Da'yartaa dalka dayacday

0
Wednesday 19th April 2017 08:49:14 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Da'yartaa dalka dayacday

    Da'yartaa dalka dayacday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Da'yartaa dalka dayacday

Waxaan salaamayaa dhammaan dhalinta Somaliland waxaanan manta jecelahay bal inaan xoogaa sharaxo da'yarta iyo doorka ay dalkasna dhalintiisu ku leedahay anigaan dhaliil iyo dhaban xumo toona ku tilmaamin dhalinteena qiimaha badan hadana bal aynu qiyaasno xaaladda dalkeena manta uumaraayo iyo aqoonyahanka wiilal iyo gabdhoba leh ee dalka buuxdhaafiyey.

Sidaynu badankeenu la socono haddii aafo qaran timaado waxaan been ahayn in dalkasta da'yartiisu bedbaadiso, waxaa milgo iyo maamuusba ku ogahay dhalinta Somaliland sidoo kale tamar darro iyo tiro yaraana ma jirto. Balse waxaad moodaa uun in inyar oo isku xidhnaan la'aani jirto.

Waxaa maragmadoonta ah in caqabad walba laga gudbi karo xalna loo heli karo dalkeenana manta daawo unoqonkarno, manta waxaynu lasoconaa in dalkeeni uu xaalad cakiran ku jiro dhan abaareed iyo dhan sicirbararba.

Waxay mas'uuliyad inaga saarantahay maatada iyo ciyaalka manta aan cid umaqani jirin, dawladaynu u xilsaaranayna ay xaaladoodaba dareemi wayday, damiirka iyo damqashadu waxay u muuqanaysaa oo macne u samaynasaa qofkasta oodaymooda dalkeena maanta.

Damiir xumada dadka danaha gaarka ah lehna daacada iyo dedaalbaa lagaga gudbi karaa. Anigoo la hadlaaya dhalinta dalkeena waxaa wax laga diirnaxo ah in dadkeeni oo dan iyo daruuf waygeed isku deldelaaya aynu daymoono oo kaliya.

Haddii maanka iyo maalka eebe kugu manaystay aad maanta dadka mudan ku bedbaadiso waxaa marag madoona inaad muunad adag dalkan u tahay allahna uu kaa abaal barindoono.

Inaga oo aan eegayn qabaa'il, qoloqolo toona aanmaanta qarankeena u hiilo qawl iyo ficil labadaba, haddii aan qalbiyadeena midayno qalalaasaha dalka ka jira wax uunbaynu ka qaban karnaa

Wiilka amaga gabadha qayrkaa ah ee miyiga maanta ku qaracan amaba aan magaalada manfac ku haysan, waxay kaaga baahantahay hiil iyo hoo labadaba. Waxaa maanta dhab ah oo inoo wada muuqata inagaan kacdoon iyo kalifaad toona samayn ayeynu dalkeena iyo dadkeenaba danahooda ilaalinkarnaa

Ugu dambayntii anigaan maan iyo maska iyo aqoontoona dheerayn dhalinta Somaliland oo,ay ka buuxaan aqoonyahan abwaano iyo kuwo kaleba hadana waxaan maqaalkan qalinka ugu qaatay bal inaan is xasuusino xaalada dalkeenu maanta ku suganyahay iyadoo awoodu markasta allah ku xidhantahay haddana waxaa laynooga baahanyahay dedaal iyo baraarug dhab ah. Waad mahadsantihiin

 

Mohamed mohamoud allaleh


LATEST NEWS