Garsoorayaasha La Liga Oo Cabasho Ka Gudbiyay Daafaca Barcelona Gerard Pique.+ Sababta?

0
Wednesday 11th January 2017 09:29:03 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoorayaasha La Liga Oo Cabasho Ka Gudbiyay Daafaca Barcelona Gerard Pique.+ Sababta?

    Garsoorayaasha La Liga Oo Cabasho Ka Gudbiyay Daafaca Barcelona Gerard Pique. Sababta?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoorayaasha La Liga Oo Cabasho Ka Gudbiyay Daafaca Barcelona Gerard Pique. Sababta?


Victoriano Sánchez Arminio oo ah madaxweynaha ururka garsoorayaasha Spain ayaa ku dhawaaqay inay durbaba cabasho ka gudbiyeen daafaca Barcelona Gerard Pique sida ay qortay jariirada Sport.

 

Ururka garsoorayaasha ayaa warqad u qoray xiriirka kubada cagta Spain iyagoo labo cabasho ka gudbiyay daafaca dhexe kaasoo weeraray garsoorayaasha ka dib kulamadii Athletic Bilbao iyo Villarreal.

Cabashada koowaad waxaa la xareeyay ka dib haladii uu sheegay daafaca reer Spain ee ku aadanaa dhacdooyinkii kulankii Athletic Club ee Copa del Rey, qalad rigoore noqon karay oo lagu galay Neymar, dagaalkii uu Uduriz ku qaaday Umtiti. Isagoo ka hadlayay arimahaan, Pique ayaa yiri, "waan garaneynaa sida ay arimahaan u shaqeeyaan” isagoo ku eedeeyay garsoorayaasha inay ka eexdaan Barcelona.

Cabashada labaad waxa ay timid ka dib markii uu weerarkiisa sii waday kulankii Villarreal: "Isbuuc walba waxa ay garsoorayaasha i siiyaan sababo aan ku weeraro” ayuu yiri ciyaarta ka dib iyadoo kooxdiisa ay ku andacooneysay in labo rigoore laga diiday.

Waqtiyo kala duwan ayaana laga gudbiyay labada cabasho iyadoo xiriirka kubada cagta Spain uu arimahaan eegi karo ilaa iyo muddo bil ah.




Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS