[AKHRI] :-Caaqil Magac Wayn Kulaha Gobolka Togdheer Oo Geeriyooday Iyo Gudoomiye Muuse Biixi Oo Ka hadlay Geeridiisa Iyo Tariikhdii Uu Dalka Ku Lahaa

0
Monday 9th January 2017 20:44:16 in Wararkii Maanta
  • Visits: 742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [AKHRI] :-Caaqil Magac Wayn Kulaha Gobolka Togdheer Oo Geeriyooday Iyo Gudoomiye Muuse Biixi Oo Ka hadlay Geeridiisa Iyo Tariikhdii Uu Dalka Ku Lahaa

    AKHRI :-Caaqil Magac Wayn Kulaha Gobolka Togdheer Oo Geeriyoodey Iyo Gudoomiye Muuse Biixi Oo Ka hadlay Geeridiisa Iyo Tariikhdii Uu Dalka Ku Lahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AKHRI :-Caaqil Magac Wayn Kulaha Gobolka Togdheer Oo Geeriyoodey Iyo Gudoomiye Muuse Biixi Oo Ka hadlay Geeridiisa Iyo Tariikhdii Uu Dalka Ku Lahaa


XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

09 January 2017

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo xubnaha kale ee hoggaanka xisbiga oo ka wakiil ah hay'adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariisteeMarxuum Caaqil Cabdi Cabdillaahi Maxamed (Cabdi Carab)oo ku geeriyooday magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer maanta oo taariikhdu tahay 09/01/2017.

Madaxda xisbigu waxay ku sifeeyeenMarxuum Caaqil Cabdi Cabdillaahi Maxamed (Cabdi Carab)inuu ahaa oday dhaqanka ruug-caddaa ku ahaa, kana mid ahaa cuqaasha ugu da'da waynaa Gobolka Togdheer, addoon wanaagsan oo muddo dheer u soo shaqaynayey dadkiisa iyo dalkiisaba, gaar ahaana uu dadaalladii nabadaynta iyo qaran dhiska door wayn ka soo qaatay.

Guddoomiyaha iyo madaxda kale ee xisbigu waxay Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkaba Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.Aamiin....Aamiin....Aamiin.



Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

LATEST NEWS