Musharaxnimada Saylici Oo Ay Il Gaar Ah Ku Eeegayaan Shacabka Bariga iyo 5 Sanno Oo Kale + 5 tii Sanno Ee Hore Sida Uu Ka Yeelay Iyo Cabsida Doorashada Madaxtooyada

0
Friday 7th April, 2017 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxnimada Saylici Oo Ay Il Gaar Ah Ku Eeegayaan Shacabka Bariga iyo 5 Sanno Oo Kale + 5 tii Sanno Ee Hore Sida Uu Ka Yeelay Iyo Cabsida Doorashada Madaxtooyada

    Musharaxnimada Saylici Oo Ay Il Gaar Ah Ku Eeegayaan Shacabka Bariga iyo 5 Sanno Oo Kale + 5 tii Sanno Ee Hore Sida Uu Ka Yeelay Iyo Cabsida Doorashada Madaxtooyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxnimada Saylici Oo Ay Il Gaar Ah Ku Eeegayaan Shacabka Bariga iyo 5 Sanno Oo Kale + 5 tii Sanno Ee Hore Sida Uu Ka Yeelay Iyo Cabsida Doorashada Madaxtooyada



Hargaysa (Karin) Madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyadda somaliland Mudane cabdiraxmaan saylici oo ah ninka labaad ee dalka soomaaliland ugu sareeya isla markaana ah guddoomiyaha guddida abaaraha soomaaliland ayaanay aragiisa mar keliya arkin dadka ku nool laga bilaabo xaafadda New hargaysa ilaa xuduudka dalka soomaaliland la yeelayay dawladda federaalka soomaaliya .



Waxaana mudane saylici mar labaad u sharaxan yahay sidii uu hogaamiye labaad ugu noqon lahaa dadkaas aan wali aragiisa arag iska dhaaf waxa uu u qabtee haddana waxaa isa so taraya warbixinada ku aadan sida uu madaxweyne saylicii ula soo dhaqmay tan iyo guushiisii 2010 kii isaga iyo madaxweyne silaanyo ay ku guulaystay xilka madaxtinimada dalka oo aanu neef adhi ah biyo ka waraabine mudane saylici oo ah madaxwayne xigeenka soomaaliland ahna guddoomiyaha loo xil saaray aafada abaaraha oo lacag badan lagu bixinayay tan iyo markii ay bilaabantay abaarta kulul ee gobolada bariga ku habsatay.




Caddeymaha loo hayo mudane saylici ayaa xadhkaha goostay waxaana shacabka reer soomaaliland ee galbeedka iyo bariga dalkuba ay hayaan muuqaalo fara badan oo hore u dhacay waxaana tusaale ugu filan sidii uu uga qayb qaatay mudane saylici abaarihii ku dhuftay deegaanada uu ka soo jeedo iyo sidii uu qaylo dhaanta iyo socdaalka ugu galaa bixinayay deegaanadaas.



Dhinaca kalena waxaa shacabka reer soomaaliland ee ku dhaqan xaafadda bariga hargaysa ku taala ee NEW HARGAYSA marka laga bilaabo ilaa iyo xuduudka jamhuuriyadda somaliland ee dawladda soomaaliya ay la wadaagto oo si isku mid ah ka fiirsanaya in uu ku soo laabto saylici oo 5 sanno u sharaxan mar labaad sidii uu ku noqon lahaa madaxwane xigeen .

Ugu dambeyntiina waxaa cabsi wayni ka taagan tahay tartanka doorashada soomaaliland ee madaxtooyada maadaama oo mudane saylici u sharaxan yahay ku xigeen isla markaana aan waxba ka qaban soona arag dalka intiisa kale shacabka ku noolna aanay muuqiisa waligii arag balse magaciisa saylici uun yaqaanaan.


Karin News
LATEST NEWS