HANBALYO KU SOCOTA SULDAN MOHAMED-SIDIIQ SULDAN JAMA SULDAN CISMAN OO

0
Tuesday 18th April 2017 10:07:00 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HANBALYO KU SOCOTA SULDAN MOHAMED-SIDIIQ SULDAN JAMA SULDAN CISMAN OO

    17.4.2017 LAGU CALEEMO SAARAY SOMALILAND/ HARGAYSA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

17.4.2017 LAGU CALEEMO SAARAY SOMALILAND/ HARGAYSA.
Anagoo ah jaaliyadda Adaraxmaan Sacad ee degan Bariga Afrika (East Afrika) waxaanu hanbalyo iyo bogaadin u diraynaa Suldaanka Guud ee Adaraxmaan Sacad suldaan Mohamed-Sidiiq Suldaan Jaamac Suldaan Cismaan Suldan Aadan oo manta oo ay bishu tahay 17.4.2017 lagu caleemo saaray Magaalada Hargeisa. Waxa aanu ILLAHAY uga baryeynaa in xilkaas ALLE u fududeeyo kana dhigo kii dalkiisa iyo dadkiisaba anfaca. Suldaan Mohamed-Sadiiq waa nin dhalinyaro ah maskaxdiisuna ka fayowdahay naxli, cuqdad iyo qof jeclaysi intaba.
Sul.Mohamed-Sidiiq waa wiil ku soo barbaaray qoys xushmad iyo qadarin ku dhex leh dhulka Soomalidu degto gaar ahaan Somaliland, Ethiopia, DJabouti. waxa uu waayo aragnimo badan ka dhaxlay Aabihii Suldan Jama Alla ha u naxariistee oo uu u ahaa gacantiisa midig.
Sababahay ay qoyska leh saldanada Adaraxmaan Sacad Mohamed-Sidiiq ugu soo xuleen inuu buuxiyo booskii uu ka geeriyooday aabihii Suldan Jama waxa weeyi; sul.Mohamed-Sidiiq waa nin Samir iyo dulqaad badan, naxariis badan, go,aan qaadasho leh, xidhiidh dhawna la leh beeshiisa iyo Golaha Salaadiinta Somalilandba.
Hadaba, hadaanu nahay jaaliyada Adaraxmaan Sacad ee degan Bariga Afrika siiba Tanzania, Yuganda, Kiniya, waxaanu hanbalyo iyo duco aan la soo koobi Karin u diraynaa caleemo saarka Suldaanka Guud ee Adaraxmaan Sacad Sul.Mohamed-Sadiiq Suldan Jama Suldan Osman oo lagu caleemo saaray Somaliland gaar ahaan magaalo madaxda Hargeisa. waxa aanu ILLAHAY uga baryeynaa in xilkaas ALLE ku asturo kana dhigo kii mideeya beeshiisa kuna hogaamiya cadaalad iyo sinaan.
ALAA MAHAD LEH,
IHSAN QAYREH
LAMANGA/KINIA

LATEST NEWS