UEFA Oo Magacawday Garsoora Dhex Dhexaadin Doona Kulanka Sida Wayn Loo Sugayo Ee Camp Nou Ku Dhex Mari Doona Kooxaha Barcelona Iyo Paris Saint-Germain.

0
Tuesday 7th March, 2017 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UEFA Oo Magacawday Garsoora Dhex Dhexaadin Doona Kulanka Sida Wayn Loo Sugayo Ee Camp Nou Ku Dhex Mari Doona Kooxaha Barcelona Iyo Paris Saint-Germain.

    UEFA Oo Magacawday Garsoora Dhex Dhexaadin Doona Kulanka Sida Wayn Loo Sugayo Ee Camp Nou Ku Dhex Mari Doona Kooxaha Barcelona Iyo Paris Saint-Germain.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UEFA Oo Magacawday Garsoora Dhex Dhexaadin Doona Kulanka Sida Wayn Loo Sugayo Ee Camp Nou Ku Dhex Mari Doona Kooxaha Barcelona Iyo Paris Saint-Germain.





Sports(Karin) Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa magacaabay garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka la wada sugayo ee Camp Nou habeen danbe ku dhex mari doona kooxaha Barcelona iyoParis Saint-Germain ee lugta labaad ee Champions leaque-ga wareegiisa 16 ka kooxood. kooxda ree France eeParis Saint-Germain ayaa si ka duwan xii ciyaareedyadii la soo dhaafay Camp Nou iskeenaysa iyada oo 4:0 hogaanka ku haysa waxaana la sugayaa jawaabta ay kooxda Luis Enrique bixin doonto kulanka Camp Nou.

UEFA ayaa shaaciyay in garsooraha ree Germany eeDeniz Aytekin uu dhex dhexaadin doono kulanka Barcelona iyo PSG wuxuuna 39 jirkani asal ahaan ka soo jeedaa dalka Turkey isaga oo qaatay dhalashada dalka Germany, wuxuuna ka tirsan yahay garsoorayaasha ka shaqeeya FIFA iyo UEFA si la mid ah garsoorka horyaalka Germany.

Garsoore Deniz Aytekin ayaa horeba u soo qabtay kulan ay Barcelona ciyaartay wuxuuna ahaa xili ciyaareedkii 2014/15 markaas oo ay Barca kulankii heerka groupyada ee Champions leaque-ga ay guul ka gaadhay ooxda APOEl, waxayna markale kooxda Luis Enrique isku dayaysaa in ay dhinaca kale u dhigto natiijadii ay Paris Saint-Germain 4:0 ugu soo xasuuqday kulankii Paris ka soo dhacay.

GarsooreDeniz Aytekin ayaa kulamada ay maamusho UEFA ee kooxaha Yurub ka shaqaynayaay tan iyo sanadkii 2012 kii wuxuuna ka mid yahay garsoorayasha ugu fiican. Laakiin garsooreDeniz Aytekin ayaa cadaadis wayn ku jiri doona kulanka Camp Nou iyada oo la filayo in u unoqon doono kulan aan waxba layskula hadhi doonin.

Barcelona ayaa doonaysa in ay noqoto kooxdii abid ugu horaysay taariikhda Champions leaque-ga ee ka soo kabsatay guuldaro 4:0 ah taas oo haddii ay samayso noqon doonta taariikh cusub oo lagu qori doono buugaagta taariikhda UEFA.



LATEST NEWS