[Top News] Khubaro Ogaatay In Dadka Waxa Horumarka Kala Dagaalama Uu Yahay Shay Qof Kastaaba Ka Cabto Iyo Waxa Uu Yahay

0
Friday 7th April 2017 07:05:00 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Top News] Khubaro Ogaatay In Dadka Waxa Horumarka Kala Dagaalama Uu Yahay Shay Qof Kastaaba Ka Cabto Iyo Waxa Uu Yahay

    [Top News] Khubaro Ogaatay In Dadka Waxa Horumarka Kala Dagaalama Uu Yahay Shay Qof Kastaaba Ka Cabto Iyo Waxa Uu Yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Top News] Khubaro Ogaatay In Dadka Waxa Horumarka Kala Dagaalama Uu Yahay Shay Qof Kastaaba Ka Cabto Iyo Waxa Uu Yahay



China (Karin) Huing Juing oo ah 46 jir u dhashay dalka Shiinaha ayaa si farsamaysan ugu shaqaysta lugihiisa iyo afkiisa isagoo ku sameeya qoraalo iyo farshaxan kala duwan. Ninkan oo aan gacmo lahayn ayaa isagoo 4 sano keliya jiray uu waayay labadiisa gacmood ka dib markii ay koronto qabsatay. Huing ayaa ahaa qof aad u xiiseeya sawirada xiligii uu yaraa isla markaana ku hamiyi jiray inuu noqdo farshaxan dhinaca sawirada, waxase markasta hakin jiray gacmo la’aantiisa.




Ugu danbaystiina wuxu go’aansaday inuu lugihiisa iyo afkiisa ku tababarto sida uu qalinka ugu qabsado, taasi oo si fiican ugu hirgashay. Markii ay aragtay dadaalka Juing Hay’ada naafada kaalmaysa ee dalka Shiinaha ayaa cadaysay in loo baahan yahay in Naafadu ay dadaal iyo maskax la timaado iyadoo ay tani muujinayso in qofka kastaa wax qaban karo si kasta oo uu naafo u yahay haddii aanu Maskaxda naafo ka ahayn. Juing ayaa sheegay inuu farsamada hawshan markii u baranayay kala kulmay dhib badan laakiin uu sabir badan u la yimi haddana uu gaadhay guushii uu u adkaystay.

LATEST NEWS