Kacaanka Nolosha Iyo Waayaha Ku Gedaaman

0
Monday 9th January 2017 09:03:50 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kacaanka Nolosha Iyo Waayaha Ku Gedaaman

    Kacaanka Nolosha Iyo Waayaha Ku Gedaaman

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kacaanka Nolosha Iyo Waayaha Ku Gedaaman

W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( GEELE )

Noloshan aynu ku noolnahay sideedaba waxay ka sameensantahay afkaarteena , afkaartaynu aaminsanahay ayaa samaysa nolosheena halka aad maanta taagantahayna afkaartaad xambaarsantahay ayaa ku dhigtay , beri halka aad taagnaanayso afkaartaada iyo fikirka aad aamin santahay ayaa ku dhigaya.

Tusaale : qofbaa shirkad buu leeyahay shirkadii baa waxa laga yaabaa inay khasaarto , wuu kuu imaanayaa wuxuu ku odhanayaa maanta wey ii dhamaatay wax alla wax ii yaal ma jiro nolosha , khalaas shirkadaydii wey burburtay , hadaba noloshiisiiyoo dhan waxa uu ku soo koobay shirkad qofka noocaasa maxaa laga rabaa, Waxaa laga rabaa inuu kala saaro arimihiisa , kow waa inuu isweydiiyaa maxaad horta haysataa , caruur baad haysataa, reer baad haysataa , guri baad haysataa , waxbarashaad haysataa , amni baad haysataa intaasoo dhan baad haysataa keliya mushkilada halkay ka taagantahay waa qaybta yare e shirkada marka sidaa hadii uu u kala saarsaaro maxaa u soo baxaya , waxanuu lahaa mushkilad weyn baa I haysata noloshaydii waa baaba waxaa u soo baxaya , noloshiisa inaanay baaba ahaynee qayb yaroo keliya inay wax ka si yihiin , qaybtaana uu daweyn karo marka maskaxdiidiisi negativeka waxay isku bedelaysaa positive , waxaa lagu daweyn karaa shaygan negativeka ah ee kugu yimid waxaad isku daydaa inaad ka dhigato inuu kuu horseedayo wax arintaa ka weyn.

Tusaale :waxaa lagu yidhi waar ninyahaw shaqadii waa lagaa eryey fikradaasaa laguu sheegay markiiba maskaxdaada fikrad baa ku so dhacday oo shaqadii baa lagaa eryey maxaad samaysaa markiiba waxaad isweydiisaa intaadan welbahaar galin shaqadii hadii layga eryey maxaan kaloon qaban karaa ,waxaad tidhi waxaan iyo waxaasba waan qaban karaa markiiba maskaxdaada wey degaysaa waxay ku degaysaaa hadii shaqadii lagaa eeryey meel kalay tagtay haysataa , waxaa kaloo ku bedeli kartaa naftaada markay fikrad ku soo dhacdo inaad isku daydo fikradaha xun ee maskaxdaada keento inaad ka dhigto waxba kama jiraan.

Tusaale :waxaa lagu yidhi imtixaan baad ku dhacday fikrad baa kugu soo dhacaysa negative oo walbahaara sideed uga gudbi kartaa , imtixaankii soo kumaan dhicin , haa , imtixaanka soo socda maadadan waa inaan ( A ) helaa marka fikradii negativeka ee kugu soo dhacday maxay kuu horseeday inaad kor uga sii kacdaba markaa isku day fikradaha negative ka ee kugu soo dhacaya ee tilmaamaya khasaaraha iyo liidashada inaad kor uga sii kacdo oo qiima weyn aad u sii samayso , waxa kale oo aad ku daweyn kartaa arimahaa noocana ee fikrada negativeka inaad isku dadydo inaad u bedesho fikrad positive ah .

Tusaaledhalin yarteena maanta wey tahriibayaan markay tahriibayaan qofkii fikrada tahriibka marka ugu horeesa ee lagu dhaliyo maxaa imaada waxa uu u raadinayaa fikradan cadeemo uu ku qanci karo waxa uu kuu sheegayaa, saaxiibkay oo halkaa jooga ayaa war ii soo direy oo igu yidhi meeshu waa jano hebel kalana wax fiican buu ii sheegay hebel kalana wuu ka gudbay bada intaas oo dacaymo ayuu qofkii dhalinyarada haystaa , qofkii yaraa markiiba maskaxdiisa maxaa galay in la tahriibo ayaa galay OO tahriibtana wuu aaminoo wuu ku qancay oo cadayma badan buu helay qofka noocaasa markaad rabto inaad tahriibta u sheegto inay xuntahay maxaad samaynaysaa cadaymahan uu keenay waa inaad burisaa ,cadaymuu qofkan haystaa oo saaxiibkii oo halkaa jooga ayaa shaqa fiican haysta saxibkii oo halkaa jooga ayaa lacag soo dira , saaxibkii kalana guri buu soo dhistay cadaymahaasuu haystaa ,wuxuu haystaa cadaymo tilmaamaya intaa soo qof inay ka gudbeen bada marka hadaad rabto inaad tahriibta ka joojiso cadaymahan waa inaad burisaa , waa inaad haysataa intaasoo cadaymoo kale oo tilmaamaya qaar badii ku dhintay , qaar maanta yurub joogoo bilaa shaqaa ,qaar is gubay ,qaar isa soo daldalay markay shaqa waayeen ,qaar markay meeshii tageen waxay filanayeen iyo waxay heleen isku mid noqon waayeen intaasoo cadaymoodoo kale waa in la keenaa oo qofkii ku qancidaa waxaa uu aaminay inay sax ahayn waxaa muhiima oo waxyaabaha fikirka khaldan lagu joojiyo kamida salaada , hadii adigoo fikir welbahaara kugu jiro oo maskaxdaada walbahaar ka guuxayo oo leeyahay waxaasaa dhacay oo wewersan hadii aad salaada gasho waxaasi weykaa tagayaan mana aha waxan anigu leeeyahay maanta waa arimaha la xaqiijiey bale gaalada qaarkood maanta ay xaqiijinayaan salaada iyo inaad ilaahay ku xidhantahay waa arimaha koowaad ee runtii qofka welbahaarka ka saaraya oo fikirka wanaagsan ku dhalinaya waxa kaloo kamida iyadana qodob aad u muhiima inaadan xasuusan waqtigaagii hore markii dhibaatooyinkii berigii hore kugu dhacay , xasuustaan ayaa markiiba fikir khaldan baa ku soo dhacaya qofkii walbahaar iyo wewer buu galayaa , sideed u daweyn kartaa ? waxaad u dawayn kartaa hadaad maqasho waxyaalihii tagay waa la weriyaa qalbiga lama galiyo waa inaad khibrad ka faa'ideesataa , fawaa'id waa inaad ka heshaa laakiinse marna haka dhiganin wax dareenkagaa wax ka badala hadaad horumar rabto wax kasta dhinaca fiican waa inaad ka eegtaa waxa ugu muhiimsan inaad runtii diinta islaamka aad dabaqdo , qofka diinta islaamka dabaqaa waxay u horseedaysaa noloshiisa oo dhan inuuu u fikiro qaab positive ah waana xaqaa'iq la taabtay , Axaadiista iyo aayaadka quraanka waxaa soo dhan tilmaamaya aad bay u badan yihiin oo tilmaamaya qofka nolosha dhinaca fiican inuu ka eego waxaan ku soo khatimayaa afkaartaadu waxay isu badalaysaa ficil , ficilkaana wuxuu isu badalayaa dhaqan , dhaqankaagu wuxuu isu badalayaa dabeecad , dabeecaduna waxay tahay tan xadidaysa mustaqbalkaaga halkaad tagayso marka waxaa lagaa rabaa fikirka maskaxdaada aad galinayso inaad aad uga fiirsato oo fikir positive ah oo dhicana wanaaagsan ah waa inaad galisaa .

Aqoonyahan ,(Master holder) ahna qoraa somalilandera (GEELE)

shaamcade2015@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 


2016-12-21 19:44 GMT-12:00 Shaam Haji<shaamcade2015@gmail.com>:

Gundhiga Guushu Waxay Ka Bilaabantaa Guul darooyinka faraha badan

W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( Shaam Cade)

1)qodobka aadka u muhiimka waxa weeye khaladaadka aad galayso ee

dhinacaaga ka imanaya waaa inaad masuuliyadeeda xambaartaa ,runtii qofka marka uu shaqeenayo wax badan baa imaanaya bani aadamku qaladaad badan buu galayaa ,qaladaadka aad galayso masuuliyadeedu waa inaad qaado saddex arimoodna waa inaad ogaato.

Ømarka ugu horeesa waa inaad ogolaataa khaladka inaad sameesay.

Ømarka 2aad qaladka aad sameesay waa inaad saxdaa .

Ømarka 3aad waa inaad ka faa'ideysataa .

qofkasta wuu fashilmayaa noloshan dhibaatooyin badan baa ku soo maraya inta badan waxa dhacda qofka khaladaadka uu galayo waxa laga yaabaa inuusan ka faa'ideysan ama aanu sixin ama halkaa uu ku joojiyo dib dambe aanu u sameyn isku day dambe .

waxa la yidhaahdaa waxay ka bilaabantaa guusha fashilka ,qofku markuu fashilmo oo uu ka faa'ideesto markaasay keensataa inuu kor u kaco oo guul gaaro .

qodob kaloo aad u muhiima ayaa halkaa raacaya ,waa inaad joojisaa saddex arimood waa hadii aad rabto masuuliyada naftaada inaad qaado ,hadii aad rabto noloshaada adiga inaad hogaamiso oo halka aad rabto gaadhsiiso waa inaad ka taktaa saddex arimood .

a)Cudur daarka faraha badan oo howl marka laguu diro inaad cudur daar u sameeso sida wakhtigaa igu yar ,hawshaa igu badan.

b)waa inaad joojisaa dhaleecaynta cid kale oo cid kale eeda saarto oo qof kaasaa ka

masuula, waa inaad joojisaa shaqa la'aanta ku haysa inaad waalid kaa saarto inaad jaamacadaada saarto inaad iskuulkaaga saarto inaad xukuumadaada saarto ogow shaqa la'aanta ku haysaa adigu inaad iskugu wacantahay oo adigu halkaa is dhigtay hadii qodobkaa kaa dhaadhaco oo ogaato shaqada inaad keesan karto kor baad u socon kartaa laakiinse hadaad aamin santahay shaqa la'aanta inay kuugu wacan tahay adigoon haysan nin ku taageera oo wasiira ,adigoon haysan nin suldaana oo ku kaxeeya meel ma gaadhaysid laakiinse hadii aad aamin santahay adigu inaad iskugu wacan tahay waxa imanaya inaad is weydiiso maxaan u shaqo la'ahay ? waxaa markaa kuu soo baxaya Skills malihi , xir fado badan malihi markaa xirfadaadii baad kor u qaadaysaa aqoontaadii baad dhisaysaa imtixaanaadkii la rabay ayaad u fadhiisanaysaa waad soconaysaa waanad helaysaa shaqo.

xaqiiqda muhiimka waxay tahay qof kasta oo qaadaa masuuliyada naftiisa hadii uu arday yahay iyo hadii uu qof kale yahayba haduu rabo inuu is bedelo wuu is bedeli karaa ,hadii aad rabto shaqo inaad hesho ood ogaato adigu inaad heli karto waad heli laakiinse maalintaad is taagto shaqo halkaygaas ha iigu timaado xataa waxa laga yaabaa qofka asagoon xaraysan CV oo shirkadaha aan u tagin oon jaraa'idada aan akhrin oo aan wasaaradaha tagin oo aan u halgamin shaqada ayuu rabaa halkiisii asagoo fadhiya shaqo loogu yeedho oo la yidhaahdo kaalay reerkiibaa ku shaqaalaysiinaya taasina suurta gal maaha, waa inaad adigu juhdi galisaa si aad shaqo u raadsato.

c)waa inaad joojisaa calaa calka faraha badan ee aan meelna ku gaadhsiinayn , waxa

loo diidanyahay, calaalka waxa uu kaa qaadayaa xoriyadaada adiga inaad halganto oo wax qabsato ayuu kaa qaadayaa inta badan waa inaad adeegsataa kalimaadka keenaya dhiira galinta taasi waxay keenaysaa maskaxdaada inay gasho inaad wax qabsan karto.

2)waa inaad awooda saartaa ama wakhtigaaga galisaa waxa aad wax ka qaban karto

nolosha aynu ku noolnahay arimo badan baan qabanaa waxa laga yaabaa caruur inaad korinayso ,wax barasho inaad wado ayaa laga yaabaa ,shaqo ayaa laga yaabaa inaad hayso waxaasoo dhan waa masuuliyad ku saran ood wax ka qaban karto laakiin waxa jira wax yaalo aadan awood u lahayn oo aadan waxba ka qaban Karin .

Tusaale :- Sicir bararka iminka dalka ka jiraa waxba kama qaban kartid, shaqa la'aanta dalka ka jirtaa waxba kama qaban kartid, tahriibka iyo waxan dhacaya ee faraha badan waxba kama qaban kartid marka waxaa lagaa rabaa wakhtigaaga inaad galiso waxaad wax ka qaban karto haku dawakhin ,haku wareerin maalin kasta haku sheekeynin waxaadan awood u lahayn waxaa la yidhaahdaa dadka saamaynta leh oo horu socodka ah waa dadka wakhtigooda galiyaa waxay wax ka qaban karaan sidaas waxaan u leeyahay qofku marka uu wuxuu awooda u leeyahay wakhitigiisa galiyo waxa imanaya in arintaasi sii weynaato .

Tusaale kale :- awoodaada waxaad galisay reerkaaga inaad hagaajiso aad dhisto maxaa imaanaya reerka marka aad dhisto inaad qaraabadaadana dhisto ,qaraabadaadana markaad dhisto maxaa imaanaya inaad jaarka dhisto ayaa imaanaya, jaarka markaad dhistana maxaa imanaya xaafadii dhameed inaad hawsheedii gasho ,xaafadii markaad dhistana waxa imanaya inaad dalkii wax u qabato laakiinse adigoon naftaadiiba wax u qaban oo reerkiinii ama caruurtaadii waxba u qaban hadaad tidhaahdo siyaasadii dalkaan hagaajinayaa sicir bararkii baan wax ka qabanayaa ,tahriibkaan wax ka qabanayaa waxaa imaanaya tiisaba daryeelaa tukale ku dara.

qofka hadii wakhtigiisa galiyo wuxuusan waxba ka qaban Karin oo uu markasta ka sheekeeyo dhibaatada dalka taala ,siyaasadaha , sicir bararka ,tahriibka waxa imanay in uu markasta cid kale eedaynta saaro oo uu cid kale dhaleeceeyo oo uu leeyahay kuwaasaa noogu wacan maarkaana naftiisuu ilaabayaa markuu naftiisa ilaabana waxa imaanaya inaanu ismaamuli karaynba , inuu aamino isaga noloshiisa inay cid kale maamusho .

Aqoonyahan ,(Master holder) ahna qoraa somalilandera (Shaam Cade)

shaamcade2015@gmail.com



Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS