Isxaydxaydka maad dhimi?..W/Q Khadar Faarax Siciid,

0
Monday 10th April, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isxaydxaydka maad dhimi?..W/Q Khadar Faarax Siciid,

    Isxaydxaydka maad dhimi?..W/Q Khadar Faarax Siciid,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isxaydxaydka maad dhimi?..W/Q Khadar Faarax Siciid,

Maamulayaasha aan aqoon iyo karti hoggaamineed lahayni ma xammili karaan dad astaamahaa iya ba ka maqan ku qalabaysani in ay ka hoos shaqeeyaan. Aad waxa ay u door bidaan dad ka ay hawlgashanayaan in ay ahaadaan indhaw garato dheguhu awdan yihiin, indhahana habeeno iyo caad ka fuushanyahay.


Gorfaynta fashilka maamul xumadoodu sabataa uga ma duwana leebab mariidaysan oo bu’aha beerwaynaha laga ga liishaamayo. Taas ayaan sababta , cidkasta oo ay ka dareemaan ku baraarugsanaanta ceebahooda in ay faquuqaan, degaan-maamuleedkooda na ka durkiyaan. Iyaga oo ka wewersan turxaamahooda maamuleed in ay si uun u muujiyaan, ayaa ay hal abuurayaasha curinta og iyo indheergaratada dhul





shishe wax ka bidhaamin kara ba si, ama si kale u bahdilaan, cadaadin iyo cabbudhinna u saaraan.

 

‘Tuke nasiib uu caano ku helo wuu leeyahay, nasiib uu ku calfado se ma leh’ ayaa ay soomaalidu tidhaahdaaye, maamulaha jilicsanina – sida badan- nasiib uu cid dhalliisha oo tusaalaysa ku helo wuu leeyahay, nasiib uu ku guddoontose ma laha e, baqaha uu ka qabo in kursiga uu dhalada ka ga fadhiyo laga rido ayaa seejisa ka faa’iidaysiga aragtiyaha iibgalka ah ee kuwa dhalliishani u soo bandhigayaan.

Dhanka kalena, shakhsiyaadkan baraarugsan ee haadaanta maamulkoodu ku sii siqayo ka yabaalsani sida badanka waa kuwo loo kuur gashanyahay, la maagsan yahay oo ulo booc ahna loogu tukubayo. Maamul waydlayaashu, si ay shakhsiyaadkan maamulkooda maagsan afka buuxsin uga saaraan; ugu horraynta ba waxa ay ku shirrabaan beerlaxawsi mansab iyo maaliyad dabada kula jira, kolka ay ku kari waayaanna sharafdil iyo milge xumayn ayaa ay uga gudbaan, ugu dambaynta in ay shirqoolaan ayaaba suurtawda.

 

Hadaba, maansayaraydan hoos, waxa ay isku deyaysaa in ay cabbirto dhibic ka mid ah habfekerka maamul bi’iyayaashaa. Maamule/taliye fulay ah ayaa u dardaar werinaya mid wacyiqabe ah oo shaqaalihiisa ka mid ah. Waxana uu ku yidhi,

 

1. Xukunkaan hayaa baad

2. Xuuraamaysaayoo

3. Xariifyohow dadaalkani

4. Waa xeelad kale iyo

5. Xil tiraad sida u dhigan.

 

6. Ku xumee inay tahay

7. Xuubba igama saarroo

8. Xilkan doonistiisaa

9. Xarakaadka keenaye

10. Isxaydxaydka maad dhimi?

 

11. Mise xaajo godobliyo

12. Xujaan soo tidcaayo

13. Dabinada aan kuu xidho

14. Intaan kugu xambaaroo

15. Xeerar ku cuskadobaan

16. dabadeed ku xooraa?

 

17. Inta xumaha ruugtee

18. Xin laqooqayaasha ah,

19. Ama xiisad kicinteed

20.Isu xulufadaystiyo

21. Inta ani i xamatee

22.Sharaftayda xagataba

23.Maxay iskukiin xidhay?

 

24.Xagaldaacyadaydiyo

25. Xumahayga fidintood

26.Ma xannaano gaariyo

27. Xoolaad ku haysaa?

28.Sida xerowga jiibiya

29.Maxaad ula xadraysaa?

 

30.Aan xaqiiq ku siiyoo

31. Runta kuu xarriiqo e,

32.Ha xayirin naftaadoo

33.Xabsi haysku tuurine

34.Xarafkaygan weelee

 

35. Xoolaad iga helaysaa

36.Xurmaan kuugu darayaa

37. Xariir iyo balaatiin*

38.Ayaan kugu xidhxidhayaa

39.Dadkaan kaa xigsanayaa

40.Xiisaanad sharafeed

41. Ayaan kugu xawilayaa,

42.Adna xiinka daayoo

43.Xagaldaac ha faallayn

44.Ceebaha ha soo xigan

45. Xanaftana i baalmari

46.Hadalda xajiinta leh

47. Dibnahaaga uun xidho.

 

*Platinum : Curiye aad u qaaliya oo qurxinta loo adeegsado.

Khadar Faarax Siciid,

Dalmartogdheer@gmail.com

 


LATEST NEWS