Militariga Dalka Bakistaan Oo Shaaciyay Inay Ku Guulaysteen Tijaabada Gantaal riddo Dheer Oo Badda Hoosteeda Laga Rido.

0
Tuesday 10th January 2017 08:48:27 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Militariga Dalka Bakistaan Oo Shaaciyay Inay Ku Guulaysteen Tijaabada Gantaal riddo Dheer Oo Badda Hoosteeda Laga Rido.

    Militariga Dalka Bakistaan Oo Shaaciyay Inay Ku Guulaysteen Tijaabada Gantaal riddo Dheer Oo Badda Hoosteeda Laga Rido.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Militariga Dalka Bakistaan Oo Shaaciyay Inay Ku Guulaysteen Tijaabada Gantaal riddo Dheer Oo Badda Hoosteeda Laga Rido.


Gantaalka loogu magacdaray Babur-3, oo gaari kara illaa 450km, ayaa qaadaya madaxyada hubka nukliyerka, sida uu xaqiijiyay afhayeen la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Ra'iisul wasaare Nawaz Sharif wuxuu tilmaamay in tijaabada ay muujineyso guusha Pakistan ee teknolojiyadda iyo isku filnaanta.

Kashmir qeybta India oo kacsan

Saameynta uu leeyahay Sheekh Zakir Naik

Sikastaba, dadka arrimaha amniga falanqeeya waxay sheegayaan in tallaabadan ay sare u qaadi karto khilaafka ka dhexeeya Hindiya iyo Pakistan.

Labada dal ayuu seddax dagaal dhexmaray tan iyo markii ay xuriyadda qaateen ee 1947-dii.

Sidoo kale, Pakistan iyo Hindiya ayaa gantaallo kala duwan sameystay tan iyo markii ay hubka nukliyerka sameysteen ee 1998-dii.

Hindiya waxay 2008 tijaabisay awoodooda nukliyerka ee badda hoosteeda. Sanadkii 2013kii ayey sidoo kale tijaabisay gantaal nooca riddada dheer ah.

Kashmir oo lagu dilay 17 askari

Pakistan oo India ku eedeysay duqeyn

Hindiya weli kameysan hadlin tijaabadan cusub ee Pakistan ay sameysay.

Pakistan ayaa meel aan la shaacin oo bad-weynta Hindiya ka mid ah ku tijaabisay madfaca.


LATEST NEWS