Xifiltanka Saddexda Guddoomiye Xisbi Qaran Iyo Xafiiska yar Ee jabuuti + Xad Gudubkii Sarkaalka la Dilay iyo Xeebta Somaliland

0
Monday 21st March 2016 12:15:38 in Wararkii Maanta by Xarunta Guud
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xifiltanka Saddexda Guddoomiye Xisbi Qaran Iyo Xafiiska yar Ee jabuuti + Xad Gudubkii Sarkaalka la Dilay iyo Xeebta Somaliland

    Hargeysa, (KNN)-Xisbiyadda mucaaridka iyo muxaafidka, ayaa is isku mid ah uga hadlay safaarad cusub oo dawladda jabuuti ka furtay Somaliland, isla markaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, (KNN)-Xisbiyadda mucaaridka iyo muxaafidka, ayaa is isku mid ah uga hadlay safaarad cusub oo dawladda jabuuti ka furtay Somaliland, isla markaana
waxay sheegeen in dawladda jabuuti tahay dawlad gargaar badan gashatay dalka iyo dadkiisa, isla markaanna ay tahay dawladaha calanka Somaliland ka taagan yahay, kanna qayb qaadan doonto xidhiidhka dublamasiyadeed ee ka dhaxeeya labadda waddan.


Ugu horren gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah Faysal Cali Waraabe oo munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in calanka Somaliland ka taagan yahay oo kaliya laba waddano oo kala ah Jabuuti iyo Itoobiya " "Nina intuu ku jirro kuma soo dhaafo, maanta laba waddan oo kaliya ayuu calanka Somaliland ka taagan yahay xarumahooda, waa waddanka Jabuuti iyo Itoobiya, labadda waddan baa waxaan leeyay waad mahadsantihiin.”
Sidoo kale, Gudoomiyaha Xisbiga Waddan Cirro ayaa sidoo kale sheegay in xafiiskan cusubi ka qayb qaadan doonno ilaaqadka labadda dawladood "Waxay ilaa tahay inay arrin loo baahanna tahay, waxanan qaba inay micno badan u samaynayso xidhiidhka Dublamasiyadeed ee Somaliland inuu kordhiyo, waxaan u mahadnaqaya soona dhawaynaya Safiirka iyo shaqaalahabba, waxanan qaba inuu xafiiskani ama safaaradani wax badan fududayn doonno haddii alle idmo.”ayuu yidhi Gudoomiye Cirro




Dhinaca Kale, Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dawladda jabuuti taageero badan galisay Somaliland"Marka la leeyahay dawladda Jabuuti iyo dawladaha kale way idiin kala xigaan, dawladda jabuuti waxay ahayd, dawladda kaliya ee ogayd dhibaatadii Somaliland ku dhacday ee u gargaartay siyaasiyan, adduun iyo askar ahaanba waanna taariikh qoran.”Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi
LATEST NEWS