DUQII AYNU U DOORANAY NADAAFADA CAASIMADA IYO 40kii CISHO EE MADAXWEYNUHU WEY SOCON WAAYEEN !

0
Wednesday 19th April 2017 08:47:41 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 88
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DUQII AYNU U DOORANAY NADAAFADA CAASIMADA IYO 40kii CISHO EE MADAXWEYNUHU WEY SOCON WAAYEEN !

    DUQII AYNU U DOORANAY NADAAFADA CAASIMADA IYO 40kii CISHO EE MADAXWEYNUHU WEY SOCON WAAYEEN !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DUQII AYNU U DOORANAY NADAAFADA CAASIMADA IYO 40kii CISHO EE MADAXWEYNUHU WEY SOCON WAAYEEN !

W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( GEELE)

Inkastoo marar badan aad looga hadlo muhiimada ay nolosha iyo caafimaadkaba u leedahay nadaafada iyo fayo dhowrka deegaanka aynu ku noolnahay , inkastoo in badan oo ururada aan dowliga ahayn isku xil saareen hirgalinta iyo wacyigalinta bulsho heegan ugu jirta ilaalinta nadaaafada guud ee deegaanka ,inkastoo oo qofqof marka dadka loo eego intooda badani ay si fiican uga warqabaan dhibaatooyinka iyo cudurada ka dilaaca nadaafad darada ama qashinka dibadaha la soo dhigo , inkasta oo magaaladu ay leeedahay Dowlad Hooose oo dhaliisheeda iyo waxqabadkeedaba leh ,inkasta oo shirkado u gaar ah gurida iyo basrinta qashinka laga hirgaliyey caasimada is bedel weyne suurta gal ka dhigay hadana muuqaalka guud ee meelo badan aad ka arkeyso caasimada ayaa ah mid aad ka niyad jabeyso , waa in la helaa kaalinta dowlada hoose ee la dagaalanka nadaafad darada iyo kobcinta magaalo caafimaad qabta waxaad moodaa in Dowlada Hoose ay ka seexdeen nadaafada , Qodobka75ee xeerka magaalooyinka iyo degmooyinka waxa uu tilmaamayaa waajibaadka ugu muhiimsan ee Dowlada Hoose oo ahnadaafada , Qodobka36iyo78intuba si toosa waxay u sheegayaan inay tahay waajib saaran dowlada hoose inay ilaaliso fayadhowrka guud ee nadaafada , Dowlada Hoose waa dowlada u xilsaaran inay hagaajiso nadaafada magaalooyinka sida wadooyinka iyo meeel kasta oo public ah, waana qodobada ugu muhiimsan ay tahay inay ka shaqeeso laakiin waxaad moodaa waxyaale kale inay noqdeen kuwa ugu muhiimsan sida dhul bixinta iyo wixii arimaha dhulka ku tacaluqa laakiinse qodobadaasoo dhan waxaa ka muhiimsan dowrka ay ku leedahay nadaafada hadii la waayo lama gaadhi karo hadafkii ahaa in nadaafad darada lala dagaalamo ,magaalooyin nadaafadeeda aad u sareesana la helo.

sidoo kale waa in kor loo qaadaa dowrka ay shirkaduhu ku leeyihiin nadaafada dalka maanta marka nadaafada dalkeena laga sheekeenayo intooda badan waxaa lagu wareejiyey shirkado waxaa looga baahanyahay hawsha sida ay ahayd inay uga soo baxaan waxa ugu muhiimsan ee shirkadaha laga rabo waa qalabkii nadaafada lagu ilaalin lahaa iyo baabuurtii loogu talaglay inay haystaan hadaanay wada haysan oo qalabkii ka yaryahay hawshii sidii la rabay ugama soo baxayaan waxaa looga fadhiyaa Dowlada Hoose inay jiraan qaababkii loola xisaabtami lahaa loona qiimayn lahaa oo ay cadahay maalin kasta maxay qabanayaan sidee bay xashiishku u gurayaan halkee bay geenayaan ,koormay geenayaan ,sidee bay u geynayaan laakiinse maanta waxaad arkaysaa meelihii xashiishka laga qaadayey oo hadana waxba aan iska badalin oo xashiishkii sidiisii u yaalo oo meel kasta gaaray ,shirkadaha loo xilsaaray ee ku hawlan inay ka shaqeeyaannadaafadu waa in dowrkoodii ka soo baxaan oo la daba galaa oo lala xisaabtamaa lana taabsiiyaa xaqiiqda nadaafad darada ka jirta magaalooyinka dalka sidoo kale xashiishka loo qaadaa sida ugu wanaagsanee ah ( Effective & Efficiency ) xashiishka marka la guraya saddex xaaladood ayuu maraa marka ugu horeesa waa in qashinka la ururiyaa marka labaadna waa in la qaadaa marka saddexaadna la geeyaa meeshii lagaga takhalusi lahaa ee lagu gubi lahaa saddexdaa xaaladood ayaa xashiish ururintiisa marayaa ,guryaha xashiish baa yaala sida xashiishka looga ururinaayo iyo halka ay dhigayaan waa inay cadahay , suuqa marka laga ururinayo xashiisha meesha ay dhigayaan ee laga qaadayo waa inay cadahay at the sametime qaabka loo qaadayo waa inay cadahay maanta waxaa dhacda cida xashiishka qaadaysa markay qaadaan mid ka sii badan ayey ku sii daayaan meelaha ay ka qaadeen taasi waxay tilmaamaysaa qaabka loo qaadey laftigiisu inay wax badan ka siyihiin waxaa kaloo loo baahanyahay meesha qashinka la geenayaa waa inay noqotaa meel ku haboon shardi waxaa ah magaaladu waa inay ka fogtahay oo beeraleyda ka fogtahay oo meel biyo mareena ka fogtahay isla mar ahaantaana la kala saaraa qashinka, qaar baa aad u qatara qashinka ay soo qubaan cusbitaalada waxa ku jira wax yaabo badan oo Qatar galinaya qofka bani aadamka naftiisa , maanta hadaad shaarica weyn ee hargeisa aad marto ka soo heli maysid meel qashinka lagu ururiyo ama meel aad wax ku rido qashinka aad rabto inaad daadiso oo ay ugu talogashay Dowlada Hoose ama shirkadaha qashinka marka waxaa la rabaa inay jiraan meela lagu ururiyo qashinka oo markuu qashinka bato la geeyo oo lagu sii rido , meelaha meela ka sii duwana waa inay jiraan qashinka loo qaado oo magaalada ka baxsan laakiinse waxaad arkaysaa meelihii qashinka lagu ururinaayey magaalada dhexdeeda intay buuxsameen magaaladiina meela badan qabsaday wadooyinkii qaarna aan lamari Karin .

hadii aynu rabno nadaafad darada inaynu la dagaalano oo magaalooyinkeena nadiif ay noqdaan waa in umada wacyi galin aad u balaadhan loo sameeyaa , qofkasta waa inuu fahmaa waajibka ka saran nadaafada oo aanu ku tuurin qashinka meel aan ahayn meeshii loogu talagalay taasi waxay ku iman kartaa wacyi galin balaadhan in la sameeyo idaacada iyo TVyada laga sameeyo oo dadku ay fahmaan muhiimada ay nadaafadu leedahay , cudurada ugu badan waxaa laga qaadaa nadaafad darada marka si taa loo ogaado umadu waa in lagu wacyi galiyaa inay nadaafada daryeelaan , nadaafad daradana ay iska ilaaliyaan qofkastana naftiisa uu masuul ka noqdo .

Sidoo kale bulshadu ka qaybqaadataa nadaafada guud ,xaafad kastaa waa in ay yeelataa gudi Dowlada Hoose ay sameesay oo iyada ka qaybqaadanaysa nadaafada xaafadaasi waa in xaafaduhu tartamaan waa in gudiyadaana la gudoonsiiyaa jawaa'is cidii ku guulaysata , Dowlada Hoose oo kaliya wax badan keeni mayso shirkad kaliya wax badan keeni mayso laakiin bulshadu markay ka qaybqaadato wacyi galinta nadaafada oo umada lagu dhaliyo nadaafada waxa imaanaya dadku inay wada dareemaan muhiimada ay leedahay nadaafadu.

qofka nadaafad darada ku kaca waa in ganaax lagu soo rogaa ,qofka xashiish meel aan loogu talagalin ku tuuraa waa in ganaax la saaraa ganaaxu waa shayga kaliya maanta lagu baabiyo nadaafad darada qofkastoo nadaafad daro la yimaado waa in ganaax la saaraa arintaasi faa'iido badan ayey leedahay nadafad daradana way yareenaysaa qofka ka shaqeenaya iyo xukuumada dhaqaalay soo galinaysaa .

Hadaba markaan ka hadlaayo nadaafada kaliya maaha xashiishka , nadaafada waxa weeyaan shay kastaa oo halkii loogu talagalay aan la dhigin dabeeto ay ka dhalatay caafimaad daro , inuu deegaanka wax yeeleeyo , inay gubasho keento , inuu bilicda magaalada waxyeelo , shaykastaa oo afartaa sifo laga helaa waa nadaafad daro maaha kaliya qashin meel lagu daadiyey nadaafad daradu , biraha la taagtaagay wadooyinkeena suuqa ku yaala ee laydhka ah ee keensan kara in hadii biyo soo maraan inuu qofku dhinto waa nadaafad daro waa in wax laga qabto wadooyinka dalka waa in wax iska badalaan hadii aynu rabno nadaafada inaynu hagaajino waxay ku iman kartaa wadooyinkeena wax iska badalaan ,bilicda magaalada wax iska badalaan ,maanta wadooyinkeena in badanoo kamida waa wada boholo iyo hog ay baabuurtu ku jajabayaan ,markaad sii qiimayso wadooyinkeena waxaad arkaysaa meela badan oo aad ka xumaanayso qaabka loo sameeyey hadaynu rabno nadaafad inay caasimadu yeelato waa in la daryeelaa oo la dhisaa oo la sameeyo meelo ay dadka maraan iyo meelo ay baabuurtu maraan .

hadaynu rabno nadaafada inaynu kor u qaadno maskaxdeenu waa in wax iska badalaan fikirkeena waa inay wax iska badalaan , waa in ardayda dugsiyada lagu soo barbaariyo nadaafada dalka , nadaafadu waa inay noqoto qofka marka uu yaryahay lagu soo barbaariyo qofka marka uu yaryahay wax iska soo badalaan marka uu weynaado waa uu laqabsadaa waana uu ku dhaqmaa laakiinse markii uu yaraa hadaan lagu soo barbaarin nadaafad darada iyo halka uu qashinka ku tuurayo marka uu weynaado wax weyn iska badalimaayaan .

sidoo kale xukuumada waa inay diyaar u tahay nadaafada dalka inay wax ka qabato hadii aanu jirin rabitaan wax suurta galaya ma jirto laakiinse hadii uu rabitaan jiro Xukuumad iyo Dowladad Hoose ay ka go'antahay nadaafada dalka in wax laga qabto oo sidii la rabay u bilaabaan siyaasadaheeda la yimaadaan waxa hubaal ah in wax laga qaban karo laakiinse hadii aan taasi jirin waxa imaanaya kolba inyar in la taabto wax badan aan la qaban , waxaan ku soo koobayaa nadaafada waa qayb kamida iimaanka waana horumarka dalka waana shayga ugu muhiimsan nolosha.

Shaamcade2015@gmail.Com

 

 



2017-04-04 17:50 GMT-12:00 Shaam Haji<shaamcade2015@gmail.com>:

DHALIISHA SIYAASIGA IYO ODAAYASHA DHAQANKA MID BA !

W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( GEELE)

Waxaan naqdiga la yidhaahdo waa qodob aad u muhiima oo muhiimad gaara ayuu leeyahay muhiimadiisa waxaa kow ka ah in la ogaado qaladaadkii dhacay hadii laakiinse aan naqdi jirin oo qaladaadkii dhacay aan laysku sheegin waxa imaanaya in qaladaadkii ay kobcaan oo ay waynaadaan ka dibna mardambe la ogaado sixitaan kiisiina uu adkaado in qaladaadka la saxo oo laysku sheeko waxa uu muhiim u yahay in uu ka qayb qaato horumarka , ka qayb qaadan kari maysid horumar hadii aanad sheegin wixii aad u arakto dhaliil hadaba inay muslimiinta isu naseexeeyaan waa in runta laysku sheeko ,hadaba in dhaliisha laysku sheeko waxay muhiim u tahay wanaag farista iyo xumaan reebista

awoodaada ha saarin qaladkan dhacay laakiinse awooda waxaad saartaa xalku waa maxay sababtu waxay tahay marka aynu rabno inaynu wax dhisno waa inaad ka fikirtaa xalka .

waa in qofka aad dhaliilayso wanaagiisana sheegtaa , qofkastaa wanaag

iyo xumaanba waa leeyahay hadii aad awooda saarto qofka xumaantiisa oo qaladaadkiisa daba gasho macnaheedu waa waxba dhisi maysid dhaliishaadu waxay awooda saartay qofka xumaantiisa iyo qaladaadkiisa , marka aad rabto dhaliishaadu inay wax dhisto waa inaad qofka wanaagiisa aad ka soo sheekeysaa ka dibna dhaliisha waad u raacin kartaa qofka wuxuu dareemayaa inaad miisaan fiican saartay oo aad u ictiraaftay wax qabadkiisa iyo wanaagiisa laakiinse marka aad dhaliisha kaliya ka hadasho wuxuu u arkayaa inaad tahay qof xaasid oo xaqdi uu ku jiro , hadaba cadaalad baa lagaaga fadhiyaa qofka wanaagiisa iyo xumaantiisa inaad labadaba soo qaadato cadaalada sidaasay ku jirtaa cadaalada kuma jirto qofka inaad ku daba gasho xumaantiisa .

 

Tusaale : kaagii yaraa baa imtixaankii ku qaldamay wuu ku dhacay imtixaankii qalad buu sameeyey markaad rabto kaagii yaraa inaad qaladka u sheekto ha odhan waad qaldantay ,saaqid baad tahay hadii aad sidaa tidhaahdo waxaad awooda saartay qaladkii iyo mushkiladii waxaad tidhaahdaa aabbo imtixaanka marka la galayo waxaa la rabaa inaad diyaariso oo sidaa wax aad u akhrido marka qofkii yaraa xalkii baad u sheegaysaa mushkilada way dhacday ka gudub mustaqbalka ka sheekee sidee buu imtixaanka u galayaa laakiinse wixii horee dhacay haku soo celcelin waxa lamida marka aad tahay xisbi siyaasiya oo raba umad dhan inuu wax ka badalo waxaa laga rabaa inaadan qaladka iyo dhaliisha oo kaliya aadan awooda saarin markaad wax dhaliilayso awooda saar xalka tusaale markaad leedahay biyo la'aan baa maanta hargeysa ka jirta xalka waa inaad raacisaa taasi waxay keensanaysaa inay dhaliishadu noqoto mid wax dhista kana faa'ideestaan cida rabta inay wax dhisto laakiinse awooda hadaad saarto dhaliisha iyo mushkilada xalba aadan keenin adiga naftigaaga beritoole markaad timaado lamid uun baad noqonaysaa .

waa inaad ixtiraamtaa qofkan aad dhaliisha u sheegayso shakhsiyadiisa

iyo jiritaankiisa ,waa inaadan dhaliisha la galin shakhsiyadiisa iyo umuurihiisa khaaska laakiinse waxaad dhaliishaa dhacdada iyo fikirka , laba kala saar qaladkan dhacay iyo qofka , qaladka dhacay waad dhaliili kartaa laakiinse qofka wax kama sheegi kartid ,waana arimaha maanta aadka u qaldan ee wadankeena ka dhaca waxaad arkaysaa qofka marka la dhaliilayo lama kala saarayo qofkan iyo fikirka uu keenay ee qaldanaa , qaladka waad dhaliilaysa waad u sheegaysaa laakiinse qofka ixtiraam iyo maamuus buu kaa mudanyahay , ka soo qaad wasiir baad dhaliilaysaa wasiirkaa shakhsiyadiisu waa nin noocaasa oo asagii toos u abaarto dhaliil maad sheegin ee isagii baad cayday laakiin wax qabadkiisa ka hadal ,qaladka uu sameeyey ka hadal laakiinse isaga iyo shakhsiyadiisa midna wax ka sheegi kari maysid oo waa wax shuruucda ilaalisay waliba shuruucda islaamka si gaaray u ilaalisay ,qofka markaad shakhsiyadiisa toos u abaarto wuu is difaacayaa dhaliishana ma qaadanayo, qofka markaad ku tidhaahdo jaahil baad tahay ama axmaq baad tahay dee asagii baad abaartay laakiin ficilkii uu sameeyey hadaad tidhaahdo ficilkaa dhacay aqoon daray ahayd ama sidii loo baahnaa looma qaban ficilkii baad ka hadashay markaa waa inaad kala saartaa shakhsiga iyo khaladka uu galay.

kelimaadka aad adeegsanaysaa waa inay noqdaan kelimaad sax ah , kelimaad aad u fiican oo qofka soo jiidanaya hadii kelimaadka aad adeegsanayso ay noqdaan kelimaad aad u xagjir ah oo ad adag xataa dhaliishadu haday fiicantahay qofka ma qaadanayo marka kalimaadka aad adeegsanaysaa waa inay noqdaan kelimaad ku haboon oo qofka soo jiidanaya hadii kale qofka wuxuu isku dayayaa inuu si kale uga jawaabo.

Shaamcade2015@Gmail.Com

LATEST NEWS