Farasku Ma'gallo Amaano Dumar Qoraa/Maxamed Faarax Qoti

0
Wednesday 19th April 2017 20:28:35 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farasku Ma'gallo Amaano Dumar Qoraa/Maxamed Faarax Qoti

    Farasku Ma'gallo Amaano Dumar Qoraa/Maxamed Faarax Qoti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farasku Ma'gallo Amaano Dumar Qoraa/Maxamed Faarax Qoti


Somaliland waa dad hodan ku ah hiddo samida dhaqan suuban iyo garsoor wanaagsan oo ay ku dheehan yihiin, gobbanimo, is-jidmarin, is-xaalmarin, isudulqaadasho, is-dhaahin iyo wada-noolaansho nololeed oo wanaagsan, sidaa awgeed waxa aynu halkan ku lafa-guridoonaa taxanaha qormadeenan murtida badan xanbaarsan ee gar xeer-beegti iyo xeerarkeenii ku saabsanaa garnaqsiga dhaqankeena iyo xeerarkii lagu dabakhi jiray marka ay yimaadaan dhibaatooyin isqabsi ee u baahda in xal loo helo lagu kala saaro dadka ay dhibaatooyinku dhex-maraan.


Waxaana la yidhaahdaa garnaqsi, isla-markaana waxa loo saaraa guddi-dhaqameed loo yaqaan xeer-beegti, kuwaasoo u cuskada gar-qaadkooda iyagoo ku dabakhaaya garahaasi hadba xeerarka uga yaala beelaha ama qabaa’ilka, waxaana jirta cid gaysata iyo cid xalisa.

Waxa aynu ognahay in ummad kasta oo ku nool dunida guudkeeda ay leeyihiin qaabab iyo xeerar ay u maraan marka ay soo wajahdo xaalad dhalisa khilaaf iyo iska-horimaad, laakiinse, marka loo eego keena ayaa ka wanaagsan 100% shuruucda iyo qawaaniinta ay dunida casriga sheegataa maanta ay ku dhaqanto, sababtoo ah maanta kuma arkaysid cid isu garaabaysa, cid is-garmarinaysa iyo cid garanaysa gartii xeerbeegti ee lagu kala bixi jiray, inkastoo, haddana maanta aanay jirin guurtidii xeerbeegti ahayd ee dadka ku kala hagoogan jirtay marka ay xaajo murugto ee arrimuhu dhab-qaan.

Dhinaca suugaantana waxa aynu hodan ku lahayn balaaqada murtida suugaaneed oo loo istcimaali jiray garaha iyo noocyada garaha ah ee lagu dhaqmi jiray, jidka ka horeeya garta, cadaymaha lagu kala gar helo, sida loo kala gar helo, xeerarka, xeer-ciqaabeedka iyo kuwa xeerka jebiya sida laga yeelaayo.

Marka laga hadlayo gar xeer-beegti ereyada loo isticmaalo waxa ka mid ah, gar-muslax, gar-cadaawe, Gar-jid, Gar-xeer, Gar-igmasho, Gar-gudoon, Gar-jillaad, Gar-booli, Gar-samatalis, Gar-hadimo talis, Maah-maah, Murti, Didiif (dedafayn), Jid-bixin iyo Jid-bixiye.

Guddiga xeerbeegti ee garta qaadaysaa waa kuwo yaqaan waxa ay ka garnaqayaan iyo waxa ay ku dhamaanayso, haddii ay muslax tahay iyo haddii gar cadaawe tahayba, waxaase jiray oo la odhan jiray Samatalis iyo Hadimo talis, taasoo ahayd laba calaamadood ee lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha gala, kuwaas oo u qaybsami jiray nin daacad ah oo la odhan jiray waa Samatalis iyo nin aan daacad ahayn oo la odhan jiray Hadimotalis.

Garta hadii la feeniyo ama la Axalo-cunsiiyo cidda garnaqaysaa wax ambiil (Racfaan) ah lagama qaadan karo, taasina waxa weeye garta adag ee loo yaqaan gar-cadaawe.
Qofku waxa uu yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, waxaana dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-cadaaladeed iyo gar-eexo, haddii qofka uu gardiid noqdo dhaqanka iyo xeerka ceebbay ku ahaan jirtay, haddii laga gar helona garawshiinyo ayuu ka bixin jiray, haddii kalese waxa ay ku noqon jirtay inuu qaato gun-nimo, laakiin ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qayb ka ahayd hiddosamida dhaqanka iyo gobanimada dadka reer Somaliland uu lahaan jiray.

Inkastoo cidda garta naqaysaa xataa haddii ay si cadaalad ah garta u qaadaan, cidda garta laga helay ma’gafto waa layga eexday iyo waxba layma waydiin, sidaa darteed cidkastaaba haka cabatee cidda gartaqaadaysa waxa mar walba looga baahan yahay cadaalad iyo inay garta aad uga baaraan-degaan, iskana hubiyaan wixii ay cadaalad xumo ugaga iman karto.

Dhinacyada kale ee garnaqsanayana waxa mar walba looga baahan yahay inay gartooda banaanka ku soo akhristaan oo ay qolo waliba dhinaceeda si fiican u ogaato cidda ay is-hayaan waxa ay xaq ugu leeyihiin iyo waxa dheeraadka ku ah ee ay sitaan, waayo, waxa fiican inta aad banaanka joogto ee aaddan golaha iman inaad gartaada soo akhrisato, maxaad gar u leedahay, maxaadanse gar u lahayn, waa inaad talo ku dartaa oo aanad galin marka aad aragto in lagaa gar helayo si aanad ugu ceeboobin, haddii aad gar darran tahay aad garawsato, waxa ay Soomaalidu tidhaahdaa "Nin aan garaw baranini gar ma barran".

Waxa iyana loo baahan yahay inaad malayso cidda aad wada hadlaysaan ee kaa soo horjeeda inay kaa af-roon tahay (Af-tahamo badan tahay) iyo in hadalkiisa lagaa xigo oo aanu kufkaaga ahayn, waayo Somalidu waxay tidhaahdaa "Gadh-ba gadh baa la tusaa".

Sidoo kalena waxa jira hadal aan afkaaga ku wanaagsanayn oo afka Inaadeerkaa ku wanaagsan, tusaale ahaan, marka soddoggaa ama seedigaakaa soo horjeeddo amaba ay arrini idin dhexmarto qof xil kugu leh oo aanad afka ku kala waaxi karin, sidaa darteedna lagaaga toosan yahay odhaahdiisuna ay af cid kale ku wanaagsan tahay. Somalidu waxay tidhaahdaa "Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado".
Laakiin dhaqan xumooyinka soo kordhay waxa ka mid ah in labada reer ama labada qof oo arrini dhexmarto halkii si wanaagsan loogu gar-qaadi lahaa in gartooda la mashruuceeyo oo ay waqti dheer qaadato ama cidiba kala saari waydo oo ay isku sii murgaan oo timaha la isugu sooho ama marka ay arkaan in la isku dilayo ay iyagu iskood isaga kala dareeraan.

Xiliyadii hore garta laba qof ama laba qolo loo qaadayaa kama ay badan jirin inay maalin ama habeen iyo maalin socoto xataa marka ay guddidu raagto oo ay debedda u baxdo, waayo waxa la odhan jiray "Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan meesha ku jirin ayey soo gelinaysaa", isla markaana hadimada iyo waxa xun lagama talin jirin, iyadoo xataa hadii aanu qofka aakhiradiisaba u tudhan ay marka horeba hadimo-taliska iyo eexdu godob aan hadhin leedahay, sidaa darteed hadii aad cid u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda "Meesha aad qof ka qaadanayso qof baad kaga tegaysaa"………….la soco…..
la soco…………………….. Qaybta (2-aad)
Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
Xigahso: Cabdisalaan Maxamed Xirsi (Caara-dhuub)
dhaqanyahan ku xeel-dheer dhinaca suugaanta gabayada.

LATEST NEWS