Dal Durtaba Bilaabay Inuu Hawlaha Shaqo Ee Caafimaadka Dalkiisa Uu Diyaarado U Adeegsanayo iyo Dalka Uu Yahay [Waa kuma?]

0
Friday 7th April 2017 07:00:00 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dal Durtaba Bilaabay Inuu Hawlaha Shaqo Ee Caafimaadka Dalkiisa Uu Diyaarado U Adeegsanayo iyo Dalka Uu Yahay [Waa kuma?]

    Dal Durtaba Bilaabay Inuu Hawlaha Shaqo Ee Caafimaadka Dalkiisa Uu Diyaarado U Adeegsanayo iyo Dalka Uu Yahay [Waa kuma?]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dal Durtaba Bilaabay Inuu Hawlaha Shaqo Ee Caafimaadka Dalkiisa Uu Diyaarado U Adeegsanayo iyo Dalka Uu Yahay [Waa kuma?]



Switzerand (Karin) Laba cisbitaal oo ku yaala dalkaasi Switzerland ayaa bilaabay inay adeegyadooda caafimaad u adeegsadaan diyaaraddaha aan cidi wadin ee Drones ka loo yaqaano, kuwaas oo isaga gudbi doona goobaha caafimaadka ee ay ka hawl geliyaan iyo xarumohooda.

Waxaanay diyaaradahani qaadi doonaa dhiigaga iyo dawooyinka, iyaga oo geyn doona goobaha laababka ah ee lagu baadhaayo iyo goobaha Farmasiiyadda ah ee dawooyinka lagu iibiyo.


Khubaro u hadlay cisbitaaladan oo u waramaayey wargeyska Telegraph oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in xaaladaha deg dega ah ay u fiican tahay diyaaraddani, iyada oo waqti yar oo kooban lagu geynaayo alaabooyinkaasi meeshii loogu talo galay.

Waxa ay sheegeen inay diyaaradani ka caawin doonto dawooyinka iyo dhiigaga oo xaaladaha qaar ay si deg deg ah ugu baahan yihiin, gaar ahaana markay meelaha cisbitaalada ka fog joogaan.




Qaliinada ayay sheegeen in sidoo kale aad loogu isticmaalaayo , madaama oo dhiiga iyo dawooyinkuba xaaladaasi yihiin kuwo aad loogu baahan yahay.

Dawlada Switzerland ayaa iyaduna tijaabo ku samaysay diyaarad Drone ah , iyada oo lagu qaaday dhiig iyo kaadi, iyada oo loo kala gudbinaayey cisbitaalada magaalooyinka Lugano iyo Canton .

Waxaanay diyaaradahan yar yari yihiin kuwo aad u dheeraynaaya , iyaga oo saacaddii jaraaya masaafo dhan ilaa 36 km,waxaanay sidoo kale qaadayaan culays dhan ilaa 1 kg.

LATEST NEWS