[Dib U Xasuuso Sanadkii 2013 kii] Heshiisyada shirkadaha Shidaalka ka baadhaya Somaliland isla galeen?‏ Qaybta 1aad, Q-2aad, Q-3aad .........FASHIL

1
Monday 16th January, 2017 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Dib U Xasuuso Sanadkii 2013 kii] Heshiisyada shirkadaha Shidaalka ka baadhaya Somaliland isla galeen?‏ Qaybta 1aad, Q-2aad, Q-3aad .........FASHIL

    [Dib U Xasuuso Sanadkii 2013 kii] Heshiisyada shirkadaha Shidaalka ka baadhaya Somaliland isla galeen?‏ Qaybta 1aad, Q-2aad, Q-3aad .........FASHIL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Dib U Xasuuso Sanadkii 2013 kii] Heshiisyada shirkadaha Shidaalka ka baadhaya Somaliland isla galeen?‏ Qaybta 1aad, Q-2aad, Q-3aad .........FASHIL

Qaybta 1aad.

Waxa aan rabaa in aan halkan ku iftiimiyo shirkadaha shidaalka ka sahaminaya Somaliland iyo sida guracan ee ay wax u maamulayaan iyo sida xukuumadda Somaliland ay ama uga aqoon la’dahay ama si badheedha ay isaga indho tirayso khaladaadka badan ee aan shuruucda caalamiga iyo xeer qarameedka distuurka Jumhuuriyada Somaliland midna ku salaysnayn.

Oodweyne Block saddexda shirkadood ee ka shaqaynaya sidee bay wax u kala leeyihiin. Lahaanshuha waa sida liisankan hoose ku qoran:


1. Genel 50%
2. Jacka 30%
3. PetroSoma 20%

Wax qaybsiga kor ku xusan Wasiirka macdantu wuxuu dadka ugu sharaxaa in ay tahay dhulka shirkad kastaaba inta ay baadhayso, Hadaba maqaalka hoos ku qoran, oo ah mid ay Jacka Resources Limited ay soo saartay markii ay Genel Energy ku wareejisay 50% lahaanshaha, si ka duwan sida Wasiirku u sharaxay ayey ku cadaynaysaa. Waxa jira wax loo yaqaan Farm-Outs iyo Farm-Ins oo ay isticmaalaan shirkadaha shidaalka baadhaa. Hadaba maxay yihiin Farm-Outs iyo Farm-Ins ? Labada magac waxa laga soo xigsaday qarnigii 19 caado shaqo oo ka jirtay carriga Maraykan-ka oo loo yaqaanay "Sharecroppers” oo ah Midho-qaybsi ama wax soo saar qaybsi. Taas oo ahayd qofku in uu beeraha qof kale uga shaqeeyo oo ka bacdina marka la iibiyo waxa soo baxa in la siiyo wax uu ku noolaado.

1. Farm-Outs :- waa is afgarad shirkadi shirkad kale ay liisankeeda wax soo saarka (production Licence) ay qayb (x%) ku yeelato, taas bedelkeeduna uu noqdo in ay shaqaadii qabato waxaana loo yaqaanaa af Ingriisiga "Earning Obligation” iyo in ay lacag bixiso.
Maxaa keena Farm-Outs ka? Waxa ugu weyn marka shirkadi rabto in ay khatarta kaga imankarta mashruucan ay yarayso (Risk Reduction) ama ay weydo kharash ku filan si ay wajibaadkeeda shaqo u gudato.

2. Farm-Ins:- Waa marka shirkad aan wax liisan ah ku lahayn aagga la baadhayo ay liisan ka iibsato shirkad liisan haysata.
Maxaa keena Farm-Ins ka? Waxayaabaha keena waxa ka mid ah
a) Marka shirkadi kharash ku filan haysato laakiin aanay haysan dhul ku filan oo ay wax ka soo saarto. Iyo shirkadda liisanka leh oo kharash yari ku dhacday laakiin dhul balaadhan haysata.
b) Marka ay shirkadi rabto in ay ka takhalusto liisanka sababo ay ka mid yihiin maamulkii sare oo is bedelay, shirkadii oo u aragtay in mashruucani kharash iyo wakhti badan ka qaadanayo, ama shirkadii oo la iibiyey (acquisition).

Hadaba labadaa nooc ee is afgrad markasta waxa khasab ah in Xukuumadda dalkeeda laga shaqaynayaa ay ansixiso (Government Approval). Sida hoos ku qoran Genel Energy waxa ay bixisay oo ay Jacka Resources siisay $700,000 (oo ah pro-rata share of back cost) iyo in ay shaqadii oo dhan qabato oo ay tuurta u ridato (Free-Carrying) jacka iyo PetroSoma bedelna ay u hesho 50% . Taasina waa FARM-OUT. Genel Energy ayaa Kharashka iyo shaqadaba 100% qabaysa.

PetroSoma oo uu Maxamed Yuusuf Leeyahay waxa ay 80% liisankeedii ka iibisay Jacka Resources Limited, Australia. Tani waxa weeye Farm-In oo sida kor ku qoran laba mid uun baa PetroSoma la soo gudboonaatay-in ay kharash ku filan wayday iyo in ay khasaare yarayni ku keliftay.

Hadaba hadii Oodweyne Block xaalkiisu sidaa yahay, Saraar Blocks na waa sidee? Saraar waxa ku wada jira Genel Energy iyo East Africa Resource Group oo 75% iyo 25% u kala leh sida ay u kala horeeyaan. Genel intii aanay soo gelin ciyaarta waxa keliya oo saaxada ka muuqday shirkaddii Asante oo kacday. Hadaba su’aasha ugu weyn ee ay Wasiirka iyo Ibrahim Maxamed Xasan diideen in ay ka jawaabaan waa Genel iyo East Africa Resaources keebaa soo horeeyey? xagee bay se isku guursadeen? Sida muuqata East Africa Resource ayaa liisankeedii 75% Genel ka iibisay oo la xanbaarsanyahay. Su’aasha kale waxa weeye kani Farm-Out iyo Farm-In wuu noqon karaa ee haddii uu farm-Out yahay Genel Energy imisay lacag bixisay? Yaase qaatay? Farm-In na wuu noqon karaa oo East Africa Resource, oo aynu ognahay cidda leh, in aanay lacag ku filan haysan laakiin ay faa’iido weyn u aragtay in ay hesho saami 25% ah oo aanay wax shaqo iyo kharash ahi iyada kaga bixin. Shaqada Sahanka, qodista iyo soo saarkaba 100% waxa qabanaysa Genel Energy.

Wasiirka iyo Ibrahim su’aalaha ah East Africa Resource Group Yaa leh? Yaa ka madax ah? Saldhigeedu waa xaggee waa kuwa ay ugu neceb yihiin? waxaanay kaga baxaan waa Norweygian.
Hadaba su’aasha reer Somaliland la rabo in ay is weydiiyaan waxa weeye Maxamed Yuusuf (Oodweyne Block) iyo Ibraahin Maxamed Xasan (Block SL-10B iyo SL-13), waa labada nin ee keenay shirkadaha shidaalkee, doorka ay ka ciyaareen iyo natiijada ay gaadheen waa maxay? Maxamed Yuusuf iyo Ibraahin
Labadan nin ee ninna Jinsiyad Ingriisa sito midna mid Norweyjiyan ah sitaa waxa ay ka faa’iidaysteen maamul xumada iyo dawlada tamarta daran iyo musuqmaasuqa ka jira Somaliland. Shirkadaha shidaalka marka liisanka la siiyo aag kasta (Block) waxa xukuumadda la siiyaa waxa loo yaqaano lacagta is afgaradka (Bonus money) taas oo laba wax loogu tala galay a) in wadanka horumarintiisa la geliyo b) in dadka degaanka la baadhayo iyana qayb horumarintooda ah la siiyo. Markaa Wasiirka Macdanta isaga ayaa lacagahaas Boonasku ku soo dhaceen oo wasaarada maaliyada laguma shubin. Maxamed Yuusuf (Oodweyne Block) iyo Ibraahin Maxamed Xasan (Saraar iyo Togdheer) waxa ay ka faa’iideen saami ah 20% Maxamed Yuusuf iyo 25% oo Ibraahin Maxamaed Xasan leeyahay oo Maxamed Yuusufna wuxuu samaystay shirkadda loo yaqaan PetroSoma Ibrahin Maxamed Xasanna wuxuu samaystay East African Resource Group oo ilaa iminka aanay jirin meel xarun u ah iyo cidda ka madaxda ah. Xukuumaduna ilaa iminka golaha wakiilada may horkeenin qandaraasyadii lala galay shirkadaha shidaalka. Xeerka qaranka ee u yaalla Somaliland wuxuu dhigayaa in qandraasyadaa ummadda iyo golayaaasha sharci dejinta la hor keeno. Waxa kale oo sharciyada caalamka, khaas ahaan kan Maraykanka iyo Midowga Yurubba, ay khasab ka dhigeen in wixii lacag ah ee la isa siiyeyna la sheego. Wasiirka macdantu, Xuseen Cabdi Ducaale, maxay ku dhacday in dakhliga ama mucaawamada wasaaradiisu ay soo hoyso in naanay ku dhicin wasaarradda maaliyada? Maxamed Xaashi Cilmi wixii uu isaga casilay wasaarada maliyaadda arrimahaasi sabab ayey u ahayd.
Waxa kale oo jira in waddanku aanu lahayn xeerar iyo siyaasad ku aadan Betroolka iyo Gaasta (National Oil and Gas Policy) taas oo had iyo jeer haday jirto loo adeegsado aasaas na u noqota hagidda siyaasad wanaaga Betroolka iyo Gaasta lagu maamulo. Iyana waxa jira xeerka sahaminta iyo soo saarka Betroolka (Exploration and Production act) oo wadan kasta samaysto intii aan waxbaba la baadhin. Taasna Somaliland kama jirto. Ma jirto wax diraasad ah oo lagu sameeyey sidii looga hortegi laha saameynta ay sahaminta, qoditaanka iyo soo saarida shidaalku yeelanayso dhulka daaqsinka ah, dad iyo xoolaba. Shirkadda ninka Somaliland uga masuulka ahi markii la weydiiyey diraasadda wuxuu ku jawaabay Ingiriiska ayey taallaa. Su’aashu waxa weeye Diraasadda ma Somaliland baa loogu tala galay mise Ingiriiska.

Waxa kale oo la ogsoonyahay cidda ay danta gaar ahi ugu jirta (Stake holders) ee arrintaa shidaalku ay aad u khusaysaa in ay tahay waa a) Dadka deegaanka iyo muwaadaniinta guud ahaan b)Dowlada dhexe iyo tan gobolada, Golayaasha sharci dejinta c)Shirkada shidaalka. Hadaba waxaa halkan ka muuqata in Somaliland laba nin ay keeneen shirkadaha shidaalka xukuumaduna ay si qarsoodi ah ula xaajootay iyada oo iska indha tiraysa xuquuqda muwaadinka degaanada ay khusayso iyo xeerka iyo sharciyada u dejisan dalka.

Xukuumaddu dadka deegaanada qaar waxay kula talisay in ay shirkadda la gar naqsadaan oo wixii ay xaq u leeyihiin ee ka maqan kala hadlaan. Taladan xukuumadu soo jeedisay waxaa kaaga muuqan karta in aanay xukuumadu masuuliyadi ka saarnayn shirkada shidaalka iyo hawsha ay wadaan. Waxa kale oo aad is weydiin kartaa xukuumadu miyaanay heshiisyo la gaadhin shirkadaha? Haddii xukuumada dadka deegaanka ay leedahay idinku shirkadaha la xaajooda miyaanay ahayn in ay dadka deegaanku heshiiskaba la saxeexdaan shirkada.
Su’aalaha iyo arrimahaa aan kor ku soo xusay waa astaamaha lagu garto xukuumad a) Taag daran. b) Aan aqoon u lahayn xeerarka caalamiga ah ee lagula macaamilo shirkadaha betroolka iyo macdanaha. c) in ay aayaha iyo xuquuqda muwaadinka ka door biday wixii miiska hoostiisa looga dhiibayo ee jeeb gaara ku dhacaya. Waad wada ogtihiin in bishii July wasiirka macdanta iyo biyuhu ku dhawaaqay in lacagtii horumarinta ee Shirkadauhu bixiyeen khasnada xukuumada lagu shubay! Su’aashu waxa weeye intii ka horeysay yaa hayey lacagta? Xaggay taalay? Ma akoon (Account) gaar ah oo Dahabshiila ayey taallay?

Bishii April 2013 waxa heshiis lagula galay shirkadda DNO oo Norway laga leeyahay waxa la siiyey Block 18 (oo iminka muran ka taaganyahay) lacagtii Boonaska (Bonus money or upfront payment) iyada meel ay ku danbaysay la garan maayo. Muwaadiniinta degan aagaasna waxay ka og yihiin iyo wax laga tashaday ma jiraan. Dadka maamulaya ee madaxda looga dhigayna waa dad la wato oo si gaar ah oo qaraabaysan loo magacabay dadka deegaankuna waxba kuma laha. Marka aad eegto Wasiirka Macdantu sida uu u maamulayo ama uu u hirgeliyo heshiisyada shirkadaha shidaalka, waxaa kaaga muuqanaysa in aanu aqoon u lahayn habka iyo dariiqada haboon ee loola macaamilo shirkada shidaalka, ama uu sidii isaga dani ugu jirto ee uu uga macaashi lahaa uu wax u qabto. Waxaanu ogyahay in aan cidi la xisaabtami doonin oo uu kalsooni buuxda ka haysto aqalka madaxtooyada, xulafo xooglena uu ku leeyahay.

Hadaba maanta oo lagu jiro qarnigii 21 weli eex, is cadaadis, xaq duudsi iyo hanti boob ayaa xukuumadda maanta jirta u tafa xaydatay. Waad wada ogtihiin oo ubixii dalka, waa dhalinyarada’e, tahriib ayaa u noqotay rejeda keliya ee ay qabaan. Marka la weydiiyo ee la yidhaahdo waar waad ku dhiman tahriibta ee iska joog! badankoodu waxay ku jawaabaan, "oo ma iminkaan nolol haystaa ama aan noolahay”! intooda badinina waa wax ka soo baxay dugsiga sare ama jaamacad. Horena waa loo sheegay oo waxa la yidhi xafladda sannad laha ah ee xukuumaddu qurba jooga u samaysaa iyana waxa ay dhalinyaro badan ku abuurtay cuqdad tixgelin la’aan ah. Markaa waxay ku hamiyaan marka ay warbaahinta ka akhriyaan ama TV ay ka daawadaan sidii ay u dhoofi lahaayeen ee marka ay fasax wadanka ku yimaadaan sidaas oo kale xukuumadu u soo dhoweyn lahayd. Taasina waxay u dhigantaa waalid caruurtiisii halaag ku dhiiri gelinaya. Waxa kale oo iyana jirta kuwa iska jooga ee dhulkooda aamina haddii aanay xidhiidh sare ama qaraabo la lahayn dad sare in aanay ku guulaysan in ay shaqo helaan.

Wa Billaahi Towfiiq.

Maxamed Axmed Saxar

Qaybta-2aad
Heshiisyada Shirkadaha Shidaalka Ka Baadhaya Somaliland Isla Galeen- Qaybtii 2aad.

Maqaalkaygii hore waxaan ku gorfeeyey sida shirkadaha shidaalka ka sahaminiyaa Somaliland ay wax u kala qaybsadeen iyo sida wax loo kala iibsaday. Shirkadaha aan ku soo qaatay ee aan ka hadlayna waa Genel Enegy oo ah tan ugu weyn uguna dhaqaalaha roon, Jacka Resources iyo labada shirkadood ee yaryar ee dilaalintu samaysteen, PetroSoma iyo East Africa Resources. Waxan filiyaa muwaadaniinta akhristayaasha ahini way ka dheregsan yihiin sida qarsoodida ah ee xukuumadan ay doorteen wax u maamulayso. Arrintan xisbiyada mucaaradka ahina kuma ceeb la’a oo intii Riyaal haystay iyo iminkaba kama ay hadlin. Riyaale intii uu haystay UCID kama hadlin oo sida ay caado u leeyihiin madaxda UCID iyagu waxay jecelyihiin shakhsi wax ka sheegid iyo dhaleecayn keliya aanay siyaasad iyo wixii xal ah ee ay hayaan ka hadal. Kulmiye isagu intii uu mucaaradka ahaa markiii horena kamuu hadli jirin, markii danbena wuxuu ku dadaalay kuna guulaystay in inta Daahir Riyaale joogo, markaas oo doorashadii madaxweynaha wax yari ka hadhsanyiihin, aan la bilaabin sahaminta shidaalka. Iyaga oo ku ballan qaadaya in ay hadhow dilaaliinta si fiican ula shaqayn doonaan. Arrintaasina sidii Kulmiye rabay ayey u dhacday, xeel siyaasadeenna way ahyd waanay beelaysnayd.

Hadaba akhristow haddii aad u malaynaysid ama aad is leedahay in shirkaduha warkooda iyo macluumaadkoodu intaasay ku eg yahiin war ma haysid.

Waxaa jirtaa iyana shirkad la yidhaahdo Ophir Energy. Ophir Energy waxaa la aas aasay 2004 hawsheeda shaqona waxay ku kooban tahay Afrika, bari iyo galbeedba. 21 hantiyood (Assets) ayey ku leedahay 10 maamul oo Afrika ah. Sahaminteeduna waxay u badantahay bad baadhista dhererka aad u hooseeya (deep water exploration), in kasto oo dhererka gaaban (Shallow water exploration) iyo berrigaba (Onshore) ay wax ka baadho.

Ophir Energy waxay Somaliland ku leedahay lahaansho liisan oo ah 75% xagga gobolka Saaxil isku xidhyada (Blocks) ah SL 9, SL 12 oo ballacoodu yahay 24,420 km2 (waa afar iyo labaatan iyo afar boqol iyo labaatan km oo laba jibaaran). Dhinaca badda hoosteedana dhererku waa 1, 425m ( waa kun iyo afar boqol shan iyo labaatan). labadaa isku xidh (Blocks) waa bad iyo berriba sida khariidu idin tusayso. Mareegta loo yaqaan Care2 petitionsite waxa lagu soo qoray in xukuumada manta jirta halkii ay khayraadka dalka ka daryeeli layd kana difaaci lahayd ayey kan ugu qiimaha hooseeya ka iibinayso (President Ahmed Siilaanyo and his government should be doing everything in his power to protect Somaliland resources; instead they are selling it to the lowest bidder.). Qandraaska lala saxeexday Ophir Energy wuxuu siinaya Somaliland saami dhan 2.5%, saamiga 97.5% kalena waxaa iska leh shirkado kale. Hadaba haddi aan kor ku soo qoray Ophir Energy waxay haysataa saami dhan 75% saamiga 22.5% ah yaa iska leh? Jawaabtu waxa weeye ninka la yidhaahdo Rashiid Mustafe Xaji Nuur. Waa dilaalka sadeexaad oo isna keenay Ophir Energy. Shirkadan waxaa xagga dhaqaalaha ka taageera Tokyo Sexwale oo ah siyaasi iyo maalqabeen South Afrikaan ah iyo nin British-Inadian ah oo maal qabeen ah oo loo yaqaan Lakshmi Mittaal.

Wadanki, inta aan baadhay ugu saamiga yaraa wuxuu ahaa Liberia oo saami dhan 5% faa’iido qaybsi u heshay. Iminka wadamada dunida sadeexaad waxa lala bartay qandraasyada faa’iido qaybsida (Profit sharing), waxaana ugu horaysay Indonesiaya. Faa’iido qaybsigu waa sharaxaad qurux badan laakiin faa’iidada imisa ayaa kaa soo gaadhaya.

Qaybta-3aad
Heshiisyada Shirkadaha Shidaalka Ka Baadhaya Somaliland Isla Galeen- Qaybtii 3aad.

Qaybtii 1-aad iyo tii 2-aad waxan ku soo qaatay sidii shirkadaha shidaalka baadhayey ay ku yimaadeen Somaliland Ciddii keentay iyo sidii ay shirkadahaasi dhowr jeer gacmo kale ugu wareegeen iyada oo shirkadii lala wareegay ama saami ka iibisay shirkad kale dakhli weyn oo faa’iido ku jirto ka helaysey. Waxa shirkadahaa ka horaysay shirkaddii TGS-NOPEC Geophysical Company (TGS) oo sahaminta cirka oo diyaarado loo adeegsaday samaysay heshiisna 2008 la gashay xukuumaddii Dahir Riyaale.

TGS macluumaadkii (Seismic Data) ay ka soo uruurisay dhulkii ay baadhay waxay ka iibisay shirkadaha shidaalka ee xiisaynayey in ay shidaal badhaan iyaka oo adeegsanaya maclumaadkaa (Seismic Data) ay ka iib sadeen TGS.

Hadaba manta si baahsan wargeisyada daneeya Tamarta iyo shidaalka waxay soo qoreen in Maxamed Yuusuf shirkaddiisii PetroSoma, oo uu 20% saami ah ku lahayd baadhitaanka shidaalka ee la isku yidhaahdo Oodweyne blocks-ga xayndaabyada (Blocks SL-6, SL-7, SL-10), uu 10% saamigiisii ka iibiyey shirkada Sterling Energy (eeg hoos 1,2,3,4,5). In lacag $2 Million dhan uu ku iibiyey iyo haddii howsha baadhitaanku rajo fiican yeelato uu $8 Million oo kale uu ka helaayo Sterling Energy.

Hadaba su’aalaha la is weydiin kara waxa weeye Somaliland ma leedahay sharciyo iyo xeerar u dejisan iibka noocan oo kale ah?

Had iyo jeer marka shirkaduhu wax kala iibsanayaan ama qaar la iibinayo xukuumadda dhulkeeda iibku khuseeyaa ama ka dhacayaa waa in ay ansaxiso iibkaa iyo wixii heshiis ah la isla gelaayo iibka ka dib. Taasina waxay ku imanaysa haddii wadankaasi sharciyo iyo xeerar u khaasa iibka noocaas oo kale ah oo weliba shirkado ajaanib ahina ku jiraan. Haddii kale waxay la mid tahay wax suuqa madow lagu kala iibsaday.

Marka hanti ma guuraan ah la iibinayo qofka iibinayaa haddii uu ku iibinayo lacag ka badan tii uu ku iibsaday xeerar cashuureedyada u dejisan caalamka intiisa badani waxay xukuumadahu saaraan cashuur loo yaqaan Capital Gains Tax. Cashuurtaasi waa 35% – 40%. Hadaba wadamada Afriki intooda badani malaha sharciyo iyo xeerar u khaas ah oo arrimaha khuseeya taasina waxay keentaa in aan wax dakhli ihi ka soo gelin inta badan ee ay shirkadahu iyaku kala faa’iidaystaan iyaga oo xukuumadana gidaar mugdiga ah u dhiibaya.

Tusaale ahaan, markii shikaddii Heritage ay Tullow ka iibisay hantideedii ay ku lahayd Uganda waxay ku iibisay $1.45 billion. Xukuumadda Ugandana waxay Heritage ku soo rogtay cashuur (Capital Gains Tax) dhan $404 oo milyan,.waa ~40%. Taas oo kalena waxay dhex martay xukuumadda Mozambique iyo Cove energy.

Gacmo kala wareejinta shirkada shidaalku ee Somaliland ka howlgelayey intoodii badnayd waxay dhacday intii xukuumaddi Dahir Riyaale wakhtigaasna cid ka hadashay ama daba gashay ma jirin. Arrimaha loo baahanyahay in la ogaado waxa weeye Maxamed Yuusuf (PetroSoma) iyo Ibrahim maxamed Xasan (East Africa Resource Group) inteebay liisanada ku iibsadeen? Markii ay Genel iyo Jacka saamiga ka iibiyeen imisa ayey ku iibiyeen? Ma la cashuuray? Waxa keliya ee warkiisa aynu haynaa waa in Maxmed Yuusuf Jacka 80% saami ah ka iibiyey, Ibrahim Maxamed Xasanna Genel 75% ka iibiyey isaga oo marka Asanti saami kulahaa. Laakiin wax la kala siistay lama oga. Tan keliya ee la ogyahay waxa weeyey markii Jacka ay Genel 50% samigeedi kaga iibisay lacag lagu qiyaasay $700,000 (todoba boqol oo kun oo doolar). Iibsigaa (Transaction) ma la cashuuray?

Maanta Maxamed Yuusuf 10% saami ah wuxuu ku iibiyey $2 Milyan isaga oo ka iibiyeyshirkada Sterling Energy. Tan ma la cashuuridoona?

Waxaynu wada ogsoonahay in kalfadhigii golaha wakiiladda lagu ansixiyey xeer cashuureed lagu tilmaamay in wadooyin lagu dhisaayo ummada reer Somalilandna si mugleh uga qayqaadanayso. Wadamada caalamka waxa lagu dhisaa waa cashuurta muwaadinka laga qaado.

Hadaba haddii aynu usoo noqono $2 Milyan ee Maxamed Yuusuf ka sameynayo Oodweyne Block haddi la cashuuro (40%) waa $800,000 (Sideed Boqol oo kun).

Hadaba Muwaadinka Reer Somaliland waxan weydiinaya $800,000 ma dhisi kartaa wadada Burco – Oodweyne? Lacagtani waa hanti gobol mar haddii xukuumad ummada in ay iyaga cashuur ka qaado mahee aanay chasuurta ay xaqqa u leeyihiin aan shirkadaha looga soo uruurinayn ama jeebka la gashanayo

Somaliland Mining Regulations ku waxay qorayaan in

1. Application fees or exploration permit or lease waa $164

2. Annual rent for an oil exploration permit per square Km waa $5 per square kilometer.

Hadaba marka dhulka sidaa loo kiraynayo dadka deegaanka maxaa ku soo noqda? Ama ma ka war hayaan in dhulkoodi la kireeyey oo shirkado laga kireeyey.?

Maxamed Axmed Saxar

Atlanta, GA

LATEST NEWS