[Muxuu]:- Tababare Antonio Conte Ka Yiri Guuldaradii Kasoo Gaartay Tottenham Hotspur?

0
Thursday 5th January 2017 07:59:47 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Muxuu]:- Tababare Antonio Conte Ka Yiri Guuldaradii Kasoo Gaartay Tottenham Hotspur?

    Muxuu Tababare Antonio Conte Ka Yiri Guuldaradii Kasoo Gaartay Tottenham Hotspur?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Tababare Antonio Conte Ka Yiri Guuldaradii Kasoo Gaartay Tottenham Hotspur?


Tababare Antonio Conte ayaa ku booriyay ciyaartoydiisa iney aqbalaan guuldaradii kasoo gaartay Tottenham xilli Spurs ay soo dhameysay rikoorkii guulaha xiriirka ahaa ee ay waday kooxda galbeedka London ka dhisan sidoo kalana ah hogaamiyayaasha horyaalka.

Dele Alli ayaa laba madax shabaqa ku shubay shabaqa uu waardiyaha ka yahay Courtois labadii qeyb ee ciyaarta isagoo caawinaad ka helay Christian Eriksen taasna waxey natiijada ka dhigtay iney Spurs gaarto guul ay u qalantay.

 

"Waa niyad jab in la joojiyo hanaankaan, balse Spurs waa koox fiican, aad u xoogan, waxaana hubaa iney yahiin mid ka mid ah kooxaha u dagaalami kara horyaalka ilaa dhamaadka”

"Wey dagaalameen xagaagii h--e, hubanti Spurs waxey awoodaa iney sanadkaan dagaalanto”

"Laba kooxood oo leh awood weyn sidoo kalana sameeyay cadaadis fiican ayaa isku dayay iney guuleystaan kulanka. Tottenham waxey dhalisay laba waqti adag [gaar ahaan] qeybtii labaad xilli aan qasaarinay laba fursadood oo aan barbaro ku heli karnay”

Ugu dambeyntii Antonio Conte ayaa u sheegay qof walba in Blues ay tahay kooxda hogaamineysa horyaalka sidoo kalana ay ku jiraan qaabkii ugu fiicnaa marka lala barbardhigo xagaagii h--e.source:-laacib


LATEST NEWS