Sixirka ama Falka iyo Qataarka oo noqday dhibta u wayn ee Burco iyo dalka aafaysay 100 Maqaal oo kashifay xogo dahsoonaa .Q.37-41aad.

0
Monday 17th April 2017 21:23:16 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sixirka ama Falka iyo Qataarka oo noqday dhibta u wayn ee Burco iyo dalka aafaysay 100 Maqaal oo kashifay xogo dahsoonaa .Q.37-41aad.

    Sixirka ama Falka iyo Qataarka oo noqday dhibta u wayn ee Burco iyo dalka aafaysay 100 Maqaal oo kashifay xogo dahsoonaa .Q.37-41aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sixirka ama Falka iyo Qataarka oo noqday dhibta u wayn ee Burco iyo dalka aafaysay 100 Maqaal oo kashifay xogo dahsoonaa .Q.37-41aad.
Qaybaha 37--41 aaaaad

Sixirka ama Falka iyo Qataarka oonoqday
dhibta u wayn ee Burco iyo dalka aafaysay
100 Maqaal oo kashifay xogo dahsoonaa

Qaybii 32-36aad waxay innoo joogeen :
waxaa iyana la arkay hooyooyin ubadkay dhaleen iyo
lammaanayaashoodii sixir ku kala furay , maalinta la

qatan yahay ee la qaawan yahay ee qiyaame ayayna
la kulmidoonaan cawaaqibkeeda , haddii aanay ka
toobad kenin oo aanay cafis waydiisan cidii ay dulmeen

Qaybta 37aaaaaad

Hadda wixii ka danbeeya qisada aad ayaan usoo
koob koobaynaa , waayo waa qiso aad u dheer insha-
allahu buug ayaan ku fekeraynaa inaan dhawan
ka qorno waxan kaloo hubaa inan nahay dadka qisoyinka
sixirroolahan iyo reer burco/reer somaliland ku saabsan
wax yar ka haya ,dad kale ayaa naga xog ogalsan oo haya
qisooyin iyo xogo arrinkan ku saabsan iyo xataa siyasiyinta
iyo haldoorka habarjeclo ee hadda sixran magacyadooda
balse waxay u qaybsamaan 2qaybod qaybi xogbadan ayay
haysaa laakiin way baqayaan oo masoo bandhigi karaan
calashaan " xagga ruuxaanta nafsaaniga ah " marka ay
is yidhaahaan wax sheega madaxa ayaa aad u xanuunaya
cadho iyo illowshiiyo ayay dareemayaan markaasay iskaba
dhaafayaan tusaale ahan kooxda xogtan soo bandhigayaba
qaar badan oo iyaga ka mid ah ,oo hore uu u sixray saxirku,
xogtan qayb waxay diyaariyeen muddo kahor intaana waxay
isku hayeen maso bandhigtaan , ma iska dhaaftaa ,arinkaas
oo ah waswaas iyo cabsi nafsaani ah ,waana arrin caadi ka
ah bey´adda ama Invironmentiga ku xeeran Saaxirkan daalin
ka ah ee Laangadhe waayo shaydaamada uu sixirka u adeeg-
sado ayaa cabsi gelinaya Qariinnada aadamaha ku lammaan
ee axaadiistu sheegtay iyo ruuxda ama nafta insaanka !

Laakiin soomaalidu waxay xikmad ahaan u adeegsataa
 
" Geelow geed kastaba daaqday oo ku nabadgashay, laakiin
" wallee maalintaad CIIN daaqdo ayaa laguu yaabaa "

Waxaan uga jeednaa xikmaddaas ,saaxirkanu wuxuu aad u
daba galay oo ka hadhiwaayey sakhsiyaad ilaahay agtiisa
ka karaameeyey , oo xitaa ay Laangadhe Shayddaamadu
u sheegen oo ku yidhahen dadkaa sixirku ma QABANAYO
ee haku fashilmin ,kuwii ayuu iyaga iyo caa´iladoodiiba
shanta la galay ,waana iyaga kuwa arrinkiisa soo gebagebayn
doona iraadada ilaahay iyo tawfiiqdiisa insha Allaahu tacaalaa.

Waxa kale oo iyana xaqiiqo ah in dadka sirtan iyo xogtan
dabagalka iyo baadhitanka mudada dheer ku samaynayey
ee ugu danbayntiina u dhacay ama kashifay dhagartii ay
ay qarinayeen saaxir Laangadhe iyo inta la shaqaysataa
ay ku adkaatay qaarkood inay sheegaan oo soo bandhigan
siraha ,xogaha iyo dhagaraha farihii ka batay ee ay kasoo
heleen arinkan halista badan ee Sixirka ee aynu ka hadlayno
waxaana qaarkood hadaladoodii ka mid ahaa sida hoose :

Qaybta 38aaaaaaaaad

"Xogo badan oo aan mararka qaar qoray oo aan doonayay
inaan saxaafadda la wadaagona dib ayaan isaga masaxay
mana garanayo sababta igu kalliftay , waxaan uun idiin
caddaynayaa in markaan maqaaladaa qoro ama kan hadda
aad akhriyaysaanba aan maskaxdayda ka helaayay farriimo
aan ku fekerayay oo igula talinayay inaanan xogtan u sheegin
dadka sababtoo ah , dadka qalbigoodu wuu foororaa waxna
ma dareemayaan haddii waxloo sheegana ma qaadanayaan
waxaana lagaba yaabaa in qofka xog , digniin iyo talo usoo
bandhiga ay daalac u raacaan , waxa kale oon ku fekerayay
in arrinkanu uu yahay dhacdo wayn oo qaddar allaah ah oo
oo ayna jiraan saacado rabbaaniya oo isbuuxinaya !!!!!.

Qaar ka mida khubarada Maryooley iyagu waxayba ku
taliyeen in arrinka ficil laga dhigo oo saaxirka lasoo qabto
oo aanay wax badan anfacayn in maqaal keliya laga qoro
laakiin weli ma dhicin in wax tallaabo ah laga qaado ninkaas
waayo kooxdan lafteeda ayaaba waxay ubadnaayeen dadkii
uu sixray Laangadhe in kastoo uu ilaahay ka badbaadiyay
sixirka badidiisii haddana saamayn wayn ayuu ku yeeshay

Sikastaba ha ahaatee ugu danbayn hadal iyo dhamaanti
waxaan go,aansanay oo ku dhiirranay oo aanu
hadda wixii kaddanbeeya oodda kasoo qaadi doonaa
maqalkan iyo kuwo kaloo badanba anigoo uga jeeda

1) ilaahay dartii inaan ficilkaa munkarka ah ee sixirka shirkiga
ah u raddiyo anigoo ka duulaya xadiiskii nebiga ( csw)
" qofkii munkar ( xumo ) arkow ,gacan wax kaga qabo ,
hadanad awodinna afkaaga ka sheeg , oo dadka udig
haddanad awodinna dee qalbiguun ka nac ,waana halka
iimaanka ugu diciifsane !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! !!!!!!.

maanta waxaa hubaal ah 100% in dad reer burco ah
oo habarjeclo u badan oo 1000 aan ka yarayni ay hayaan
xogta ninkan sixirroolaha iyo dhibtuu dadka ku hayoba
laakiin ay qalbiga uun ka dhibsanayaan oo aanay ku
dhicin inay sheegaan bal adba !!, marka laga reebo inta
la shaqaysata oo iyagu manfaco ugu daba naban qariyana.
qaybta 2ad waa qaybta la qudhaabata ee shirkiga samaysa.

2) Arrinka 2aad ee aan xogtan usoo bandhigayaa waa
inuu dadku ku baraarugo oo laysku yaaco oo baadhitaan
la sameeyo si markaa xaqiiqada dhabta ah loo helo
in tirakoob la sameeyo oo reer waliba cidda uu sixirolahani
ka sixray ay ogaadaan oo dabiibtaan , in si jamaaciya oo
guud oo islaamnimo ku jirto arrinkan laysaga waraysto
oo warbaahinta lagu qaadaa dhigo oo aan dib danbe loo
qarsan illayn dadkii , gobolkii iyo waddankii oo dhanbaaba
dhinicii burburka , colaadda iyo qaxa usii tukubayee !!!!!!.
sababtuna ay tahay dhibka uu ninkaas sixirroolaha ahi
u gaystay siyaasiyiin hogamiye dhaqamedyo ,haldoor
iyo ganacsato dadkaasoo dhammaantood saamayn wayn
oo ballaadhan ku lahaa habsami usocodka affaaraha
dalka ,waxa kale oo siyaasiyiintaa kamida ayaa la
leeyahay qaar u dhashay hargaysa , awdal iyo sool
muhiim maaha tirada siyaasiyiinta la sixray
ee ay xaaladoodu hadda marayso meel halisa oo aan
indhaha laga qarsan karin oo dib loofiirsan karin balse
waxa muhiimka ahi waxa weeye , in baadhitaan rasmi ah
oo degdeg ah la sameeyo oo raas waliba siyaasiyiintiisa
caanka ah ,haldorkiisa ,dhaqankisa iyo ganacsatadisa
uu degdeg ugu yeedho oo waraysi dhinacyo
badan la yeeshaan oo rag khubaro , culimo ,iyo
dhaqaatiir isugu jiraa ay baadhitaanka iyo waraysigaba
hoggaamiyaan markaa natiijada kasoo baxdaa haddii
ay tilmaanto in haldoorkaas ay xaaladoodu fiican tahay
waa nabad iyo caano , haddiise ay usoo baxaan wax ku
saabsan waxyaabihii aynu kasoo haddalay , oo weliba
gaar ahaan ay ku arkaan ama ka dareemaan arrimaha
ama calaamadaha aynu ku daabacnay qormooyinka
qaarkood , oo aan ka yareyn 100 calaamadood oo ah
kuwo lagu arkay dadkii uu Saaxir Laangadhe sixray ee
ee Reer Burco / Habarjeclo u badnaa, markaa waxaa
lagula talinayaa inay arimahan degdeg ugu dhaqaqaan

Qaybta 39aaaaaaad
1) waxay degdeg ugu yeedhayaan ugu yaraan 10 culimo ah
oo taqwo iyo allah ka cabsi iyo xalaal cun ku caan ah
waa inay ku jiraan qaar cilmi ama khibrad u le sida sixirka
dadka looga dabiibo,wana inay si weyn usoo diyar garooban.

2) waa in qofka markaa la dabiibayo haldoor/siyaasi/iwm
lasoo dhexfadhiisiyaa xalqad wareegsan oo ay culimadii
fadhiyaan waana inay ku bilaabaan quraanka , markaa
culimada waxa fiican inay 10 ka badnaadaan ,waayo
10 culimada ka mid ahi waa inay markiiba kala qaataan
10 jiz oo quraana kuna bilaabaan , halka 2 -3 sheikh oo
kale oo ah kuwo yaqaana arrimahan ay bilaabaan
aayadaha sixirka u qaaska ah , aayadaha shayaadiinta
iyo jinka dhiba , aayadaha cadaabka ku saabsan iyo
ducooyin iyo adkaar kale oo aad u badan .

3) arrinkaa waxaa si aan kala joogsi lahayn loo wadayaa
ilaa 20 daqiiqo , haddii intaan waqtigaasu dhammaan
natiijo laga gaadho sida , saaxirkii ama jinkii uu soo
adeegsaday oo qayliya oo hadla , markaa culimadaa ninka
hogaaminaya ee amiirkooda ah ayaa la dhiilgaraynaya.
haddii mudadaa intaas ah wax is beddel ah laga waayo
qofkii la dabiibayay culimadu waxay muddo aan 3-4 daqiqo
ka badnayn ay sharaab iyo shaahiyo wax iska cabbayaan
sidaasna waxay ku aqriyeen 10 jiz iyo quraan kaloo badan
isla markiiba dibbay ugu bilaabayaan si aanu u nasan jinkii
iyo sixirroolihii 10 jiz oo kale ayay bilabayan culimadii kalena
aayaadkii iyo adkaartii kale , 20-30 daqiiqo oo kale ayay
wadayaan ilaa 10 kan jizna ay dhammeeyaan hadii isbedel
yimaado waa alxamdu lillaah haddii isbeddel imanwayona
waa alxamdu lillaah ,nasasho ayay qaadan isla markibana
way ku bilaabi ilaa ay 30 ka jiz ee quraanka ku dhammeyan
ilaahay idankii waxay ubadan tahay inuu qofkaasi cafimaado
waxana ay u badan tahay in intaan 30 ka jizba lagu aqriyin
uu jinkii uu sixirroolahu soo adeegsaday uu halkaas
ku gubto ama uu culimada ka codsado inuu meesha
iskaga cararo oo ay fasaxaan , sidaana ay ka yeelaan
markaasna qofkii uu noqdo sidii " il saxar laga bixiyay "

sidaasna ama wadadaas na la mariyo oo loo dabiibo
dhammaan dadka isugu jira qurbajoogta iyo qolqol
joogta iyo qaybaha shicibka ,siyaasiyiinta iyo haldoorka
kaleba ee uu sixray ninkani ama xitaa sixirolayasha kaleba

Qaybta 40aaaaaaad
Waxa kale oo iyana laydinkula talinayaa inaad arinkan kala
tashataan culimada waawayn ee cilmiga iyo khibradaba u
leh ee idin dhexjooga siiba sheekha weyn ee caanka ah
ee reer Hargaysa ee ku takhasusay cilmiga sixirka & Jinka
ee Lagu magacaabo Skeikh Maxamed sheikh Ismaaciil.
ama waa in loogu yeedhaa ninka sheekha ah ee uu
ilaahay u fududeeyey sida sixirka loo saaro ee deggan
Australia/Melbourn kaasoo dadka uu dabiibayo ilaahay
tuso markiiba meesha sixirkii yaal iyo ciddii samaysayba!
kadawo youtube ( Star Ruqyah) sh Maxamed warsame

taasi hadday dhacdo oo aynu ku guulaysano oo ay innoo
hirgasho oo taladaydaa ay gaar ahaan Habarjeclo ama
guud ahaanba somaliland qaadato oo ilaahay garansiiyo
oo ay masiibadan sixirka ah ee lagula dhexjiro ee halista
ah ee saamaynta taban ku yeelatay dalkii fahmaan ,oo ay
gartaan in waxan qarqarxaya ee calool xumada iyo nacaybka
dhexdhigay ummaddii walaalaha ahayd uu yahay natiijadii
tabnayd ee ka dhalatay dhagartii uu ku farayaraysteen
dhammaan sixirroolayaasha dalka wax ku sixra

ismaqal la´aanta , kala amarqadasho la´aanta, is qaddarin
la´aanta , isujoojin la´aanta,uurkacollowga , tv yo iska cayga
qabyaaladda xadhkaha goosatay ee aan laba qarsanayn
caddaalad darrada baahday ee aan lagaba xishoonayn
ku takrifalka awoodda iyo hantida dawladda ee ka jirta
gobalada iyo degmooyinka qaarkood musuqmaasuqa
eexda , qaraabakiilka ,qabiil isku shaqaalaynta ,qaraabo
ku naasnuujinta xoolaha ummada ka dhexeeya , ku
hanjabidda awoodda iyo shaadhka dawladda ,dhallinyarta
aanay beeshoodu lahayn wax , wasiir , badhasaab ama
maayar iyo wixii lamida oo shaqada dawladda laga xarrimo
cid aan ilaahay ahayn oo ay u dacwoodaan oo u cawdaana
aanay garanayn , arrimahaas iyo kuwo kale oo lamida oo
oo ay ku kacaan qaar ka mida madaxdeena laamaha
dawladda arrimahaasoo qayblibaax ka qaata inay dhallintu
waddanka ka tahriibaan , Oromona usoo daba marto.

Qatbta 41aaaaaaaaaad
waxyaabahaasi dhibkii dhacay ayuunbay qayb kayihiin
Haddii taladaydaa la qaato , oo baadhitaan la sameeyo
oo laysu wada miyirsado haldoor , dhaqan ,siyaasi iyo
dadweyneba oo miyirqab lagu wada hadlo oo lagu xisaab
tamo oo laysku waraysto oo lagu wada tashado ,

waxaan markaa hubaa inay somaliland dib hurdadii ay
seexatay muddo dheer ka hor ay kasoo kicidoonto oo
kasoo noqon doonto haadaanta halista badan ee ay kusii
hoobanayso ,xaqiiqdii maqaalkayganu waa dardaaran
waana hogatus , waa abhin , waa jiidh nax ama diir nax
aan u jiidh naxayo dhammaan beelahayga walaalaha ah
ee reer somaliland ee aan wada jeclahay bari ilaa galbed
sida aanan u jeclayn inay nabad gelyadoodu ka burburto oo
aanay u colloobin oo isu cunin oo dabadedna aanay u qixin.

maanta haddii dalka colaadi ka dhacdo ilaahay innaguma
keenee oo la kala qaxo cid idiin naxaysa oo qaxootigiina soo
dhawaynaysaa ma jirto jabuuti xadkay idinka xidhanaysaa,
itoobiya liyuu poliskay xadkeeda soo dhoobaysaa foodda
gelinmaysaan somaliyana iyadaaba teedii u ildaran oo
waxbaba idunkuma dhaamaan , markaa somaliland
dhexdeeduunbaad isku cuni dontan oo dhiiggu qulqulidoona
ilaahay kama dhigee oo ninba nin cuni doonaa , tv yada iyo
jaamacadaha iyo raaxada iyo xildhibaannimada iyo wasiir
nimada iyo xisbiyo midna jiri maayaan waar nimcadaa
ilaahay ina siiyay ha innaga daadinina oo weliba wallaahi
waxa waddanka ku qarqarxaya marka sixirka laga yimado
waxa soo raacaa waa caddaalad darro iyo qabyaalad cad
aan iska ilaalinno oo ka dheeraanno arrimahaas

Runtii qofkii ay u muuqato iyo kii aanay isaga uba
muuqanba iminka arrintu waxay maraysaa meel halisa
oo aan ku tilmaami karo uun caano qubtayba dabadood
la qabay haddii taladayda aan la dhayalsan oo la wayneyo
oo aad loo akhristo oo layska waraysto oo la falanqeeyo
illayn maqaal caadiya maahee oo waqti iyo ihtimaam la
siiyo waa maqaal aad u dheer ilaa 100 qaybood ku dhow
ugu yaraan ,oo baadhitaannona la sameeyo saaxirkaana
la soo qabto iyo dhammaan sixirroolayaasha kaleba
si markaa haldoorka waddanku miyirqab ugu wada hadlaan
oo mustaqbalka dadka ,diinta iyo dalkaba looga wada
tashado , waxaan isleeyahay waa la guulaysan doonaa

haddii taladaydaa aan dhegloo jalaqsiinna waxan iminkaba
sii sheegayaa waxaa la qoomamayndoonaa , goor aan
qoomamo waxba tari doonin oo ay xeedho iyo fandhaal kala
dheceen oo ay mindiyi calool ku tagtay , soomaaliduna
waxay ku maahmaahdaa
" Nin walowba hadalkaaga , sumad ku dhigo " iyo
"nimaan waxa soo socda garanni , waxa joogana ma garto"
qaybtan 41aad ee qisadan yaabka leh waxaynu kusoo
khatimaynaa xikmaddii soomaaliyeed ee ahayd
" wixi qoranbaa qurumo hadhee , muxu hadal qiimo leyahay"
waxa inoo dhamaaday Q.37-41aad

LASOCO 5ta QAYBOOD ee 42-46 AAD.
LATEST NEWS