Liiska Xidigaha Ilaa Hadda Lagula Kala Wareegay Suuqa Bisha January, Kooxaha La Wareegay Iyo Qiimaha Lacageed Ee Lagu Iibsaday.

0
Friday 6th January, 2017 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liiska Xidigaha Ilaa Hadda Lagula Kala Wareegay Suuqa Bisha January, Kooxaha La Wareegay Iyo Qiimaha Lacageed Ee Lagu Iibsaday.

    Liiska Xidigaha Ilaa Hadda Lagula Kala Wareegay Suuqa Bisha January, Kooxaha La Wareegay Iyo Qiimaha Lacageed Ee Lagu Iibsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liiska Xidigaha Ilaa Hadda Lagula Kala Wareegay Suuqa Bisha January, Kooxaha La Wareegay Iyo Qiimaha Lacageed Ee Lagu Iibsaday. Waxay u muuqataa in kooxaha waa wayn ee Yurub ay ilaa hadda daawanayaan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo furan in todobad ku dhaw laakiin waxaa jira saxiixo haddaba ay sameeyeen kooxaha qaar iyada oo lacagta waalida ah ee China ka soo qulqulaysaa ay door wayn ku yeelatay suuqa caalamiga ah ee aduunka.

Sidii caadada noo ahayd waxaanu si joogto ah idiinla gudbin doonaa haddaba liiska saxiixyada ay kooxaha aduunku sameyaan iyada oo aanu halkan idiinku hayno liiska ugu horeeya ee saxiixyadii la dhamaystiray ilaa hadda oo isku jira heshiisyo rasmi ah iyo kuwo amaah ah.

 

 

Afarta saxiix ee ilaa hadda ugu qaalisan waxaa la wareegay kooxaha horyaalka China iyada oo Oscar ay kula wareegeen 60 milyan oo euros halka Carlos Tevez laga bixiyay 84 milyan oo euros waxanaa sidoo kale 25 milyan oo euros horyaalka China ugu dhaqaaqay xidiga ree Belgium ee Axel Witzel. Horyaalada Yurub waxaa hogaaminaya Julian Draxler oo ay PSG kula wareegtay 35 milyan oo euros.

HALKAN KAGA BOGO SAXIIXYADA EE ILAA HADDA LALA WAREEGAY IYO QIIMAHOODA:

1- OSCAR | Ka Soo Wareegay Chelsea – Shanghai SIPG | €60m (£51m)

2- JULIAN DRAXLER | Ka Soo Wareegay Wolfsburg – Paris Saint-Germain | €35m (£30m)

3- CARLOS TEVEZ | Ka Soo Wareegay Boca Juniors – Shanghai Shenhua | Reported €84m (£71m)

4- AXEL WITSEL | Ka Soo Wareegay Zenit – Tianjin Quanjian | €25m (£21m)

5- ADEMOLA LOOKMAN | Ka Soo Wareegay Charlton Athletic – Everton | £10m (€11.7m)

6- RIECHEDLY BAZOER | Ka Soo Wareegay Ajax – Wolfsburg | €12m (£10.2m)

7- JOEY BARTON | Bilaa koox kuna biiray Burnley | bilaash

8- RUDY GESTEDE | Ka Soo Wareegay Aston Villa- Middlesbrough | £6m (€7m)

9- TOMAS RINCON | Ka Soo Wareegay Genoa – Juventus | €8m (£6.8m)

10 ALBERTO AQUILANI | Ka Soo Wareegay Pescara – Sassuolo |Amaah

11- JUAN ITURBE | Ka Soo Wareegay Roma – Torino | Amaah

12- RYAN BABEL | La sii daayay kulana biiray – Besiktas | Bilaash

13- IAGO FALQUE | Ka Soo Wareegay Roma- Torino | Reported €5m (£4.3m)

14- LEE GRANT | Ka Soo Wareegay Derby County – Stoke City | £1.3m (€1.5m)



LATEST NEWS