[Eeg Hadda] Madaxweyne Silaanyo Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Marxuum Magac Ku Lahaa Qaranka + Qofka Uu Yahay

0
Saturday 7th January 2017 20:58:26 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Eeg Hadda] Madaxweyne Silaanyo Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Marxuum Magac Ku Lahaa Qaranka + Qofka Uu Yahay

    [Eeg Hadda] Madaxweyne Silaanyo Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Marxuum Magac Ku Lahaa Qaranka + Qofka Uu Yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Eeg Hadda] Madaxweyne Silaanyo Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Marxuum Magac Ku Lahaa Qaranka + Qofka Uu Yahay


TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariisteeMarxuum Chief Caaqil Cabdi Xaaji Diiriye(Gaadaali)oo Shil baabuur ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 07/01/2016, kaas oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, gaar ahaan Degmada Abdaal.



Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door muhiima ku lahaa dib u dhiskii iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland ku wada dhaqan, kuna tilmaana shaqsiyad wanaagsan oo dadku ku hirtaan, sidoo kalena ka mid ahaa madaxda dhaqanka ee Gobolka Togdheer.


Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LATEST NEWS