[SIR CULUS] Nin Reer Xamar Ah Oo Sirihii Iyo Ammaankii Madaxtooyada La Wareegay Iyo Madaxwayne Silaanyo Oo Uu U Warhayo Saacad Kasta

0
Wednesday 19th April 2017 22:19:36 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 5377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [SIR CULUS] Nin Reer Xamar Ah Oo Sirihii Iyo Ammaankii Madaxtooyada La Wareegay Iyo Madaxwayne Silaanyo Oo Uu U Warhayo Saacad Kasta

    [SIR CULUS] Nin Reer Xamar Ah Oo Sirihii Iyo Ammaankii Madaxtooyada La Wareegay Iyo Madaxwayne Silaanyo Oo Uu U Warhayo Saacad Kasta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[SIR CULUS] Nin Reer Xamar Ah Oo Sirihii Iyo Ammaankii Madaxtooyada La Wareegay Iyo Madaxwayne Silaanyo Oo Uu U Warhayo Saacad Kasta


Hargaysa (Karin) Ka dib markii ilo xog-ogaal u ah madaxtooyada jamhuuriyadda soomaaliland ay u sheegeen Karin News nin lagu magacaabo MAXAMED OKIYAALE oo markaasi u dhashay dalka soomaaliya ee ay jaarka yihiin dalka soomaaliland uu gacanta ku hayo siraha iyo amaanka madaxtooyada qaranka soomaaliland looga arrimiyo.


Ninkan maxamed okiyaale ayaa ku soo galay madaxtooyada sifo been abuur ah oo markaasi salka ku haysa inuu yahay farsamo yaqaan sameeya mootooyinka balse lagu aaminay madaxtooyadii dhamayd ee dalka dhan looga talinayay .
Sidoo kale ninkan ayay sheegeen ilahan xog-ogaal ka ahi inuu u kala dab qaado madaxtooyada iyo guriga wasiirka arrimaha gudaha soomaaliland oo xitaa saqbadhka habeenkii uu isagu ka taliyo, maadaama sirdoonka qaranka iyo wasaaradda arrimaha gudaha soomaaliand ay wada shaqeeyaan .
Dhinaca kale waxaa xaaraan ah nin aan somalilander ahayn oo gurigii madaxwaynaha ku sugan oo ilaa heer aan caadi ahayn haya siraha dhamaan madaxtooyada goob kasta oo xitaa ammaan ahaan uu maanta wada og yahay inta ku sugan ee ciidan iyo hubka madaxtooyada yaala.




Waxaase xusid mudan farsamo yaqaan soomaalilander ah oo yaqaana farsamada mootooyinka aan laga waayin dalka balse arrintan ay tahay mid qaran bur bur oo xaaladdu iminka aanay ahayn mid caadi ah maadaama madaxweyne silaanyo uu ninkan aan u dhalan soomaaliland uu mar kasta ka warhayo xaaladaha kala duwan iyo goobta uu markaas ka fadhiyo madaxtooyada madaxwayne silaanyo.



Dhinaca kale ninkan maxamed okiyaale ee madaxtooyada ku sugan ayaa ilahan xog ogaalka ah ay karin news u sheegeen inuu ka tirsan yahay sirdoonka madaxtooyada isla markaana uu caanba ka yahay dhamaan magaalada hargaysa oo qof kastaba yaqaano, fanaanniin ayaa hore uga hadashay arrinka ninkan oo soo aragtay iyo shaqooyinka uu hayo, hase ahaatee ninkan ayaa madaxweyne silaanyo marka uu ka soo baxo madaxtooyada hor gala waxaana uu yahay darawal mooto oo been been ah .


Karin News
Hargaysa
LATEST NEWS