Tuugnimadii Meherka Dhashay !!!!

0
Monday 17th April, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuugnimadii Meherka Dhashay !!!!

    Tuugnimadii Meherka Dhashay !!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tuugnimadii Meherka Dhashay !!!! Habeen baa lagu beegay inantii baska ka soo degtay meelna loo sii gal markay ku beegan tahay lagu bood shandadii iyo moobilkiiba laga faro marooji waa


Wiil yacquub la yidhaa ayay inan aad iyo aad u jantay, inantaneey waa inan qab weyn oo cidna laba eray kama dhagaysato intaasoo nina horey ugu soo daaleen. Saaxiibadii ayuu la tashaday arinkii buu u sheegay waabay ku qosleen ” war ma heblaayadii aanu naqaanay ayaad leedahay way igaga dhantahay” ” haa oo haa ee arinkaa gala” ayuu ugu jawaab celiyay.
Tana waxay ka dhacday hargeysa.

Inantan waa la yaqaan oo ninkii la hadlaba ficil uu eedo ayay ku samaysaa qofnabana laba eray kama qaado. Saaxiibadii arinkii gor-fee oo rog rogee waxey ku soo gaba gabeeyeen taladii in arinka hab ficil-tuugnimo ah lagu metelo macnaha in inantan




tuug lagu noqdo oo habeen meel loo sii galo. Arinkii loo keen yacquub waxay ku yidhaahdeen sidan baanu ku talinay ” in inanta oo habeen suuqa ka timaaday aan anagoo saddex ah meel usii galno kadibna inanta aanu qabanao markay qayliso adna aad iska dhigto sidii qof wadada maraya kadibna aad nagu soo orado oo aan islayno saddexdayadaba aad na disho anaguna aanu ku yara jugayno aakhirkana intaad na eryato aad naga soo qaado moobilka iyo shanadadii inanta, sidii la isku raac hawshiina gudo galkeedi la bilaw”.

 

Habeen baa lagu beegay inantii baska ka soo degtay meelna loo sii gal markay ku beegan tahay lagu bood shandadii iyo moobilkiiba laga faro marooji waa taa qaylo ku dhufatay ” uuuu uuuuu uuu” inankii yacquub ahaa oo la sii diyaariyay bartan kasoo bood raggii la dagaalan ilayn waa rag is oge wax jug ah oo weyn lama gaadhsiiyo ragii shandadii la baxsay isagiina ka daba orod ilayn waa lasii heshiiyee markay Sakadii ka laabeen shandadii iyo moobilkiiba ninkii yacquub ahaa loo soo dhiib. Isagoo hiin faadhaya inantii oo bartan ka barooranasa oo jaarkiina dul heebaabayaan waakan geesigii bartan kasoo baxay isagoo shandadii laa laadinaya, loo wada musharax inantii yaasmiin ahaydna waatan intay soo booday farxad la qaylisay inankii cirka iyo dhulka ka qaaday faanin iyo mahadnaq badana u miistay "geesi geesi dhalay, hooyadaabaa nin dhashay, igu banaanidaa” eraygaa dambee ah "igu banaanida” waa kii ay hawshaba u galeen inantii sii dhawee gurigoogii u raac. Xaafadoodii u warantay in ninkani badbaadiyay caawa. hooyadeed, aabaheed iyo walaaldeedba inankii u mahadnaq. Telefoonadii lakala qoray laysla soo xidhiidh xagiina is barasho tii u wanaagsanaydi ka dhacday. Imika waxa loo balansanyahay in wiiga soo socda meherkii labadoodu ka dhaco hargeysa

khadarismail04@gmail.com

LATEST NEWS