Cristiano Ronaldo Muxuu Yadhi In Ciyaartoyda Barcelona Aysan Xalayto Soo Xaadirin Abaalmarinta FIFA Ee The Best?

0
Tuesday 10th January 2017 09:01:02 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Muxuu Yadhi In Ciyaartoyda Barcelona Aysan Xalayto Soo Xaadirin Abaalmarinta FIFA Ee The Best?

    Cristiano Ronaldo Muxuu Yadhi In Ciyaartoyda Barcelona Aysan Xalayto Soo Xaadirin Abaalmarinta FIFA Ee The Best?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo Muxuu Yadhi In Ciyaartoyda Barcelona Aysan Xalayto Soo Xaadirin Abaalmarinta FIFA Ee The Best?



Ciyaartoyda Barcelona ah kama qeybgelin xafladii xalayto ee abaalmarinta FIFA ee The Best ee ka dhacday magaalada Zurich, laakiin xiddigii ku guuleystay abaalmarinta Cristiano Ronaldo ayaa hadalkiisii aqbalaada waxa uu ku sheegay inuu fahamsan yahay go’aankooda aysan ku imaanin xaflada.

 

"Waan jeclaan lahaa haddii Messi uu halkaan joogi lahaa, si la mid ah xiddigaha kale ee Barcelona” ayuu yiri Ronaldo isagoo gabagabeynayay hadalkiisa uu ku aqbalayay abaalmarinta.

"Laakiin waxa ay leeyihiin kulan koob ah, sidaasi darteed waa wax si fiican loo fahmi karo sababta aysan halkaan u joogin.”

Ciyaaryahanka ayaa sidoo kale waqti u qaatay inuu u mahadceliyo dadkii ku caawiyay inuu ku guuleysto abaalmarinta shaqsiyadeed, halka uu sidoo kale ku faraxsanaa inuu galay taariikhda isagoo noqday xiddigii ugu horeeyay abid ee ku guuleysta abaalmarinta cusub.

"Waa wax fiican inaan ku guuleysto abaalmarintaan, madaama la bixinayo markii ugu horeysay” ayuu yiri Ronaldo.

"Waxaan u hibeynayaa asxaabteyda Real Madrid, asxaabteyda xulka qaranka iyo macalimiinteyda.

"Waxaan joogaa waqtigii ugu fiicnaa ee waayaheyga ciyaareed.

"Sannad weyn ayay ii aheyd, marka laga hadlayo shaqsi ahaan iyo weliba kooxo ahaan, sidaasi darteed waxaan u mahad naqayaa cid walba.”





Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS