[Sport]:-Monaco v Man City – Pep Guardiola Oo Kulankiisii 100aad Ee Champions League Doonaya Inuu City U Soo Saaro Wareega 8da

0
15 March 2017 07:54 in Wararkii Maanta by Xafiiska Sare
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Sport]:-Monaco v Man City – Pep Guardiola Oo Kulankiisii 100aad Ee Champions League Doonaya Inuu City U Soo Saaro Wareega 8da

    Monaco v Man City – Pep Guardiola Oo Kulankiisii 100aad Ee Champions League Doonaya Inuu City U Soo Saaro Wareega 8da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Monaco v Man City – Pep Guardiola Oo Kulankiisii 100aad Ee Champions League Doonaya Inuu City U Soo Saaro Wareega 8da

Kulanka: Monaco v Man City

Natiijadii Lugta Hore: Man City 5-3 Monaco

Garoonka:Stade Louis II

Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika


Manchester City inta ay gadaal iska fariisato ma difaacan doonto natiijadeeda lugta koowaad marka ay Monaco wajahayaan caawa iyagoo u tartamaya booska wareega 8da sida uu sheegay tababare Pep Guardiola.

Kooxda Man City ayaa ku garaacday kooxda reer France 5-3 kulankii lugta hore ee ka dhacay Etihad Stadium 21kii bishii Febraayo.

Monaco ayaa dhalisay 123 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, Guardiola ayaana aaminsan inay doqonimo tahay inay u ogolaadaan Monaco inay weerar soo qaado.

"Sida ugu fiican ee natiijo lagu difaacdo waa in goolal la dhaliyo” ayuu yiri.

"Marka ay koox dhaliso goolal badan oo aad kaliya ka fekereyso inaad kaliya difaac gasho, adigaa isdilay. Waa inaad isku daydaa inaad weerar qaado.

"Waxaan dhalinay shan gool iyadoo ay adkeyd in goolal laga dhaliyo. Waxaan isku dayi doonaa mar kale inaan goolal ka dhalino.”

Guardiola ayaa kulanka caawa ay tahay kulankiisii 100aad ee uu tababare ka noqdo Champions League.

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Monaco waxaa walwal ku haya taam ahaanshaha weeraryahankooda Radamel Falcao kaasoo shabaqa ka soo taabtay Man City lugtii hore ka dib markii ay jug soo gaartay.

Laakiin kooxda Faransiiska waxaa dhaawacyo si rasmi ah uga maqan Boschiluia iyo Carrillo halka Glik uu ganaax ku seegayo kulanka caawa.

Dhanka Man City waxaa dhaawacyo kaga maqan Gabriel Jesus iyo Ilkay Gundogan marka laga soo tago labadaas xiddig Pep Guardiola waxa uu heystaa koox taam ah uu ka soo xusho shaxdiisa iyadoo Kompany uu raadinayo inuu safto kulankiisii labaad tan iyo bishii November.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Monaco (4-4-2):Subašić; Sidibé, Raggi, Jemerson, Mendy; Silva, Bakayoko, Fabinho, Lemar; Mbappé, Falcao.

Manchester City (4-1-4-1):Caballero; Sagna, Stones, Otamendi, Clichy; Fernandinho; Sterling, De Bruyne, Silva, Sané; Agüero.

source:-laacib
LATEST NEWS