Faallo: Doodaha Muddo Kordhinta iyo Xisbiyada -

0
Wednesday 11th January, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Doodaha Muddo Kordhinta iyo Xisbiyada -

    Faallo: Doodaha Muddo Kordhinta iyo Xisbiyada -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo: Doodaha Muddo Kordhinta iyo Xisbiyada - Xukuumaddu waxay kordhisteen muddo ku dhaw laba sannadood, muddo-kordhinahaas may tilmaamayn qodobada uu dastuurku sheegay


Tan iyo intii Somaliland dhidibada loo taagay, marxaladado iyo xukuumado kala xaalado ah baa xukunka soo qabtay. Wixii ka dambeeyay maalintii dastuurka Somaliland loo codeeyay 2001dii loona soo gudbay Xisbiyada badan iyo dimuqraadiyadda waxaa isasoo tarayay fulin la’aanta qodobo badan oo dastuurka ah, qodobada uu ka kooban yahay dastuurkeenu mid kaad eeg-taba sidiisii looma fulinin ee waa la jabiyay. Uma socdo inaan ka hadlo qodobada uu ka kooban yahay dastuurka ee la jabiyay ee waxaan u socdaa inaan wax ka idhaahdo sida xukuumadda markaa talada haysaa ay u adeegsato qodobka muddo kordhinta ee dastuurka ku xusan iyo sida ay xisbiyada mucaaridka ahi uga fal-celiyaan muddo kordhintaas.

Xukuumaddu waxay



kordhisteen muddo ku dhaw laba sannadood, muddo-kordhinahaas may tilmaamayn qodobada uu dastuurku sheegay in loo kordhin karo sida uu caddaynayo

 

(Qodobka 83(5) "Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto.

Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ba, kordhintan bilaa sababta ah way u khushuuceen oo way soo dhaweeyeen iyagoo ku dadka ku qancinaya inay dadweynaha u sawiraan sababo inta caqliga-lihi aanay ku qanacsanayn, guul-wadayaashuna u riyaaqeen. Markii qodobkan dastuuriga ah la jabiyay, xisbiyada mucaaridka ahi iyaga laftoodu aad ugamay qaylinin muddo kordhintaas sababtoo ah doorasho iyo inay Madaxweyne Siilaanyo oo la filyay inuu soo noqdo wakhtigaas teeramkiisa labaad diyaar umay ahayn inay la tartamaan.

Midda kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (CIRRO), isagu muddo kordhintan wuu la qabsaday oo isagaa bilaa-sharci ku-fadhiyay shan sanno oo dheeraad ah. Xisbigiisuga wuxuu iskaga faraxsanaa labada xil ee uu ugu adeegayo danaha xisbigooda. Waliba waxaana berigaas lagu xaman jiray inay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye gaashaan-buuraysi ahaayeen, maadaama uu saddexdii dhadhaar ee xukuumadda mid kamid ah ku fadhiyo isagu.

Aynu ku soo noqonno muddo kordhintan imika la hadal hayo iyo kala aragti-duwanaanshaha xisbiyada Qaranka. Horraantii sanadkii tagay ee 2016ka markii dalka Somaliland gaar ahaa gobolada galbeedka ah ay ku dhufatay abaartan ina haysa qeybteedii koowaad, oo dad badan oo ku dhaw 10 ku le’deen, xoolihiina ay ku idlaadeen isla markaana ay bilaabantay diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ayaa waxaa la soo jeediyay in la hakiyo diiwaan-gelinta oo cid walba ka hawl-gasho gurmadka abaaraha, waxaa ka soo horjeestay xisbiga WADDANI oo yidhi yaan la joojine hala wado. Kamay ahayn axmaqnimo sidaan isleeyahay anigu. Muddo bil ah ayaa la yara hakiyay oo haddana dib loo bilaabay.

Markii abaarta qeybteedii labaad ku dhufatay gobolada beriga oo ilaa imika haysa ayaa waxaa soo dhawaaday wakhtigii doorashada oo muddo ka yar saddex bilood hadheen ayaa waxay xisbiyada iyo komishanka doorashooyinku kulan ka yeesheen arimaha doorashooyinka iyo abaaraha. Labada xisbi mucaarid waxay codsadeen in doorashada dib-loo-dhigo oo muddo lagu daro halka xisbiga talada hayana uu leeyahay anaguna sharcigaanu ilaalinaynaa oo wakhtigeedii baan diyaar u nahay in la qabto. Komishankuna waxay yidhaahdeen anaga habkii iyo hannaankii doorashadu waa naga diyaar oo 20ka January Ayaanu bilaabaynaa kaadh baddalkii.

Aragtidayda xisbiyada mucaaridka ahi markay leeyihiin abaarbaa jirta ee qodobada dastuurka ee muddo kordhinta ha la raaco oo yaan wakhtigeedii la qaban, kama aha inay sharciga iyo dastuurka ixtiraamayaan ee dadweynaha abaartu saamaysay ayaa ah deegaanaday filayeen inay waxbadan ka heli doonaan wakhtiga codeynta, sababtaasayna ugu adkaysanayaan in doorashada dib-loogu-dhigo ilaa muddo cayiman. Markay xukuumaddu leedahay anaguna sharcigaanu ilaalinaynaa oo in wakhtigeedii la qabto Ayaan rabnaa kol haddii komishanku aanay waxba ka qabyo-ahayn doorashada ha la galo kama aha sharci ilaalin, cid ka jecel xukuumadda muddo-kordhin ma jirto ee waxay dadka tusayaan sawir ah anagu waxaanu rabnaa in doorashada wakhtigeeda aan la dhaafin halka mucaaridkuna uu ku adkaysanayo ha la kordhiyo, waxaanay rabaan dadka iyo xisbiyada muraacidka ah inay iska horkeenaan.

Haddaba waxaa halkaa ka bilaabmay in dhallinta kala taageersan xisbiygada qaranku ay aragtiyo kala duwan ka dhiibtaan arrinta cusub ee muddo kordhinta ah. Dhallinta taageersan xukuumaddu iyo xisbiga KULMIYE waxay ku an-dacoonayaan oo ay ku dhaleecaynayaan xisbiyada mucaaridka ah inay baqayaan oo ay doorasho diid yihiin. Qaar ka mid ah dhallintaasi waxay ku tilmaameen inay tahay ugub aan hore loo arag in xisbi mucaarid ahi uu muddo-kordhin dalbado. Halka taageerayaasha xisbiyada muraacidka ah ee UCID IYO WADDANI ay iyagu ku matalayaan filimka in sharciga iyo dastuurka loo hoggaan-samo oo la dib-loo-dhigo doorashada. Halka qaar kale oo kamid ah taageerayaasha iyo masuuliyiinta xisbigu ay KULMIYE ku eedaynayaa inaanu waxba isla hayn oo uu ka faa’iidaysanayo abaarta.

Waxaan ku soo gunaanadayaa in ay axsaabta qaranku dhammaantood u hoggaansamaan sharciga aynu dhigannay oo uu sal-u-yahay dastuurku. Haddii la kordhinayo iyo haddii la wakhtigeeda la qabanayana laga wada yeesho wada tashi iyo is-af-garad waafi ah. Dadka na laga daayo loollanka madhalayska ah.

Hadday axsaabta qaranka ka dhab-tahay in dadka abaaruhu saameeyeen wax loo qabto waa inay muxaafid iyo mucaaridba la yimaadaan nidaamkii lagaga bixi lahaa, waxna loogu qaban lahaa masiibooyinkan soo noq-noqonaya.

Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

Action50@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

LATEST NEWS