Gudoomiyaha Musdanbeedka Oo Iminka Warbaahinta Iskugu Yeedhay " Mudo Kordhin Ha La Sameeyo Waddani Ayaa...." Arimo Xaasaasi Ah [Top News]

0
08 January 2017 15:36 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Musdanbeedka Oo Iminka Warbaahinta Iskugu Yeedhay " Mudo Kordhin Ha La Sameeyo Waddani Ayaa...." Arimo Xaasaasi Ah [Top News]

    Gudoomiyaha Musdanbeedka Oo Iminka Warbaahinta Iskugu Yeedhay " Mudo Kordhin Ha La Sameeyo Waddani Ayaa...." Arimo Xaasaasi Ah Top News

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Musdanbeedka Oo Iminka Warbaahinta Iskugu Yeedhay " Mudo Kordhin Ha La Sameeyo Waddani Ayaa...." Arimo Xaasaasi Ah Top News

Hargaysa (Karin) Gudoomiyaha Kooxda Musdanbeedka Xisbiga Waddani Mudane Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa shaaciyey in xisbiga Waddani uu taageersan yahay in doorashada mar kale la kordhiyo waxaana uu taasi sabab uga dhigay qabowgii oo gobolada galbeedka ku batay iyo sidoo kale abaaro ka jira gobolada bariga waxaana uu yidhi. 


"Komishanku warki ay bixiyeen waynu og nahay runtiina arintaa abaaruhu aad ayey u xun yihiin dad fara-badan oo markii hore dhinaca bariga ku caydhoobay baa jira xagan galbeedkana waxa la soo sheegaya in xoolo faro-badan qabowgan faraha badan ee jira xoolo badan ku leehanayaan dadkii iminka xagaa u yaacay iminkana xoolihii ayey la soo yaacayaan kolkaas labada xisbi ee Ucid iyo Waddani runtii dadkooda ayey u tudhayaan" Ayuu Yidhi Buubaa.



Dhinaca Kale Ismaaciil Buubaa waxa uu soo jeediyey in laga wado hadlo xiliga xukuumada loo kordhinayo iyo wakhtiga doorashada la qabanayo waxaana uu yidhi. "Dhinaca xisbiga Waddani wixii ka talo ah ee ka yimaada Komishanka miisaan culus ayuu siinayaa laakiin arimuhu maanta sida ay yihiin laga wanaag san ayey ila tahay in la yidhaahdo bisha sadexaad ayaa doorashooyinkii la qabanayaa waxa ay ila tahay in laga wada hadlo goormaa la qabanayaa oo taasi suurta gal maaha in doorasho dhacdo laakiin cida maanta ku doodaysa in doorasho la qabto iyada oo caynkaa la yahay waa cid aan dadka u naxayn oo u tudhayn markaa anigu labadaa xisbi ee isku raacay arinkaa anigu aad iyo aad ayaan ugu taageerayaa dadka reer Somaliland na aan kula talinayaa in arinkaa la taageero si xoog ah loo taageero laguna waaniyo xisbiga Kulmiye ee moodaya in dadka tabaalaysan uu wax ku helayo in aanu waxba ku helayn" Ayuu yidhi Gudoomiyaha Kooxda Musdanbeedka Xisbiga Waddani mudane Ismaaciil Hurre Buubaa.

Karin News
Hargaysa 




LATEST NEWS