[War Deg Deg Ah]:- Maamulka Xamar Oo Ku Dhawaaqay In Ay La Soo Wareegayaan Maamulka Hawada Somaliland Iyo Somaliya [Goorma Ayaa La Wareejinayaa?]

0
Thursday 16th February, 2017 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Deg Deg Ah]:- Maamulka Xamar Oo Ku Dhawaaqay In Ay La Soo Wareegayaan Maamulka Hawada Somaliland Iyo Somaliya [Goorma Ayaa La Wareejinayaa?]

    War Deg Deg Ah:- Maamulka Xamar Oo Ku Dhawaaqay In Ay La Soo Wareegayaan Maamulka Hawada Somaliland Iyo Somaliya Goorma Ayaa La Wareejinayaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:- Maamulka Xamar Oo Ku Dhawaaqay In Ay La Soo Wareegayaan Maamulka Hawada Somaliland Iyo Somaliya Goorma Ayaa La Wareejinayaa?


Maamulka Xamar ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in ay dhawaan la soo wareegi doonaan Maamulka Hawada Somaliland iyo Somaliya oo iminka ay si dhex ah gacanta ugu hayso Qaramada Midoobay.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Somaliya  Cali Axmed Jaamac (Jangali) ayaa sheegay in dhowaan adeegga maamulka hawada Soomaliya loo soo wareejin doono gudaha  Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku sugan magaalada Montreal ee waddanka Canada, halkaas oo uu kaga qayb galayo kulan laba maalmood soconaya oo ay leeyihiin masuuliyiinta adeegga duulista caalamiga ah oo ka kala socda waddamo gaaray ilaa 36.

Jangali ayaa sheegay in la diyaariyey dhamaan qalabka ay u baahan yihiin in howsha ay si rasmi ah ula wareegaan, balse ay jiraan howlo yar yar oo wali hadhsan.

Wasiirku waxa uu sidan ku sheegay Waraysi uu siiyey Idaacadda VOA mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumada Somaliland.


LATEST NEWS