Xisbiga Wadddani Iyo Gudoomiyahooda Cabdiraxmaan Cirro , Waxey Ku Faraxsanyahiin Abaarta Iyo Dhibaato Dalka -

0
Monday 9th January 2017 09:12:32 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Wadddani Iyo Gudoomiyahooda Cabdiraxmaan Cirro , Waxey Ku Faraxsanyahiin Abaarta Iyo Dhibaato Dalka -

    Xisbiga Wadddani Iyo Gudoomiyahooda Cabdiraxmaan Cirro , Waxey Ku Faraxsanyahiin Abaarta Iyo Dhibaato Dalka -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Wadddani Iyo Gudoomiyahooda Cabdiraxmaan Cirro , Waxey Ku Faraxsanyahiin Abaarta Iyo Dhibaato Dalka - Ka Dhacda Sababtoo Ah Way Fashilmeen!

Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada iyo akhristayaashaba, waan idin salaamey.
Salaam ka dib waxaan beryahan warbaahinta iyo baraha internetka ku arkeynaa , aflagaado qaawan iyo cay ka soo yeedheysa xisbiga waddani, iyadoon ogeyn weerarkii qabyaalada iyo naceybka badani ka muuqday e ay ku qaadeen ganacsadde




maxamed aw saciid, ayaa waxaan maanta ka maqleynaa gudoomiye muuse biixi ayaa abaarta keeney iyo doorasho ayuu muuse biixi doonayaa, horta waxaa abaarta keenay illahey subxaana wa tacaala waxbana kuma aha in uu bari roob keeno ee taasi waa gaf aad alleh ka gasheen, ee illahey danbi dhaaf weydiista, tan kale ee ilaa shaley ummada lala dhex maraayo ee ah muuse biixi ayaa doonaa in ay doorasho dhacdo, taasi wax shacabka somaliland idink yeelaayo maahan dalku doorasho ayuu u baahan yahey goor ay noqotoba ee hadad ka baqateen in aad tartantaan ,muuse biixi u hanbalyeeya, oo iska dhaafa cayda iyo muranka aad tv yada la soo fadhidaan.
Ta kale waxaan ogeyn gurmadkii iyo taageeradii laxaadka laheyd ee uu gudoomiyaha xisbiga kulmiye u fidyay deegaanada abaartu ka jirto ma jirtoo ilaa hada in ay xisbiga waddani awoodeen wax dhaqaalo ah ooy dadkaasi ugu gargaareen, markaasi waxaan odhankaraan muuse biixi waa nin idiinka xogogaalsan oo idinka ildheer xaaalada dalka waxtarna idiinka fiican, balse gudoomiye cirro ilaa hada wax uu ummadaasi tarey ma heyno aan aflgaado iyo cay ahayn uu dadkii reer somaliland u kala saarsaaro iyo reer baa bari la laayey iyo tolaayeey.
Markaasi waxaan odhanlahaa nimankan wasiirada ahaa ee fashilmey ee xoolahii ummada hore ugu tagri faley , iyo kuwan xamar ku soo fashilmey ummada reer somaliland maanta uma baahna aflagaado iyo hebel ayaa caynkaasi ah ee kala dhex baxa bulshada waxaasi oo hadeydaan waxba noqon karin ama tartami karin edeb yeesha.
Ta ugu danbeysaa waxaa weeye doorashada somaliland waa la qabanayaa waxaana laga yaabaa in ay guga dhacdo ee yaan doorashada lagu meeraysan iyo abaar ayaa dhacdey abaarta illahey ayaa inaga soo jabin doona balse dalka doorsho way ka dhaceysaa qofkii diidan in aan doorasho dhicin waa qof raba somaliland in ay baaba'do, waxaana, xisbiga waddani looga shakisanyey in ay lacago ku soo qaateen burburka somaliland taasina dhicimeyso.
Xisbiga waddani waxaa idiin murashax ah cabdiraxaan cirro, balse waa ninkii feedhka caanka ku ahaa shaleyna lahaa muuse biixi ayaa dad laayey aan la garaneyn cida uu ula jeeday ee muuse biixi laayey, aqligiisu waa qofkaasi qofkaasina maahan qof dalkan iyo ummadan waddi kara, ee waxaba yaaney cadhadu idinku badan!
Qore: Tahir hussein
Tahir hussein <waayo_aragman@yahoo.com
LATEST NEWS