Waa Sidee Doorka Dhalinyarada Somaliland Ee Siyaasada?, W/Q Maxamuud Xeef -

0
18 April 2017 10:10 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 221
  • (Rating 3.3/5 Stars) Total Votes: 6
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Sidee Doorka Dhalinyarada Somaliland Ee Siyaasada?, W/Q Maxamuud Xeef -

    Waa Sidee Doorka Dhalinyarada Somaliland Ee Siyaasada?, W/Q Maxamuud Xeef -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Sidee Doorka Dhalinyarada Somaliland Ee Siyaasada?, W/Q Maxamuud Xeef - Arinta labaad ayaa iyana waxay tahay, arinta qabiilka salka ku haysa taas oo ah caqabadaha ugu weyn mid ka mid ah ee hortaagan doorka dhalinyarad ee ka biirida

Waa wax aan badnayn tirada dhalinyarada ah ee ku jira saaxada siyaasada dalka, waxaanay badankoodu soo galeen ka dib wax ka badal lagu sameeyey dastuurka oo hore uga mabnuucayey ka qeyb gelida dada dhalinyaranimada, intaas ka dibna waxa jira xaaladao iyo duuruufo nololeed oo dhalinta ka hor istaagay inay siyaasadaSida la sheego tirada dadka degan dhulka Somaliland loo yaqaano waa 4.5 Milyan oo qof, haddaba iyadoo ay sidaas tahay haddana tiradaas inteeda badani waa dhalinyaro iyana u sii kala baxa qeybo kale oo fara badan, isla dhalinyaradaas faraha intaas leh, ma yihiin kuwo siyaasada ka ciyaaraha door lixaad leh, ma haystaan jidka rajada iyo kobaca mustaqbalka ee dhalinta kale?




cagaha la soo galaan, waa mida koobaade waa arinta dhaqaalaha oo ah furaha siyaasada waana isha keliya ee ay wakhti xaadirkan ay qiimeeyaan qabiiladu badankoodu marka ay shakhsi dooranayaan, maahmaah soomaaliyeed ayaa ahayd "farihii dufan laa wax duuga” iyaga oo ula jeeda qofkii hanti ama dhaqaale buuran haystaa waa aqbal.

 

Arinta labaad ayaa iyana waxay tahay, arinta qabiilka salka ku haysa taas oo ah caqabadaha ugu weyn mid ka mid ah ee hortaagan doorka dhalinyarad ee ka biirida saaxada siyaasada, waxaana mararka qaarkood dhacda ama dhacday in qabiilku ay aqoonyahanka dhalinyarada ah ka doorbidaan, shakhsi muddo hore ku soo biiray saaxada siyaasada balse ah danayste kaas oo qabiilkiisa soo xasuusta maalinta uu dan leeyahay, balse marka la doorto aan dib loo arki doonin waana mida hortaagan horumarka bulshada iyo ka qeybgalka dhalinyarada ee siyaasada.

Dhanka kalena dhalinyarada qaarkood ayaa jira ka soo horjeeda ku biiritaanka siyaasada ee dhalinta la ayniga ah, kuwaas oo iyana ku xidhan siyaasiga mar la araga ah ee xilliga uu codka doonaayo, waana mid caqabad ku ah dhalinyarada guud ahaan, xitaa marka lagu daro kan hortaagan hore u socodka dhalinyarada dalka ee ka doorbidaaya dhaqaalaha faraha guudkooda ah ee uu ka helay siyaasiya kaligii noolaha ah.

Si kastaba iyana waxa xusuus mudan dhalinta qaarkood sida hablaha/gabdhaha, waxa hortaagan xeerka qabiilada taas oo ku ah caqabad u diidaysa doorkooda ku biirida saaxada siyaasada iyada oo badalkeeda ay qabiilka ay ka soo jeedo ku diidayaan gabadhnimada waana arin dhab ahaantii u baahan in laga gudbo, badi bulshadu waxay aaminsan tahay in doorka hogaamineed haweenku ka fiican yahay kan ragga.

Ugu danbeyntii, dhalinyarada maanta dalku waa mustaqblka maanta iyo bariba ee u ummadan, waana inay isqabsadaan gacmaha iyaga oo ka gudbaaya xayndaabka qabiilada una jaheeyaana dadka iyo dalka jidka guusha iyo barwaaqada.

Mahadsanidiin

Maxamuud Xeef

LATEST NEWS