Waxaan aad ula yaabay waxay ku hadlayeen waxyaabo aan xaqiiqo ku salaysnayn oo ay ku sheegayeen inuu Farhan Haji Ali soo maleegay qorshihii lagaga takhalusay Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga UCID, isla markaana waxaan aad ula sii yaabay waxay weerarka Farxaan kalidii kumay eekaysiinine waxay hadana isku qaadeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali oo bulshadda Somaliland run ahaantii u taqaano masuulkii ugu haboonaa abid loo magacaabo Maxkamadda



Sare ee Somaliland mudadii ay jirtay Somaliland. Farxaan iyo Aadan hadana weerarka kumuu eekaysiinin Jamaal Cali Xuseen ee hadana waxa uu isku qaaday Cabdale Xaaji Cali oo uu yidhi waxa uu Hargeisa u yimid inuu aniga iga takhaluso!!.

 

Intaas oo dhan waa arrimaha uu Jamaal Cali Xuseen soo marsado Websiteska uu u sameeyey inamada yaryar ee uu lacagta yar ee faro guudkooda ah siiyo, iyadoo aynu ognahay sababta uu dagaalka noocaas ah u samaynayo ee uu Ilma Xaaji Cali oo dhan u weerarayo inaanay ahayn way iga hiiliyeen ee uu yahay barnaamijkii uu todobaadkii hore baahiyey HCTV oo aanu si dhaw u ogahay inaanu Farhaan Xaaji Cali waxba kala soconin isla markaana ay suxufiyiinta telefishanka ka hawlgalaa u madaxbanaan yihiin inay hadba samaystaan mawduucyadda ay isleeyihiin bulshadda ayaa u baahan ama idiinka sugaysa.

Jamaal haddii ay Farxaan saaxiibo ay yihiin iyo haddii ay ilmaadeer yihiinba waxa uu HCTV dhex u yahay bulshadda afka soomaaliga ku hadasha oo dhan, haddii uu doonayo in loogu sad-buriyo saaxiibtimo iyo tolnimo labadaba wuxuu gudayaa gud-cur oo maalin cad buu toos sitaa.

Jamaal waxa aan leeyahay haddii aad ku fashilantay siyaasadii oo Musharaxnimadaadii iyo kursigii laguu doortay aad haysan kari wayday ha kula galgalan guuldaradaada Farhan Haji Ali oo ku guulaystay inuu sameeyo Telefishanka ugu macquulsan telefishanada afka Soomaaliga ku hadla, isla markaana ay wada aaminsan yihiin guud ahaan mushtamaca Soomaalida oo dhami.

MP: Anigu Farhan Haji Ali iyo Jamal Ali Hussien midna tol ma nihin imana kala xigaan balse waxaan ka adkaysan kari waayey dagaalka aan meelna haysanin ee uu Jamaal ku qaaday masuulkaasi oo aan gayin inuu u adeegsado inamo yaryar oo aan aqoona lahayn oo Website-yo uu u sameeyey Jamaal, kuwaas oo aan aaminsahay aakhirka in isaga loo adeegsan doono maadaama oo aanu Jamaal Cali Xuseen lahayn saaxiibtimo joogto ah oo qofka ay muddo saaxiib ahaadaanba ay aakhirka iska hor yimaadaan oo aan wali la arag saaxiib si dhaw muddo ugu xidhnaada Jamaal.

Guntii iyo gabo-gabadii: Jamaal Cali Xuseen waxaan leeyahay adigoo gurri quraad ah ku jira ayaad hadana shiid-badan tahay ee ka waantow hadalada xanafta leh ee cuqdada badani ka muuqato ee meel walba la taagan tahay!!! Waa iga Talo.

W/Q: Ahmed Abdi Salah

Hargeisa/Somaliland

LATEST NEWS