Bulshada Somaliland Qaranimada waxa kala weyn Qabiilka Qalinkii : Abdirizak Ilkacase

0
Wednesday 19th April 2017 02:32:48 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargaysa
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bulshada Somaliland Qaranimada waxa kala weyn Qabiilka Qalinkii : Abdirizak Ilkacase

    Bulshada Somaliland Qaranimada waxa kala weyn Qabiilka Qalinkii : Abdirizak Ilkacase

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulshada Somaliland Qaranimada waxa kala weyn Qabiilka Qalinkii : Abdirizak Ilkacase Dadka badankoodu sanadahan danbe goobaha la isugu yimaado waxay ku falanqeeyaan siyaasada dalka xukuumada iyo xusbiyada ay kala taageeraan. Iyadoo fikradooda iyo taageeradooda aad ka dheehanayso inay ku salaysan tahay hab qabiilaysan, Waxa marar badan igu soo noqnoqota Reer hebel baa reer hebel abaal ku leh, ama reer hebel hadaanu nahay anagaa reer hebel idiinka dhow oo isku deegaana. Waa boorogiraam dadka ay siyaasiyiintu maskaxdooda ku shubtay mid wax bartay iyo kaan wax barana ma jiro farqi doodohooda u dhexeeyaa. Anigu waxaan ahay Somalilander, Waxaan sannado badan Taageersanaa Xusbiga Kulmiye ilaa hadana waxaan ahay taageere mayal adag oo ka mida. Ma kala jecli beelaha Somaliland beelna ma necbi, ma taageero qabiil qabiilna kama soo horjeedo, Ee waxaan taageera siyaasada iyo barnaamijka xusbiga aan muddada dheer ka mid ahaa, Xataa hogaamiyaha xusbigu haduu noqdo beelaha la haybsooco, Waxaan leeyahay damac iyo han fog oo mustaqbal qabiilkana waxaa igala wayn qaranimada Somaliland dantayda gaar ahaaneedna waxaan ka horaysiinayaa danta qaranka iyo ummadaydu ku horumarayso. Dhalinyarada waxaan kula talinayaa inay keenaan qorshihii aynu kaga bixi lahayn qabyaalada iyo kala qoqobka siyaasiyiinta inaga horaysaa ay kala dhex dhigayaan shacabka maskaxdooda la wasakheeyay si aynu ugu jeexno waddo horumar iyo mustaqbal siyaasadeed oo dadka isu soo dhoweya. Dadkeena inaynu maankooda korino oo ka dhaadhicino inay mid yihiin danta guudna ay tahay mid midaynaysa oo dhammaantood ay ku faa'iidayaan dalkoodana horumar gaadhsiinaysa, Rasuulkeenu scw wuxuu inoo sheegay inay mumi'iniintu walaalo yihiin Ilaahayna wuxuu Qur'ankiisa ku sheegay in qabiilka la isku garto Maaha in dhinaca khaldan aynu u isticmaalo isugu faano, isku yasno ama ku kala fogaano, Hadii taasi dhacdo inaguna waynu isku nacaynaa, meela kuma gaadhayno Ilaahayna waynu kaga fogaanaynaa. Walaalayaal daneheena gaarka ah yay inagala weynaan danta guud horumarka iyo dhismaha qarankeenana aynu si wada jira uga shaqayno kheyrkana isu kaashano. Qalinkii : Abdirizak Ilkacase
LATEST NEWS