MAHADCELIN Dhamaan Ehelkii Marxuun Mohamed Salah Haji Hassan (Aniis),

0
11 January 2017 10:00 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAHADCELIN Dhamaan Ehelkii Marxuun Mohamed Salah Haji Hassan (Aniis),

    MAHADCELIN Dhamaan Ehelkii Marxuun Mohamed Salah Haji Hassan (Aniis),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAHADCELIN Dhamaan Ehelkii Marxuun Mohamed Salah Haji Hassan (Aniis),

ASC, Aniga oo ku hadlaya Magaca Reer Haji Hassan Ahmed iyo Kan reer Xaji Ali Guhaad,oo uu ka baxay Marxuun Mohamed Salah Haji Hassan (Aniis), waxaan halkan ugu mahadcelinaya Asxaabta, Ehelka, Madaxdii, Qaraabada, Warbaahinta, Bahda Waxbarashada iyo dhammaan dadkii Soomaaliyeed, ee Tacsida iyo tiiraanyada nala wadaagay, aaskii marxuumka nasiibku u siiyey inay ka qaybgalana oo meelo dhaadheer uga yimaadaan, intii nasiibka u weyday, intii telefoonka nagula soo xidhiidhay, intii social network farriimaha soo galiyey. Mowjaddii dadka ee murugada iyo wakhtiga adag nala wadaagay, Waxaan Illaahay ka rajeynaynaa inuu ducadiina aqbalo oo marxuumka u fududeeyo su'aasha, qabrigana u waasiciyo Aamiin.



Runtii walaalkayo Aniis Salah Hassan, waxaa noo caddaatay inaanu annaga qudha naga bixin, murugadu anaga qudha ku koobnayn. Waxaanu cid walba u ballan-qaadaynaa inaanu legacygiisii, dabaciisa, dad la socodkii sii wadi doona. Kollaba annaga oon buuxi karin kaalintiisii, isku dayi doono inaanu wax walba ka horreysiin doono dhaqashada dadka, marnaba magacaa uu ka tegay ka ilaalin doono waxyeelo. Illaahay miisaanka xasanaadka ha idiinku daro, ducadiina iyo tacsidiina.

Mustafa Salah Haji Hassan.
London UK

LATEST NEWS