Maamulaha Shirkadda [DAHAB-SHIIL GROUP] Oo Waraysigii Ugu Qiimaha Badnaa Lala Yeeshay Iyo Qodobada Diiradda Lagu Saaray... Maxaa Ka Mid ah? [ Ka Eeg Gudaha]

0
Monday 3rd April 2017 14:58:44 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulaha Shirkadda [DAHAB-SHIIL GROUP] Oo Waraysigii Ugu Qiimaha Badnaa Lala Yeeshay Iyo Qodobada Diiradda Lagu Saaray... Maxaa Ka Mid ah? [ Ka Eeg Gudaha]

    Maamulaha Shirkadda [DAHAB-SHIIL GROUP] Oo Waraysigii Ugu Qiimaha Badnaa Lala Yeeshay Iyo Qodobada Diiradda Lagu Saaray... Maxaa Ka Mid ah? [ Ka Eeg Gudaha]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulaha Shirkadda [DAHAB-SHIIL GROUP] Oo Waraysigii Ugu Qiimaha Badnaa Lala Yeeshay Iyo Qodobada Diiradda Lagu Saaray... Maxaa Ka Mid ah? [ Ka Eeg Gudaha]


London (Karin) Waraysi gaar ah oo idaacadda VOA qaybteeda afka soomaaliga ee dalka ingiriiska la yeelatay maamulaha shirkadda dahabshiil cabdirashiid maxamed siciid waxaa wax lagaga waydiiyay sida ay abaaraha iyo aafooyinka ka dhaca dhulka soomaalida iyo geeska afrikaba uga qayb qaataan, waraysigan oo inta badan diiradda lagu saaray muhiimadda shirkadda dahabsiil u leedahay dadka soomaalida ah ee dhulalka kala duwan dega, waxaana waraysigaasi u dhacay sidan :-






S.  Dhawaan waxaad la kulantay qaybaha kala duwan ee bulshooyinka ku nool dalka ingiriiska iyo madax ka tirsan dawladda dalka ingiriiska waxyaabaha aad ka wada hadasheen ma noo faah faahin kartaa?  


J. Horta runtii sidaad la socotid waxyaabaha ugu waa wayni waa abaaraha dhulkii soomaalida saamaynta wayn ku yeelatay in kastoo meelaha qaar roob laga sheegayo hadda hadana runtii khatarka jirta wali meelo ama gobolo badan oo dhulkii soomaalida ku yaala aad bay u xun tahay dadka dibadda jooga ama soomaalida qurbaha joogta waddankooda inay mar walba caawiyaan diyaar bay u yihiin ha'ayado badan oo wakhti geliyay si ay lacago ugu ururin lahaayeen oo umaddii ugu diri lahaayeen ayaa jira markaa haddaanu nahay dahabshiil mar walba wixii umadda u dan ah ayaanu soo dhaweynaa dadkaa dhalinyarada ah ee waddankii caawinaya qaar badan oo aan la kulmay xubno kala duwan oo ma aragtaanay jaaliyadda waddanka degan waan la kulmay dad ajanabi ahna waan la kulmay . 

S. Markaa ma waxaad ula jeedaa waxyaabaha dhamaan dadka aad kala hadasheen waa inaad ugu baaqdaan inay qayb ka qaataan abaaraha xiligan ka jira geeska afrika?


J. Abaaruhu waxay ahaayeen qodobada ugu waawayn ee aanu ka hadlayn maxaa yeelay abaaruhu dee waynu ognahayoo waxay hadda maraysa meel aad u xun gobolada qaar markaa in mar walba dadka laxasuusiyo oo la yidhaahdo maxaad qaban kartaan ama sidee uga qayb qaadan kartaan waa muhiim dadka qurbaha jooga waa dad waddankoodii jecel waa dad dadkoodii jecel laakin mararka qaarkood dad baa jira aan warkii oo dhan wada haynin oo noloshoodii caadiga ahayd ku mashquula ama hadii ay shaqo yihiin shaqo ku mashquul ah ama haddii ay faamil yihiin faamilnimadoodi ku mashquul ah markaa in mar walba la xasuusiyo oo la yidhaahdo wixii aad qaban kartaan ayaanu idinkula talinaynaa waxaan u arkaa inay muhiim tahay.


S. Muddo badan ayaad ka shaqeynaysaan guud ahaan afrika gaar ahaana dhulka soomaalidu ay degto ilaa hadda wax gacan ah oo aad ka geysateen abaaraha ma jiraan, haddii se ay jiraan ma noo faah faahin kartaa?


J. Runtii abaarahani muddo iminka dheer bay hadda socdeen lix bilood iyo dheeraad bay meelaha qaar ka socdeen siyaabo kala duwan ayaanu uga qayb qaadanay qaar aanu lacag iyo raashin kaga qayb qaadanay waa jiraan dhawaan gobolada abaaraha aadka looga soo sheegay dad ku dhinteen lacag baanu ugu deeqnay waxaan odhan karaa lacag ilaa milyan iyo badh gaadhaysa bay maraysaa 1.5 Milyan dolar bay maraysaa lacagaha samafalka iyo abaaraha aanu ku bixinay mar walbana diyaar baanu u nahay wixii aanu geysanayno sidaas awgeed baanu soomaalida qubaha joogta ama ha'ayadaha caalamiga ah ama dawladaha caalamiga ah aanu mar walba iyaga laftigooda aanu leenahay maxaanu idinla qabana si dadkaa gaajoonaya ama dhibaatoonaya ad u caawisaan ha'ayado bada runtii dahabshiil way isticmaalaan ma aragtay abaaraha ka shaqeeya markaa dadka qurbuhu waa muhiim ee tv ga ama idaacada inaga maqlaya ee iaga dhagaysanaya in qof walba wadada uu dadkiisii ku caawin karayay uu ku caawiyo waa muhiim .


S. Gar-gaarka marka aad fidisaan yaad u gudbisaan ha'ayadaha idin la shaqeeya ama een hadii idinka laftarkiina aad goob joog u tihiin goobaha aad gar gaarka gaadhsiinaysaan sidee ku hubisaan gar-gaarka aad u fidisaan dadka soomaalida ah sidii loogu tala galay inuu u gaadho?

J. Waa sax walaal sidaad u sheegtay goobaha qaar anaga ayaaba joogna haddii aanu nahay dahabshiil dee waad ogtahayoo dhowr boqol oo laamood baa dahabshiil ku leeyahay waddanka gudihiisa ama hadii somtel iyo EDAHAB iyo dahabsiil group laga hadlayo ka tirsan dhamaantood qayb bay ka yihiin arimaha samafalka ee aanu qabano waxaa kale oo aanu la shaqenaya guddiyada dawladuhu sameeyeen ama shacabka caadiga ah ay sameeyeen ee goboladaa kala duwan abaaraha culayska saaraya markaa runtii mid kasta culays baanu saarnay in dadka hawshaa qabanaya ay yihiin ciddii umadda wax u qabanaysay ee daacadda u ahaa ee dadkaa gaajoonaya ee dhibaataysan ee biyo la'aantu hayso gaadhsiinaya qasab marka dahabshiil ka goboladaa joogaa isaga ayaa la shaqeeya oo la hubiya in wadadii saxda ahayd ama dadkii baahnaa la gaadhsiiyay.

S. Dalalka qurbaha dad fara badan oo soomaali ah ayaa gacan ka gaysanaya in abaaraha ka jira soomaaliya ay u gurmadaan marka ay idiin yimaadaan qiime dhimis miyaad u sameysaan mise sidii hore ayaad ula macaamishaan xiligan marka ay lacagaha u dirayaan soomaaliya ?

J. Runtii waxaanu markasta sameynaa markay dhibaato dhacdo markii ugu horeysay ee abaaruhu dhaceen ama daadad fara badan runtii dhulkeena way soo maraane waxaanu isku daynaa guddiyadaa ay dadku sameysteen ee umaddii oo dhan u adeegaya inaanu kuwaas lacagtii loo dirayo ama khidmadda ka dhino ama free uga dhigno lacag la'aan.

S. Inta badan markay abaaruhhu dhacaan waa la gurmadaa wixii la qaban karo in dadku qabtaan ayay aad iskugu taxalujiyaan qorshaha ma idinku jirtaa inaad gacan ka geystaan sidii lagu heli lahaa tusaale ahaan goobo lagu kaydiyo biyaha ama ceelal mararka qaarkood la dhihi karo waxa looga hortagi karaa biyo la'aanta baahnsan ee ku soo noq noqonaysa dadka soomaalida ah?

J. Waa su'aal muhiim ah oo u baahan feker badan oo dawlaha iyo ganacsata ama ha'ayaduhu iska kaashadaan maxa looga hortagi karayaa ama looga diyaar garoobi karayaa abaarahan soo noqnoqonaya waa mid talo bada u baahan iminka anagu dahabshiil ahaan waxaanu culayska saaraynaa dhibaatada hadda jirta ee biyo la'aanta waayo iminka dhimshada xoolaha iyo dadka waa jiraan inaanu dadkaa caawino wee deg dega ah waa mid aanu u aragno inay sax tahay laakin waad u sax san tahay sidee looga hor tagi karaa abaaraha soo noqnoqonaya
LATEST NEWS