Yuusuf Garaad Ma Beddeli Doonaa Hab-dhaqankiisii hore ee Soomaaliland? W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Tuesday 21st March, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Garaad Ma Beddeli Doonaa Hab-dhaqankiisii hore ee Soomaaliland? W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Yuusuf Garaad Ma Beddeli Doonaa Hab-dhaqankiisii hore ee Soomaaliland? W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yuusuf Garaad Ma Beddeli Doonaa Hab-dhaqankiisii hore ee Soomaaliland? W/Q: Cali Cabdi Coomay Yuusuf Garaad Ma Beddeli Doonaa Hab-dhaqankiisii hore ee Soomaaliland? W/Q: Cali Cabdi Coomay

Dhaqamadiisii hore ee Soomaalilaan

Markii uu noqday madixii Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, Wuxuu hadh-cad shaqadii idaacadda ka dareeriyey 9 weriye, oo ahaa hal-doorkii suxufiyiinta Soomaalida kuwaasi oo kala ahaa: 1. Maxamuud Xasan (odaygii weynaa). 2. Maxamed Xaamud Sheekh. 3. Jawaahir Saleebaan Cilmi. 4. Mustafe Shaafi. 5. Maxamed Axmed Haydara. 6. C/laahi Xasan Fadal. 7. Saleebaan Barkhadle. 8. Shamsa Baybuuk. 9. Maxamuud Cabdi Cali (Ducaale). Wuxuu ku bedelay Aamina Muuse Weheliye, Maxamed Maxamuud Cadde iyo C/raxmaan Koronto oo dhammaantood ay isku reer yihiin. Markii uu xilka ka degay ayaa la weydiiyey sababta uu shaqada uga eryey suxufiyiintaasi, wuxuu ku af-gobaadsaday” waxa ay haysteen ruqsad dhamaanaysa, oo aan la cusboonaysiinayn, markaa anigu shuqul kumaan lahayn



tegitaankooda, waa wax iga horeeyey.”

 

Balse waa been cad oo aan beyd run ka ahayn, haddii ay daacad ka tahay muxuu bedelkooda si caddaalad ah ugu qaadan waayey weriyeyaasha uu ka dhigay reerkooda.Mudadii uu madaxa ka ahaa idaacadda laanta Af-soomaaliga ee BBC Yuusuf Garaad wuxuu ku kacay eex, qabyaalad iyo shakhsi jeclaysi. waxaana taasi markhaati cad u ah sidii uu weriyeyaasha uga qaadan jiray inta ay degto xaafadoodu. Bal eeg liiskan hoose ku qoran, waa suxufiyiintii uu gacantiisa ku qoray intuu xilka hayey.

1) Max’ed Maxamuud Cadde........ gobolka......Galguduud/ Koonfurta Soomaaliya

2) C/rahman Koronto................. gobolka....... Hiiraan/ Koonfurta Soomaaliya

3) Kaati Ciise.............................. gobolka........Galguduud/ Koonfurta Soomaaliya

4) Max’ed Ibraahim Macalimow...gobolka.... Banaadir/ Koonfurta Soomaaliya

5) Ahmed Cabdi Nuur...................gobolka...... Ceelbuur/ Koonfurta Soomaaliya

6) Farxaan Max’ed Jimcaale........ gobolka........ Hiiraan/ Koonfurta Soomaaliya

7) Max’ed Maxamuud Dhoore.... gobolka........Galguduud/ Koonfurta Soomaaliya

8) Yusuf Xasan............................ ..gobolka..........Galguduud/ Koonfurta Soomaaliya

9) Aamina Muuse Weheliye……gobolka……..Banaadir/Koonfurta Soomaaliya

Waxyaabihii shaqada BBC-da looga eryey

Yuusuf Garaad oo ahaa tifaftirihii laant af-soomaaliga ee BBC ayaa baadhitaan dheer iyo ashkatooyin badan oo lagu soo oogay ka dib, waxa lagu eedeeyey qoddobadan:

· Xil-gudasho la’aan dhinaca tifaftirka wararka ah, isagoo Somaliland iyo qabiilooyinka Soomaaliya wararkooda aan soo deyn jirin, oo hoosta dhigi jiray.

· Musuqmaasuq- wuxuu qoray Foojaro badan oo been abuur ah, kaasi oo uu ku qaatay lacag ka badan intii uu ahaa kharashka loogu talogalay

· Shaqaalaha idaacadda oo uu u kala eexday, qaarna soo dhawaystay, qaarna fogeeyey.

· Hoos u-dhac ku yimid tayadii iyo dhegaysigii laanta A-Soomaaliga ee BBC-da

· Shaqaalihii hore ee BBC-da oo qaarkood maxkamad ay isla-galeen, iyagoo ka cabanayey inuu qaab-xaafadaysan uga eexday kuwii ay isku reerka ahaayeen.

Macluumaadkan waxa I siiyey, suxufiyiin ka hawgeli jiray laanta Afsoomaaliga, oo haatan hawlgab ku ah Hargaysa, balse diiday in magacooda la xuso. Haddaba iyagoo madaxda BBC-du eegayso waxaasi oo dhan ee soo jiitamay ayaa Yuusuf Garaad loo soo jeediyey inuu is-casilo haddii kale lagu soo oogi doono kiis maxkamadeed oo madani ah. Sidaasina ayuu isku calisay. Maamul-xumadiisii iyo qaraabo kiilkii uu ka dhexwaday BBC-da waxa ay sababtay inay dareeraan hal-doorkii suxufiyiintii soomaalidu, taasina waxa ay keentay hoos u dhac weyn oo ku yimaada sumcadii iyo dhexdheaadnimadii idaacadda.

BBC ka dib Qoraalladiisa iyo Cadaawada Soomaalilaan

· Wuxuu hore xubin firfircoon uga ahaa is-bahaysigii ku caano-maalay cadaawada Somaliland oo uu aabo u ahaa C/risaaq X. Xuseen (AUN), Prof. Axmed I Samatar iyo Cali Khaliif Galaydh. Is-bahaysigaasi gabbalkiisii ayaa dhacay, ka dib markii Prof. Axmed I Samater ku biiray Somaliland oo uu ka noqday fikirkii Somaliweyn, halka Cali Khaliifna uu noqday dibad wareeg aan saldhig lahayn, ka dib markii ciidanka qaranka Somaliland cagta mariyeen saldhigii kooxda falaagada ee Khaatumo.

· Qoraalkiisii uu ku magacaabay "Somaliland ma jawaab ayaa ku waajibtay”, wuxuu af-lagaado kula kacay calanka Somaliland iyo xuska 18-ka May, isaga oo yidhi” ma aha midabada iyo naqshadaha calaamada, ujeedo badanka ah in lagu dawakho.” Wuxuu si dadban u caayey midabada calanka Somaliland ee shacabka Somaliland wejiyadooda ku xardhaan marka lagu jiro xuska sannad-guurada maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May.

· Markii Prof. Axmed Ismaaciil Samater uu ka soo quustay fikirkii soomaaliweyn ee uu Somaliland qaddiyadeeda aaminay, ayuu Yuusuf Garaad haysan kari waayey siduu uga xun yahay shakhsigan miisanka leh, waxaanu ku calaacalay " Prof. Samatar waa nin balaadh oo hadal yaqaan ah, balse waa la kasban kari waayey.” Yacnihii waxa dayacay dawladda Soomaaliya oo ahayd inay khasbato. Haddii uu daacad ka yahay muxuu u odhan waayey, maxaa ku kallifay Prof. Samatar inuu ka noqdo fikirkiisii oo u tallaabo Somaliland?. Qoraalkiisa markaad eegto, waxa ka buuxa calaacal, cabasho iyo ciil uu ka qaaday shakhsigaa isku darsaday codkarnimada iyo aqoonta.

· Mar kale markii uu Buubaa waraysi bixiyey ee uu ku sheegay inuu saluugay oo ay socon weyday fikirkii Fadaraalku wuxuu soo bandhigay qoraalkiisii uu caanka ku noqday ee ku salaysnaa cadaawaada Somaliland, wuxuu qoraalkiisa ciwaan uga dhigay” Buubaa oo calankiisa Bedelay.” Wuxuu ka waramay mid ka mid ah kulanadii uu la qaatay Buuba, ka dibna wuxuu ku soo af-meeray ha lagu ixtiraamo fikirkiisa. Haddii aanu ka xumayn oo ay caddaalad ka tahay muxuu ugu hadli waayey sababta Buubaa ku dhalisay inuu ka quusto dawladda Soomaaliya?, maxaa daba-dhigay shakhsi kasta oo fikirkiisa bedelay oo noqday Somalilander?. Dhammaan arrimahaasi waxa ay muujinayaan inuu Somaliland u hayo cadaawad qoto dheer oo aan la garanayn meel uu kala qaaday, balse Somaliland waxay leedahay aqoonyahano mar kasta u diyaar ah inay ka difaacaan ciddii gefka kula kacda.

· Waxa la yidhi” Meyd waxa u dambeeyey kaa la siisido” Wuxuu qoraal kooban dhigay Bartiisa Facebook oo uu ku sheegay hadal sidan u dhignaa” Ma ogtahay dhulka Somaliland waxaa ka sii weyn qiyaasta badka badda ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kiiniya” bal eeg wuxuu isla-doontay khilaafka Soomaaliya iyo Kiiniya ee ku salaysan Badda u dhexaysa labadaa dal, maxaa Soomaalilaan ka khuseeya, xittaa xidhiidh kama dhexeeyo arrimaha uu qoraalka ku daray. Waxa keliya uun waxa weeyi inuu Soomaalilaan wax kasta oo walaaqan la doonto. Hadda la soco markii ay Muqdisho ku dagaalameen ciidankii Itoobiya iyo kuwii maxkamaduhu wuxuu qoyskoodii oo hooyadi kow ka tahay keenay Hargaysa, waanay ku noolayd, oo nabad ayey ku heshay, hadana wax abaal ah uma hayo meeshaasi uu qoyskiisii keenay. Waa Abaal laawe aanay qalbigiisa ka bixin cuqdada uu Soomaalilaan u hayo.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

calicoomay@hotmail.com

LATEST NEWS