[WAR-SAXAAFADEED]:- Ka Soo Baxay Xisbiga Kulmiye + Xilal Cusub Oo La Magacabay Yaa Ka mid Ah [Halkan Ka Ogow]

0
Wednesday 11th January 2017 09:35:05 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [WAR-SAXAAFADEED]:- Ka Soo Baxay Xisbiga Kulmiye + Xilal Cusub Oo La Magacabay Yaa Ka mid Ah [Halkan Ka Ogow]

    WAR-SAXAAFADEED Ka Soo Baxay Xisbiga Kulmiye +Xilal Cusub Oo la Mgacabay Yaa Ka mid Ah Halkan Ka Ogow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAR-SAXAAFADEED Ka Soo Baxay Xisbiga Kulmiye +Xilal Cusub Oo la Mgacabay Yaa Ka mid Ah Halkan Ka Ogow

WARSAXAAFADEED XISBIGA KULMIYE EE NORTH AMERICA
UJEEDO: MAGACAABIS XILAL January 10,2017
TIXRAAC: XKNA/# 6


KU:Aniis Cabdilahi Ciise -USA
KU: Naasir Maxmud Xaaji Yusuf-CANADA
KU: Khadar Guun Jaamac-CANADA
KU:Mustafa Cabdi Ismail Daanshood-USA
KU: Dr Maxamuud Ducaale-CANADA
KU:Cabdikarim Ugaas Cabdilahi-CANADA
Og. Guddiga Fulinta North America
Og. Gudoomiyeyaasha Laamaha Xisbiga Kulmiye ee USA iyo CANADA
Og. Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye
Markaan arkay xilka ama jagada Gudoomiyeyaasha Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye ee North America iyo Muhiimadood:
Markaan La Tashaday Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee North America.
Markaan aragnay Xilkasnimadood Shaqo, kartidooda iyo Dadnimadooda.Waxaan umagacaabay Gudoomiyaha Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye ee USA Mudane Aniis Cabdilaahi Ciise.Waxaan kaloo u magacaabay Gudoomiyaha Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye Canada Mudane Naasir Maxamuud Xaaji Yusuf , laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Jan 10,2017.
Waxaan kaloo u magacaabay, markaan arkay kartidooda iyo xilkasnimadooda:

1.Mudane Khadar Guun Jaamac Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ee North America, horena u ahaa Madaxa wacyi gelinta iyo abaabulka laanta Toronto.
2.Mudane DR. Maxamuud Ducaale Afhayeenka Canada, horena u ahaa Afhayeenka Laanta Toronto.
3.Mudane Mustafa Cabdi Ismacil Daanshood Afhyeenka USA, horena u ahaa Gudoomiyaha Dhalinyarada ee USA.
4.Mudane Cabdikarim Ugaas Cabdilaahi Gudoomiyaha Garabka dhalinyarada Xisbiga Kulmiye ee Canada, horena u ahaa gudoomiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga Kulmiye laanta Toronto.
Waxaan ka codsanayaa xubnaha iyo guddiyada USA iyo Canada ee Xisbiga Kulmiye inay si hufan ula shaqeeyaan Madaxdaa kor ku xusan, iyagana waxaanu u rajaynaynaa in Ilaahay ku garab galo xilalkaas . Magacaabista xilalkaasi waxay dhaqangalaysaa taariikhda la magacaabay ee kor ku xusan, xil-gudasho fiican.
Alla Mahadle

Gudoomiyahay Xisbiga Kulmiye ee North America
 
Mustafa Cabdi Cartan


Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS