"Abaartii Baaha Ninba Wuxuu Kala Baxaa Buu Leeyahay" Ina Sanweyne

0
Monday 9th January 2017 09:06:35 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Abaartii Baaha Ninba Wuxuu Kala Baxaa Buu Leeyahay" Ina Sanweyne

    "Abaartii Baaha Ninba Wuxuu Kala Baxaa Buu Leeyahay" Ina Sanweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Abaartii Baaha Ninba Wuxuu Kala Baxaa Buu Leeyahay" Ina Sanweyne Waa hore oo ka mid ah xilliyaddi abaaraha adag ka dhaceen dhulka Soomaalida ee nolosha dadka iyo duunyaduba halista aadka ah geli jirtay

Ina Sanweyne oo ku caan baxay dhexdhexaadinta iyo gar qaadista cidii is qabata oo ahaa nin murti badan oo garyaqaana oo aan caddaalada indha ka qarsan eexashadana aqoon maah maahyo iyo odhaydo badana kula baxay sida'Gari allay taqaan ee soddog iyo seeddi toona ma taqqaan, Ina Sanweynana u gee, Garta ina Sanweyna loo gaysan jiray',Ina sanweyne oo taariikhdisa iyo garaha uu naqay iyo caddaladiisa Soomaali meel ay joogtaba taqaan kuna hal qabsato ayaa naqay gartan.

Waa hore oo ka mid ah xilliyaddi abaaraha adag ka dhaceen dhulka Soomaalida ee nolosha dadka iyo duunyaduba halista aadka ah geli jirtay, imaka booyada ayaaba laysugu gurmadayee, ayaa waxa dhacday abaar adag oo samaysay



dad iyo duunyaba, waxa wada wada qalalay meelihi biyaha laga heli jiray cirkiina waa la waayay abaartii waxa loo bixiyay 'BAAHA', sida magaceeda ka muuqdana waxay ku baahday deegaankii oo dhan.

 

Dadkii markii xoolihii ka madheen ee reer walba waxooga yari xeryihii ku hadheen ayay nin weliba u dhaqaaqay oo u jihaystay halkii uu islaha wuxuun bad ka helibaad iyo biyo waxaanay la guureen oo ay luudiyeen xoolo wixii u socon karayey.

Haddaba nin ka mid ah dadkii deegaank wax kaga noola ayaa waxa uu ka tegay oo u socon kari wayday hashii uu geelaba u jecla uguna caanaha badnayd taas oo biyo iyo baad la'aan darteed bogii isku dhagay, ninkii hashii halkiibu kaga tagay kagana samray.

Markii deegaankii ninba meel uga jihaystay ee laga kala guuray aya Hashii odaygu ka tegay waxa arkay oo helay nin dhalinyaro ah oo deegaanka ku hadhay, ninku wuxu ahaa nin aan duunyo xoolad lahayn dabeeto wuxu go'aansaday in uu hashas duunyo ka dhigto, oo waxay doonto ha ku qaadatee abaarta ka soo saaro. ninkii hashii tacab badan buu geliyay oo tunkiisa ayuu ugu soo dhaanshay oo meeshii uugeed qoyan ku ogaaba wuu uga soo garaacay.

Halgan iyo tacab adag ka dib hashii abaartii way ka soo doogtay oo way istaagay, roobkiina wuu da'aay deegaanki oo dhana wuu wada gaadhay doogiba soo baxay,dhirtiina way wada cagaartay.

Dadkii deegaanka abaartii halistay ahayd ee BAAHA uga yaacay ayaa nin waliba helay warka ah in deegaankii roobkii ka da'ay oo la nimcaystay nin walibana wuxu u soo dhaqaaqay deegankiisii baahi ka kaxaysay markii hore.

Haddaba balaayo waa ta danbayse odaygii hasha lahaa ee kaga guuray xerada ee ka samray ayaa arkay hashiisi oo naaxday oo ad quruxda yaabto, ninkii damac ayaa galay wuxuna ku qabsaday hashii.

Ninkii hasha abaartii baaha ka soo saaray muu dafirin inuu ninkanii lahaa hashaa laakiin wuxuu sheegtay tacab badan iyo in uu nafta u huray hashan, ninkaniina uu kaga guuray xero kana samray ee markii uu arkay hashii oo quruxsan oo lugaheeda ku talaabsanaysa uu iska damaaciyay.

Arrinkii wuxu sidii ahaadaba kolba odayaal loo geeyaba waxa laysku raacay in garyaqaankii weyna ee Ina Sanweyne oo deegaanka ku noola loo geeyo.

Ina Sanweyne markii labaddii dhinacba arkay ee gartoodi dhagaystay ee arrinkii rog rogay kan fiirsaday si wangsana u darsay wuxu soo sa saary go'aan taariikh galay oo loo baah yahay in dadkeenu wax ka bartan oo wuxu yidhi"Baaha ninba wuxuu kala baxay ayuu leeyahay"taas oo ah hasha ninkii ku soo tabcay ee abaartii ka soo saaray ee naftiisa u soo huray ayuunba leh.

Allahayoow Ina Sanweyne garyaqaan ma ahaa.

Abdinajah Ismail

Najah Ismail <najaxismacil@hotmail.com



Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS