BBCdu Ima Barri Karto Wax Baal-marsan Qadiyada Somalilandnimo, Qalinka: DP: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

0
Wednesday 5th April, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BBCdu Ima Barri Karto Wax Baal-marsan Qadiyada Somalilandnimo, Qalinka: DP: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

    BBCdu Ima Barri Karto Wax Baal-marsan Qadiyada Somalilandnimo, Qalinka: DP: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BBCdu Ima Barri Karto Wax Baal-marsan Qadiyada Somalilandnimo, Qalinka: DP: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Soomalida Ku Maah-Maahda (Nin Geed Gali Jirey, Looma Galo), Waxaan ka wadaa ama aan uga gol leeyahay Warbaahinta Maqalka ah Ee Caalamigaa magaceeduna yahay (BBC) ayaa soo qaadatey barnaamij lagu tir-tirayo ama lagaga masaxayo dhalinyarada reer Somaliland Qadiyadooda gooni-isu-taag yadoo la adeegsanayo DHalaanku mey ogayn jabkii dhacey iyo jibaadkii layska xoreynayey, Markaa waxaan ugu horeyn leeyahay waxaydaan xisaabta ku darsan in nin gabaadka yaqaan aan loo gabisin.

 

Anigoo ka turmaya dhamaan bah-weynta dhalinyarada reer Somaliland meel kastooy joogaan yagoo ah 70% bulshada Somaliland, waxaan soo gudbin doonaa ama cabirri doonaa dareenkooda iyo shucuurtooda ku aadan Qadiyadda Somalilandnimo, Iyo waxay dhalinta cusubi ka aaminsan yihiin waayo dadka badan baa ku xisaabtamaya in la qaldi karayo dhalinyarada haday yihiin kuwa Soomaaliya Iyo Kuwa Somalilandba, Laakiin aragtidaasi waa mid liidata oon u kuur-galin waaqaca iyo sida ay umad walba sooyaalkeeda isugu dar-daarto si loo xafidnaado, Sababtuna waxa weeyaan umad waloo dunida ku uumaniba markay dooneyso iney is ogaato ama is baadho waxay tahay ( Labka) ama shaybaadhka ay isku ogaaneysaa waa sooyaalkeeda.

 

Sidaa darteed waxaan ogeysiinayaa cid kastoo isku dayasa iney Majara-habaabiso hayaanka iyo taariikhda cad ee uu leeyahay dalkan Somaliland waxaan u sheegaynaa in aaney waxyaabahaasi ka soconayn, kuwani oo taargatkoodu yahay dhalinyarada sidey u duufsan lahaayeen yagoo ku hawl-galaya dhalintu ma fahansana mana oga wixii dadkoodu u muteen xornimada iyo wadaniyada lagu naaloonayo, Umad ahaan hadaanu nahay reer Somaliland waxaan aragti ahaan iyo manhaj ka dhiganey Sooyaalkii reer Somaliland soo mareen markaa lagama yaabo in si fudud loo kala fur-furi karo, tani waa mid ay dhamaan umada Somaliland ka siman tahay xaga ku adkaanshaha qadiyada ama gooni-isu-taaga dalnimada hanaqaadka leh een ku dhadhabeyno.

 

Waxa curtey mudooyinkan dagaal ka dhan ah Somaliland kaasoo ku jihaysan qadiyada dawladnimada yagoo bar-bar dhigeya ama ku tiraabaya kaarto kaga dhaadhicinaya dhalinta reer Somaliland, waxay bilaabeen madal lagu muransiinayo dhalinyarada labada dal ka soo kala soo jeeda waxaaney ku sheegaan waa barnaamijka dhalinyarada, balse waxa daahan xog-qarsoon oo ku tacaluqa majara-habaabinta dhalaanka waxa ku cusub waxaa ka mid ah in dhalinyaradu ay walaalo yihiin wada dhashey, Arimahaasina waa kuwii lagu qaldey aabayaashayo iyo awowyadeyo oo run moodey dagitaankii wala-weynta ilaa ay dhayaahooga iyo miirkoodaba ku soo dhugteen wacaasha loogu tala-galey in lagu aaso jiritaanka soomaalidii waqooyiga ee dawlada weyn lahayd.

 

Fariintani waxay si dhaba u taabaneysaa laanta af-soomaaliga ee Idaacada Bbcda oon ugu quus-goynanaa in aan lagu qaldi Karin dhalinyarta reer Somaliland taariikhda marin-habaabinta ee lala beegsanayo baabiinta waxay mujaahidiintu u halgamayeen, Dhalinyarada Somaliland waa dhalin ku qalabeysan sooyaalkii umadooda miisaar ahaan lagama yaabo in sida wax loo wado looga faa,iideysto waayo wey soo jeedaan lamana daggi karayo, Idaacadan Bbcda waxaan leenahay hadaan joojin weydaan camaaluqaadka aad ku wadaan wadanka Somaliland waxa la bilaabi doonaa barnaamijyo lagaga hor-yimaado laanta Bbcda, Markaa intaaney karaamadeeda seegin laatani waa iney garataa ooy joojiyaan dalalka iyo dadka ay isu dirayaan ee ay ku soo faqayaan wixii la ilaawey.

 

Hadaanu dhalinyarada Somaliland nahay waan soo jeednaa waanan aragney xaqiiqda loo soo marey dawladnimada Somaliland iyo xanuunkii halganka, sidaa awgeed waa kuwa dareemaya oo ka damqanaya cidii dureysa qadiyadooda, gooni-isu-taagooda, dawlanimadooda iyo hour-socodkooda, Markaasi Bbcdu ku daggi mayso barnaamij fajiya oo kala fogeeya dhalinta iyo dawladooda, mana aha qaar ay ku socodsiin kareyso waxyaabaha qandaraaska ah eey ku qaateen isu dhaweynta labada dal, laakiin waxaaney ogeyn in dhalintu bislaatey ooy baraarugsan tahay isla markaana wey difaacan karayaan himiladooda markaa ku quuso Bbc Qalin daartoy.

 

Qalinka: C/rxamaan Sayid Faarax (Jeesto)

 

Diplomatic Annalysi


LATEST NEWS