[Gudaha Ka Eeg]:-Ninkii Sagaalka Qof Ee Madowga Ah Ku Dilay Kaniisad Ku Taalla South Carolina. Oo Dil Lagu Xukumay

0
Wednesday 11th January 2017 09:17:26 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Gudaha Ka Eeg]:-Ninkii Sagaalka Qof Ee Madowga Ah Ku Dilay Kaniisad Ku Taalla South Carolina. Oo Dil Lagu Xukumay

    Gudaha Ka Eeg:-Ninkii Sagaalka Qof Ee Madowga Ah Ku Dilay Kaniisad Ku Taalla South Carolina. Oo Dil Lagu Xukumay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha Ka Eeg:-Ninkii Sagaalka Qof Ee Madowga Ah Ku Dilay Kaniisad Ku Taalla South Carolina. Oo Dil Lagu Xukumay

Wiil ay ku weyntahay cunsurinimada oo lagu magacaabo Dylann Roof ayaa lagu xukumay dil ka dib markii uu sagaal qof oo madow ah ku dilay kaniisad ku taalla South Carolina. Dylann Roof, ayaa bishii tagtay lagu helay 33 fal dembiyeed, oo ay ka mid ahaayeen, neceyb iyo inuu rasaas ku furay dad bible baranaayay sanadkii 2015-kii.


Wuxuu diiday inuu ka soo noqdo naceybka ku jiro iyo falka uu geystay, wuxuuna xeer-beegtida u sheegay,"waxaan dareemsanaa inay waajib igu tahay inaan sameeyo, welina waxaa dareemaayaa inaan dilo dadka madow".

Xeer-beegtida ayaa seddax saacadood ka doodayay arrintan ka hor inteysan gaarin go'aanka. Xasuuqaasi ka dhacay kaniisadda wuxuu argaga geliyay Mareykanka, wuxuuna ifiyay dhibaatada ka taagan xiriirka qowmiyada, iyo sii jiritaanka calanka midab takoorka.

Roof wuxuu booliska u sheegay in uu doonayo inuu billaabo dagaal jinsi ku saleysan, waxaana sawir laga qaaday asigoo haysta calanka colaadda, kaas oo astaan u noqon kara nacayb. Musiibadaas ayaa sababtay in calankaasi laga saaro aqalka maamulka South Carolina, halkaas oo 50 sano uu ka babanaayay.

Ka dib dilkaasi, Obama ayaa tagay kaniisadda oo la hadlay dadka madow, wuxuuna xusay dadkii billaabay kaniisaddaasi oo madow ahaa.

Ka dib markii lagu xukumay dilka, 22-sano jirka dadka laayay wuxuu dalbaday in loo magacaabo qareenno cusub, uuna dacwadda dib u billaabo.

Garsooraha degmada, Richard Gergel oo u jawaabay Roof ayaa sheegay inuu "si adag u diiday" wuxuuna Roof u sheegay inuu dib u fikiro.




LATEST NEWS