Muxuu Pep Guardiola Ka Yiri Guushii Weyneyd Ay Xalayto Man City Ka Gaartay West Ham Koobka FA Cup.

0
07 January 2017 08:34 in Wararkii Maanta by Xafiiska Sare
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Pep Guardiola Ka Yiri Guushii Weyneyd Ay Xalayto Man City Ka Gaartay West Ham Koobka FA Cup.

    Muxuu Pep Guardiola Ka Yiri Guushii Weyneyd Ay Xalayto Man City Ka Gaartay West Ham Koobka FA Cup.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Pep Guardiola Ka Yiri Guushii Weyneyd Ay Xalayto Man City Ka Gaartay West Ham Koobka FA Cup.

Pep Guardiola ayaa dareensan in Manchester City ay dib u heshay burhaantoodii bilowgii xilli ciyaareedka iyagoo 5-0 ku xasuuqay kooxda West Ham oo ay ka saareen FA Cup xalayto.

 
City ayaa badisay 10kii kulan ee ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan laakiin waxa ay ku guuldareysteen inay wacdarahaas dhigaan isbuucyadii u danbeysay iyagoo haatan ku jira kaalinta afaraad islamarkaana todobo dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Chelsea.

 

Laakiin kulankiisii ugu horeysay ee FA Cup Guardiola ayaa la soo shirtagay shax adag waxaana lagu abaalmariyay guul weyn oo ku timid gool rigoore ah uu dhaliyay Yaya Toure, gool uu iska dhaliyay Havard Nordtveit iyo goolal ay kala dhaliyeen David Silva, Sergio Aguero iyo John Stones.

"Maanta waxaan inta badan koontaroolnay ciyaarta, waxaana ku koontaroolnay baasas” ayuu yiri tababaraha City.

"Ka hor rigoorada waxaan abuurnay fursado, ka dib qeybtii koowaad waxaan u ciyaarnay sidii aan fileynay, waxa ay aheyd sida bilowgii xilli ciyaareedka.

"Waa wadada kaliya ee ay kooxdaan u ciyaari karto. Ma nihin kuwa awood jireed leh ama orod badan sida kooxaha kale laakiin waxaana u isku daynaa inaan kubada la ciyaarno intii macquul ah.

"Ma gaari doono yoolkeena ilaa iyo aan bilowno inaan ciyaarno oo kubada heysano. Marka David Silva, Kevin de Bruyne iyo Yaya Toure ay kubada wax badan taabtaan, inta kale si raaxo leh ayay u ciyaari karaan. Waa inaan sidaan u ciyaarno.”source laacib


LATEST NEWS