Waxaa la gaadhay waqtigii dib loo qiimayn lahaa godoomiyaasha gobalada dalka ee midba gobal aanu u dhalan ka taliyo""cheif caaqil axmed ciise cumar

0
Thursday 20th April 2017 10:04:34 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaa la gaadhay waqtigii dib loo qiimayn lahaa godoomiyaasha gobalada dalka ee midba gobal aanu u dhalan ka taliyo""cheif caaqil axmed ciise cumar

    Waxaa la gaadhay waqtigii dib loo qiimayn lahaa godoomiyaasha gobalada dalka ee midba gobal aanu u dhalan ka taliyo""cheif caaqil axmed ciise cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la gaadhay waqtigii dib loo qiimayn lahaa godoomiyaasha gobalada dalka ee midba gobal aanu u dhalan ka taliyo""cheif caaqil axmed ciise cumar On 19 Apr 2017 22:52, "Chief Caaqil Axmad Ciise" <caaqilaxmad@gmail.com> wrote:
Waxay ahay horaantii sanadkii 2013 markii uu madaxwaynaha jamuuriyada. Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo soo saaray wareegto madaxwayne oo uu isku shaandheeyay gudoomiyaasha gobalada somaliland.
Kuwaasoo uu mid walba u magacaabay gobal aanu dhalasho ahaan ama beel ahaan aanu ka soo jeedin


Waxaanay ahay markii u horaysay ee somaliland sidaasoo kale ay ka dhacdo intii aynu madaxbanaanideena la soo noqonay.
Waxaana dad badan la yaab ku noqotay in uu gudoomiye gobal ka taliyo gobol aanu dhalasho ahaan ka soo jeedin isla markaana aanu aqoon u lahayn
Dabeecadaha iyo dhaqamada iyo xeerarka qabaailada wada daga gobalkaas

Waxaa kale oo jiray dad badan oo isku shaandhayntaa madaxwaynaa soo dhaweeyay una arkayay nidaamkii dowladnimo oo kor loo qaaday. Isla markaana uu gudoomiye kastaa dhex u noqon doono beelaha kala duwan ee gobalkaa kuwada dhaqan maadaama aanu midna ka soo jeedin

Hadaba waxay aniga ila tahay in la gaadhay waqtigii dibu eegis lagu samayn lahaa nidaamkaa
Lana qiimayn lahaa faaiido iyo qasaare wixii uu keenay isku badalkaa gudoomiyaasha gobaladu

Waxaanan anigu ka mid ahay dadka u arka inuu dhibaato soo kordhiyay iyo kala qaybsanaan ku timaada dadka deegaanka kuwada nool dhawrkan sababood darteed


1--in gudoomiyaasha gobalada ee isku badalka ku yimi aanay qaarkood aqoon u lahayn nidaamka saami qaybsi ee beelaha gobolka wada daga

2--in ay isku diraan dadka gobalka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobalkaasi ee u matala kuraasta siyaasiga ah iyagoo dadka u sheegaya inaanay siyaasiyiintoodu u maqnayn iyaga ee ay dantooda ka raacdeen isla markaana uga faaiidaysanaya inay umadu isku jeesato oo aan isga la xisaabin wuxuu soo kordhiyay iyo wuxuu qabtay. (Waa gudoomiyaha,e

3--in ay dagmooyinka gobalka qaarkood dhinaca saaraan wax walbana ka dhagaystaan halka ay dagmooyinka qaarkoodna dulmiyaan si ay kala qaybsanaantu u sii xoogaysato.

4-- waxaa kale oo gudoomiyaasha gobalada ee aan u dhalan gobalkay joogaan ay ku sifoobeen in ay madaxda dalka siiyaan warbixin qaldan oo ku saabsan xaaladaha gobalkaas isla markaana ay ka bixiyaan sawir qaldan iyagoo dano gaara ka leh

5-- waxaa iyana xusid muadan in ay isuku haystaan in aanay dadka gobalkaasi iyo siyaasiyiinta gobalku badali karin kana caban karin maadaama aanay dhinacna ka soo jeedin umadiina ay horeba u kala qaybiyeen

Hadaba waxaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkaygan in sidii hore lagu celiyo gudoomiyaasha gobada dalka oo gobal walba loo magacaabo kay madaxdhameedkiisa iyo beelaha wada dagaa isku soo raacaan si looga badbaado kala qaybsanaan ku timaada umada gobalka kuwada dhaqan iyo nidaamka dawliga ahba

..cheif caaqil axmed ciise cumar

LATEST NEWS