Cadawgii aan saaxiibka mooday. W/Q: Sharmarke Cabdi Ibraahim ( Dhuux) -

0
Tuesday 10th January 2017 09:38:37 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadawgii aan saaxiibka mooday. W/Q: Sharmarke Cabdi Ibraahim ( Dhuux) -

    Cadawgii aan saaxiibka mooday. W/Q: Sharmarke Cabdi Ibraahim ( Dhuux) -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadawgii aan saaxiibka mooday. W/Q: Sharmarke Cabdi Ibraahim ( Dhuux) - Sidii aan ugu jiray noloshaas farxada iyo wanaaga koobsatay ayaa waxay waalidkay ii qorsheeyeen inay igu daraan malcaamad qur’aan. Malcaamadii ayaa laygu daray.

 

Waxa aan la soo koray waalidkay oo baahida iyo basiiradaba iga ilaalin jiray. Waxaan ahaa ilmo yar oo dhabta hooyadii ku seexda oo aan ka war qabin waxa dunidan ka socda. Keliya waalidkay ayaan iskala noolaa oo cidd I dhibta weligay maan la kulmin. Habeen iyo maalin ba waxay ka fekeri jireen sidii aan u noqon lahaa hanad hiigsi dheer leh. Inta badan markaan nolosha qoyska ku gudo jirno waxay iiga sheekayn jireen halyeeyo dunidda soo maray, oo magac iyo milgo ku dhex lahaa bulshooyinkooga. Qiyaastii waxaan is leeyahay sheekooyinkaas sababta ay iigu sheegi jireen waxay ahayd inaan ku daydo oo aan raaco raadkoodii dheefta badnaa. Markaan arko kalgacalka iyo wanaaga layga hayo guriga waxaan isu haystay inaanu




jirin qof ila mid ah oo dunidan guud saaran. Farxada iyo rayn-raynta wejigayga ka muuqata waxaad moodaa in janadii udgoonayd laygu bushaareeyey.

 

 

Sidii aan ugu jiray noloshaas farxada iyo wanaaga koobsatay ayaa waxay waalidkay ii qorsheeyeen inay igu daraan malcaamad qur’aan. Malcaamadii ayaa laygu daray. Waxaan galay nolol ka duwan tii aan ku jiray, waxa aan is dhex galnay caruur fara badan oo aanan weligay is arkin. Waxaan galay barashooyin cusub oo naftaydii wax weyn ka bedelay. Waxa ii bilaabantay tarbiyad cusub oo aanan weligay iloobi doonin. Waxaan bilaabay qur’aan aad macaan ka moodid malabkii doocaan. Xiise aanan hore u lahaan jirin ayaa naftaydii ku soo siyaasaday. Waxaan bilaabay inaan is weydiiyo goorma ayaad qur’aanka dhamayn doontaa?, aad sida macalinkaaga oo kale dadka qur’aanka bartide. Karti iyo dedaal badan ayaan naftaydii baray si aan u gaadho guul nololeedkaas aan hiigsanayey. Sidii ayaan ku gaadhay himiladaydii, waxaan soo kacaa kufaba waxaan soo gaadhay maalintii aan sugayey ee aan islahaa goormaad gaadhi doontaa. Xaflad laysku arkay ayaa lay dhigay, jaa’isooyin fara badan ayaa lay gudoonsiiyey. Farxadaydii ayaa sii laba jibaarantay, himilo iyo hiigsi kale oo nololeed ayaa haddana hortaydii ka sii muuqday, waxaanan go’aansaday inaan iyagana gaadho.

 

Kolkii aan dhamaystiray malcaamadii ayaa waalidkay waxay ii qorsheeyeen inaan bilaabo iskuul. Dirays cusub iyo buug ayaa lay soo iibiyey. Waxaan tagnay iskuulkii, maamulihii ayaa lay soo hor fadhiisiyey iyada oo looga sheekaynayo kartidayda iyo akhlaaqdayda. si fiican oo xushmad leh ayuu noo soo dhoweeyey maamulihii, waxaanu ii sheegay fasalka aan ka fadhiisan doono iskuulka. Nolol kale ayaan galay, balse noloshani wey ka duwan tahay tii malcaamada. Cidd ku hor istaagaysaa ma jirto, ardayda iskuulka joogtaa maalin oo dhan wey ciyaarayaan oo wey is eryanayaan. nolol isku dhex mulaaqan ayaan dhex galay. Mar ba laba arday ayaa is dilaaya oo la kala jiidayaa. Nadaafada cidd naga eegtaa ma jirto, fasalka dhexdiisa ayaa wixii la doono lagu dhex sameeyaa. Ana maalimihii hore isha uun baan ka daawadaa waxan meesha ka dhacaaya. Waxaan is diidsiiyaba maalintii dambe waxaa khasab igu noqotay inaan ana la qasto oo weliba halkay joogeen aan bara dhaafiyo. Akhlaaqdii wanaagsanayd ee guriga iyo malcaamada layga soo baray ayaan mar qudha ka siibtay. Waxaan noqday qalqaali faraha lagaga gubtay oo dadkii ka hadhsan waayeen. Maalinkasta waalidka ayaa lay diraa, ana waalidkay ma soo kaxeeyee qof kale oo aanu qaraabo nahay baan meelahaas uga soo jiidaa si uu macalimiinta iiga maslaxo. Dugsigii hoose ayaan sidaas ku dhamaystay. Waxaan u wareegay dugsigii dhexe aniga oo sidii hawshaydii qalqaalinimo u wata. Dugsigan dhexe ee aan bilaabay waxba kagama duwan kii hoose ee aan soo dhaafay, keliya waxa ii dheer waa aniga oo koray oo weynaaday. Fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe markii aan ka sii baxayey ayaan samaystay saaxiib cusub.

 

Saaxiibkaygan cusub oo la yidhaado JAAD ama QAAD, ayaanu noloshii ku midawnay. Waayihii hore ee aanan Is baranin jaadka waxaan ku arki jiray isaga oo yaalla kabadhada. Waxaan arki jiray isaga oo inta la rusheeyey meel caws leh la dhex dhigay oo jawaan qoyana guudka sare lagaga deday. Waxaan moodi jiray inuu yahay saaxiib wanaagsan oo nolosha kula wadaagi kara. Markaan arko laamihiisa iyo caaleemihiisa bal-balaadhan waxaan u haystay inuu yahay saaxiib faa’iido ku duugan tahay sida kaabashka iyo saladh ka. Balse sidaas wuu ka duwan yahay.

 

Maalintii ugu horaysay ee aanu saaxiibno waxaan ka bixiyey lacag aanan hadda qadarkeeda xasuusanin balse kolkaas aad u badnayd. Waan soo qaatay waxaanan la soo fadhiistay meherad gabadhi haysato. Caw yar oo idlaatay oo meherada dhex taalla ayaan salka la helay. Markii ugu horaysay ba ee aan afka geliyo waxaan ka dareemay qadhaadh aanan weligay arag. Balse isagaa hoos iila hadlay oo igu yidhi " waar is deji dabada ayaanu ka macaanaanaye”. Hadalkiisii ayaan qaatay oo sidii baan yeelay, markaan qadhaadhkiisa dareemaba hoos buu iila hadlaa isaga oo igu qancinaya inuu macaanaan doono. Xoogaa markii aan iligta ku hayey buu igu yidhi " waar hawlahaaga oo dhan markale ayaad qabsanaysaaye, wakhtigaaga oo dhan maanta aniga isii ". Waan ka yeelay oo hawlihii aan lahaa oo dhan faraha ayaan ka qaaday maalinkaas. Wakhtigii salaada duhur markay gaadhay baan damcay inaan soo tukado. Balse isagii baa haddana ila hadlay oo igu yidhi " waar sawdigan I taqsiimay ee canku kuu buuxo miyaad I tufi karaysaa, hadaad I tuftid saw haddana wakhti kale kugu qaadan mayso inaad I taqsiinto? "

 

Waan u garaabay oo salaadii aan tukan lahaa waan iska joojiyey. Xoogaa markii aan fadhiyey ayey kaadi I qabatay, waxaanan go’aansaday inaan soo kaajo. Markii aan kacay ee aan suuliga is idhi qabo ayuu igu yidhi " waar suuligu wuu kaa fog yahaye gidaarkaas intaad ku dhuumatid dabadiisa iskaga soo kaadi ciddi kuma arkaysee”. Run baan u qaatay hadalkiisii sidii baanan yeelay. Markii aan kaajay ayaan u baahday wax aan kaadida iskaga biiyo ileen waanigan suuligii biyaha lahaa iskaga imide. Waxaan go’aansaday dhagxaan meesha taallay inaan kaadida iskaga tir-tiro laakiinse saaxiibkay jaad ayaa hoos iila hadlay oo igu yidhi " waar miyaad is dilaysaa, ma dhagxaantan dadku maalin iyo layl ku tumanayaan ee bacadku dilay ayaad kaadida iskaga biinaysaa? Waar hays diline iskadaa oo kaadidaadu ha kugu daadatee dayso ileen waa kaadidaadii oo dhibaato ay leedahay ma jirtee”. Waan qaatay taladiisii oo aan markaas moodayey inay saxan tahay. Meeshaydii ayaan iskaga soo noqday saaxiibkaygii cusbaa ee JAAD ayaan iska raqay oo mar ba taqsiinta buuxsadaa. Waxaan isla laba legdoonaba waxaa la soo gaadhay salaadii casar. Waxaan damcay inaan soo tukado, haddana saaxiibkay ayaa ila hadlay oo igu yidhi " waar sawdii soo kaajay ee weliba kaadidiina kugu daadatay, miyaad iska soo maydhay kaadidii?” dabadeed misaan ku idhi " hadda ayaan suuliga tegayaa oo aan soo istijo qaadanayaa”. Kolkaas buu haddana igu yidhi " waar waxaasi caqliga ma galaan, surwaalkaaga saw kumay daadan kaadidii, ma salaad baa ku baxaysa maryo kaadi leh, sawdigii qur’aanka bartay maxaa kaa siya” waa runtaa intaan ugu jawaabay ayaan hawshaydii iska sii watay, salaadihii ka dambeeyey oo dhana ma tukanin isaga oo marba I xasuusinaya khaladkii aan sameeyey maanta. marba marka ka danbaysa ayaanu cirka isula baxnaa. Markaan sii kululaadaba wuxuu igu yidhaahdaa waa dabeecadayda oo mirqaan ayaa la yidhaahdaa ee haw bixin.

 

Maalintii oo dhan sidaas ayaan ku khasaareeyey. Habeenkii markii ay gaadhay buu igu yidhi " ka waran macaankayga niyaw ileen saaxiibo cusub ayaanu nahaye” waxaan ugu jawaabay inuu wanaagsan yahay saaxiibtimadeenana aan sii adkayn doono. Isna hoosta ayuu ka qoslay isaga oo ogaaday inaan shabaqa ugu dhacay. markii ay gaadhay sagaalkii fiidnimo ayaan ku idhi " saaxiib waan tegayaaye waa inoo berri insha allaah”. Dabadeed wuxuu igu yidhi " saaxiib caawa waxaan jeclaystay inaan kula seexdo oo gurigaaga kula tago, ee maxaad ka qabtaa?”. Dabadeed waxaan ugu jawaabay inuu I raaci karo caawana ila seexan karo. Dabadeed wuxuu igu yidhi " intaynaan caraabin soo qaado qayb iga mid ah oo la yidhaahdo qarxis, maalintii marka lay cuno habeenkii waxaa qasab ah in qaybtaydaa qarxiska ama biyo raaciska la yidhaahdo aad sii cuntid”. Sidii baan yeelay oo biyo raaciskiina waan ku darsaday. Goor dambe oo habeenimadii ah baan ka carawnay meeshii aanu maanta oo dhan fadhinay.

 

Kolkii aan gurigii tegay baan damcay inaan casheeyo. Balse saaxiibkay baa igu yidhi " oo ma wax baad cuni karaysaa sawtaan maanta oo dhan is cunaysay, bal iska cun aniga waxba iga degi maayaane”. Ana ma wax baa iga degaya ileen maanta oo dhan baan saaxiibkayga cusub taqsiinsanaaye. Habeenkii wax casho ah af ma saarin sidii baan qadoodi u ahaa habeenkii oo dhan. Kolkaan xoogaa war wareegay baan is idhi iska seexo ileen waataad maanta oo dhan soo jeedaye. Sidaa markaan u dhigay dhabanka ayuu halkan iisoo fadhiistay. Isaga oo leh " miyaad seexan karaysaa, miyaanad mirqaansanayn, anigu ma seexan karayee maxaad la seexanaysaa”. Halkaa markaan isla marayno ayaan u badheedhay oo aan ku gacan saydhay oo aan ku idhi " I dhaaf anigu waan seexanayaaye, hadaanad hurdo doonayn aniga wey iga go’an tahaye I weydaaro”. Markuu arkay inaan cadhooday buu isna igu bilaabay canaan aanan qiyaasi Karin. Dib ayaan canjaladii u duubay waxaan ka soo bilaabay maanta markii aanu is baranay iyo hadimooyinkii uu ii geystay. Calaacal iyo ciishood ayaan naftaydii ooda kaga qaaday, bal maxaad ku falaysay balaayo cuntayga, bal eeg ilaa maanta maad cibaadaysan oo salaadaadii baad ku ciyaartay, caawa maad cashayn oo isagaa kaa hor joogsaday. Hurdadiina waa kaas kaa kala dhantaalay oo waadigaa ilaa saq badhkii soo jeeda. Horta maxaad ka faa’iiday?. Lacagtaadii ayuu kaa khasaareeyey. Wakhtigaagii ayuu kaaga ciyaaray. Hadaan dib u cuno hooyaday nin ma dhalin. Hiiftankaas sidaan ugu jiray baan seexday goor waagii soo dhow yahay. Hurdo hadar iyo haydaaro wadata ayaan seexday. Subaxdiina waxaa lay kiciyey aniga oo lay moodo inaanan waayo badan dhaban dhul dhigin oo il waliba footari intay I leekaatay casaankana aad moodid in bas baas lagu af rogay. Alla ciil badanaa oo caajis weynaa.

 

Iskuulkii baan subaxdiina sidii ku aaday. Hiiftanka iyo heelalowga wejigayga ka muuqata waxaad moodaa inaan maanta oo dhan dagaal lagu hoobtay ku jiray. Macaliinkii iyo ardaygii isoo eegaba indhahaan kaga dhacayey. Haraadka iyo taqajiranka I haysta ayaaba waxaas oo dhan igaga daran. Luunka iyo jeenafka afka igaga wareegsan waxaad moodaa inaanan afar caano maal wax cunin. Sidii aniga oo u xayraansan oo wixii maanta oo dhan lay dhigayey aan midh ka haynin ayaan ka soo rawaxay iskuulkii. Isla markaan albaabka ka soo baxay ba waa saaxiibkay jaad oo meel iskuulka u dhow lagu rushaynayo oo loo diyaarinayo meeshii la dhigi lahaa. Kolkuu sidaas ii arkayba qosol ayuu ooda ka qaaday. Wuxuu markiiba iigu sheekeyey sheeko khayaali ah taas oo ahayd " waar maanta aynu wada fadhiisano, wixii shalay ku gaadhay na maanta ayaad ilaawaysaa, waan aqaanaa oo waxan ku haysta qaadiro ayaa la yidhaahdaa, kolkaa maanta hadaad ila fadhiisatid dib iskugu arki maysid”. Kolkiiba maskaxdaydii ayuu bedelay waxkasta oo uu ii sheegana waan ka aqbalay. Sidii shalay oo kale waanigan maantana noqday, wuxuu xalay igu sameeyeyna waa kan caawa igu sameeyey. Waxaan maqli jiray "bidaari sibiq bay kugu gashaaye”waa kaas siduu maalinba wax iigu sheegayey tacliintii iga reebay. waanigaa iskuulkii ka saaqiday.Waanigaa salaadii iyo cibaadadii tuuray. Waa anigaa xadhko goys noqday ee xayadii dabada ka tuuray. Umadda qofkii aan arkaba waa anigaa shaxaad ku wareeriyey. Maalintaan waayo waanigaa murugooday sidii qof goblamay.

 

Maalintaan Is baranay waxaa ka soo wareegay ku dhowaad 30 sanadood. Ilaa maalintaas ilaa maanta waxaan ku fekeraa inaan saaxiibtinimadiisa gooyo. Laakiinse wuu iga awood batay oo khasab ayaan kula socdaa. Saddex shay oo noloshayda qaali ku ah ayuu dagaal kula jiraa saaxiibkay. Kuwaas oo kala ah.

1: wakhtigaygii qaaliga ahaa

2: dhaqaalahaygii iyo

3: caafimaadkaygii qiimiga badnaa.

Ma aqaan wax aan sameeyo. Tacliin waxaa iigu danbaysa maalintaan isaga saaxiibtinimadiisa bilaabay oo aan ahaa fasalka sideedaad. Qaraabadaydii ma yaqaanaan wax ay igu tiriyaan. Maalin iyo layl waxaan hiifayaa waa naftaydii hiigsiga ku heelanayd maalintaan malcaamada bilaabay. Habeenkii talada aan gaadho maalintii ayaan kala daadiyaa. Markaan saaxiibkay iliga ku hayo wer-wer ma dareemo waxkastaana isaga ayaa ii sakhira. Markaan tufo ee aan damco inaan seexdo ayaa wer-wer lay dhameeyaa.

Sheekadani waa meerto nololeedka uu ku sugan yahay qofkasta oo muqayil ah ama jaadka cuna. Waa sheeko mala-awaal ah oo aan ka diyaariyey nolosha ay ku sugan yihiin dadka muqayiliinta ah. Maaha sheeko qof ku dhacday ama cidd gaar ah khusaysa, balse waa mala-awaal aan ku qiimaynaayo qofka muqayilka ah.

 

Nabad gelyo

Dhamaaad.

W/Q: Sharmarke Cabdi Ibraahim ( Dhuux )

Email :sharmarke09@outlook.com

Addis Ababa, Ethiopia.



Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS