Madaxweynaha Gambia Oo Dhaar Ku Maray In Uusan Is Casilidoonin Illaa Doorasho Laga Qabto"

0
Thursday 12th January 2017 09:28:19 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Gambia Oo Dhaar Ku Maray In Uusan Is Casilidoonin Illaa Doorasho Laga Qabto"

    Madaxweynaha Gambia Oo Dhaar Ku Maray In Uusan Is Casilidoonin Illaa Doorasho Laga Qabto"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Gambia Oo Dhaar Ku Maray In Uusan Is Casilidoonin Illaa Doorasho Laga Qabto"

Hadal uu shacabka u jeediyay, madaxweynaha muddada xilka hayay, wuxuu sidoo kale muujiyay arrinta ku saabsan "faragelin dibadda kaga timaado Gambia".

Ciidamada Senegal oo diyaar u ah inay Jammeh meesha ka saaraan

Dowladda Gambia oo ka baxaysa maxkamadda ICC

Dhexdhexaadiyayaasha gobolka oo Nigeria ay hogaamineyso ayaa la filayaa inay Gambia gaaraan Jimcaha.

Waxay doonayaan inay ku cadaadiyaan inuu xilka ku wareejiyo Adama Barrow, si Gambia aysan qalalaase siyaasadeed u galin.

Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrka oo la kulmay Jammeh bartamihii decemberHogaamiyayaasha Galbeedka Afrka oo la kulmay Jammeh bartamihii december

Madaxweynaha la doortay Adama Barrow wuxuu sheegay in isbuuca soo socdo loo dhaarindoono xilka.

Mr Jammeh, oo horey u aqbalay in lagaga adkaaday doorashadii December, ayaa dib ka diiday, wuxuuna dacwad u gubiyay maxkamadda sare.

Wuxuu ku doodayaa in natiijooyiinka qaar ka mid ah la badalay, wax isdaba marinna la sameeyay.

Dalalka galbeedka Afrika oo ka arrinsanaya xaaladda Gambia

Madaxwaynaha Gambia oo qirtay in laga guulaystay

Balse guddiga doorashada wuxuu ku adkeysanayaan in natiijada ay sax tahay, balse ay jireen qaladaad yar.

Adama Barrow oo ah ganacsade ayaa si dirqi ah uga guuleystay madaxweynaha hadda talada haya.

Adama BarrowLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionAdama Barrow wuxuu horey u sheegay in badqabkiisa uu u baqaayo

Yaxya Jammeh ayaa jagada qabsaday 1994tii, waxaana lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan an aadanaha.

Laakiin Gambia waxaa ka dheceysay doorasho joogto ah oo lagula tartamay.




Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS