Muddo Kordhinta Madaxweynaha Qore Khadar Ibrahim

0
Tuesday 3rd January 2017 12:05:10 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Guud
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muddo Kordhinta Madaxweynaha Qore Khadar Ibrahim

    Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland.
Run ahaan eryada maanta ka soo yeedhaya dad iska hadla oo siyaasiyiin isku sheegaa matalana xisbi mucaariid aan karti iyo xirfad toona aan lahayeen sida xisbiga waddani waa qaar aan sal iyo raad toona lahayn oo ku salaysan caadifad qabyaladeed iyo cabaada ka danbeyay kolba guuldarooyinkooda la kulmay mar walba, waxaanay ceeb iyo yasid ku yihiin garaadka iyo caqliga bulshada reer Somaliland oo ah ummad ilbax ah oo aqoon leh oo aan si yar loo siri karin, dadkaas waxay shacabka Somaliland moodayaan ina yihiin adhi ama xoolo kolba dhinac loo kaxayn karo, waxaana haya xaasidnimo iyo xil jacayl, camarad tusnimo ,runtina waana dad xun xun oo ka fakarin danta qadiyadda Somaliland.


Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo aanay daruuri ahayn inaynu taariikhdiisa halkan kusoo bandhigno, maadaama shicibka reer Somaliland ay ogsoon tahay, hadana waxaa xusid mudan in Madaxweyne Siilaanyo uu ahaa Geesi ka damqaday xasuuqii iyo cidhib tirkii lagu hayay somaliland, isaga oo shacabkiisa ku hogaamiyay inay ka dhiidhiyaan oo ay iska xoreeyaan Taliskii haligmay ee Siyaad Barre. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa taariikh nool waana Gudoomiyaha kaliya ee maanta ka nool Gudoomiyayaashii SNM soo maray, waxaana halgankiisii sharafta lahaa uu taariikhda Somaliland kaga xardhan yahay baal Dahab ah, Iyada oo Madaxweyne Siilaanyo uu ilaa maanta wali ku jiro halgankii umadiisa oo ay kow ka tahay sidii uu Qarankeena Aqoonsi buuxa ugu heli lahaa, halka kuwo badan oo maanta Madaxweyne Siilaanyo ku eedaynayaa ay ahaayeen qaar Muqudisho uu shaqeenayay markii uu Siilaanyo mucaaridk ku ahaa oo qoriga garabka ku sitay ee uu dalkiisa iyo sharafta umaddiisa xoraynayay.

hadaba shalay waxa soo if baxay in ugu danbayn bisha danbe in ku dhawaaqan golaha guurtidu muddo kordhin ,waana sharci oo waa wakhti abaareed jirto ,sharciguna waafaqsan yahay,waxaana haboon in la kordhiyo madaxweynaha (sanad kale ) oo ay doorashooyinku la qabto (OCT 2018 )waa wakhti ku munaasib ah dalka iyo shicibka oo u baahan muddo dheer in ay iska kabaan abaartan naafaysay.
Ugu danbayn Xisbiga Mucaaridka waddani waxaa looga baahan yahay inay u dhaqmaan si mas'uuliyad ay ku jirto, kana gudbaan muranka iyo cabaadka qabyaladeed ee nusqaanta usoo jiidaya shakhsigooda ,waxaana lagama maarmaan ah in iyaago ay ku daba faylaan shacabka iyo xukuumaddooda si loo xoojiyo midnimadda hadii kale cid khasaaraysa idinka mooyaane ay jirin waayo caadifad cid qoryo isu qaadan doonta aya iska yar!!.bulshada Somaliland ee geesiyiinta ahna waxaa la gudboon inay ka hor yimaadaan cid kasta oo isku dayda inay kala qaybiso qarankan lagu tabcay ee ay rabaan in ay wiiqan hanaanka dawladdnimada iyo xornimada ay maanta haystaan ee ay usoo mareen wadada dheer ee dhiiga lehayd.

Saadaashu waa khayr khayr khayr !!

Qore Khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.com





Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS